Gabiley online and media News Hoyga gabiley online media Network

   

 

               

 

 

 

The Middle East on Line:

Stability in breakaway north offers ray of hope to war-torn Somalia

As international diplomatic, military, relief efforts focus on ending conflict in southern Somalia, Somaliland's experience offers lessons in how to build peace.

Middle East Online

By Peter Martell – HARGEISA

Internationally unrecognised self-declared republic

Banknotes in piles the size of desks lie on a dusty street guarded by dozing civilians -- money exchange offices in Somaliland, the northern breakaway state of war-torn Somalia.

While war rages in southern Somalia -- where regional armies and government troops battle Shebab fighters allied to Al-Qaeda -- the relative stability achieved in Somaliland offers a sliver of hope for the rest of the anarchic land.

"We are a peaceful and democratic country," said Ahmed Mohamed Silanyo, president of the self-declared country which broke away from Somalia in 1991, the year the Horn of Africa nation erupted into all-out civil war.

"People have said we are an oasis of peace in the Horn of Africa," added Silanyo, who took the helm of this nation the size of England in peaceful 2010 polls.

Like Somalia's capital Mogadishu today, Somaliland's capital Hargeisa was left in ruins by bombing raids in the bloody civil war.

But while the wreckage of destroyed fighter jets still lies on Hargeisa's bumpy airstrip, the scars of the conflict are rapidly fading, as bullet-riddled ruins are replaced by a spurt of new buildings.

Traders sell plump melons and bananas from farms outside the city on bustling street corners, while women offer milk from the camels that are key to Somaliland's mainly rural and pastoral economy.

"It is not always easy, but every year there are improvements in the economy," said businesswoman Amina Farah Arshe, who runs a fleet of fishing boats and supports women entrepreneurs.

As international diplomatic, military and relief efforts focus on ending the conflict in southern Somalia, Somaliland's experience offers lessons in how to build peace, Silanyo said.

"It was not imposed by any political group, but by an agreement of all people, clans and leaders, to come together to make reconciliation and restore peace," Silanyo said in his modest presidential compound.

But while Somaliland is bound together by a unifying ambition for formal independence and international recognition, southern Somalia is riven by brutal land and power struggles fueled by clan divides and religious beliefs.

"Somaliland demonstrates it is possible to build peace and stability in Somalia" if there is a "clear objective" -- in this case independence -- said Georges-Marc Andre, EU ambassador to Somalia, the largest donor here.

"In south and central Somalia however, for the time being, the interests are too diverse," Andre added.

Somaliland is certainly not without problems, but does appear to be trying to tackle them.

"The problems of sexual violence are many," said Aswan Mahmud, one of four female police prosecutors here, who focuses on violent crimes against women and children, a problem in a traditional society struggling to rebuild after war.

"In the beginning, it was tough and there was hostility from the public to my work, but things have improved ... I'll keep going because I am committed to provide better access to justice for women," Mahmud added.

But Somaliland also suffers from the spillover violence from its violent neighbours, beset by Islamist fighters as well by pirates who threaten shipping far across the Indian Ocean.

Tensions remain high with the neighbouring autonomous Somali region of Puntland over contested border regions potentially rich in oil.

Officers inside Hargesia's newly-refurbished prison are preparing cells for the transfer of 19 pirates Somaliland has agreed to host -- with more expected to follow -- captured by international navies and convicted in the Seychelles.

It is a sensitive matter for fiercely independent Somaliland, keen to win favour with the international community by showing its commitment to fight piracy, but also wary since the convicts are from Somalia.

"Their coming ... is an issue for political leaders, but we will host them here," said commander Omar Said Ali Ali diplomatically, as prisoners stared out from behind bars.

Some Western countries argue Somaliland deserves to become a fully-fledged country and thus gain access to more aid, but the African Union is wary of setting a precedent that may spur secessions across the continent.

"Even if we do not yet have the recognition of the international community we engage with the world, and we hope and expect recognition will come to Somaliland," the president added.

 

 

 

Inta Aydin Colaad Iyo Dagaal Ku Foogan Tihiin Kaalaya Madaxweynaha S/Land Isku Sharaxa, Hore Looma Arag Madaxdhaqameed Duurka U Gala Inuu Dhiig DaadiyoX. C/Kariim

Hargeysa Feb.12.2012(Gabileyonline)

Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’da wayn xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa ugu baaqay Madaxdhaqmeedyada beelaha Dhulbahante iyo Maleeshiyaadka Nabad-diidka ee colaadaha ka wada deegaanka Buhoodle inay joojiyaan xabada, isla markaana aqbalaan gogoshii nabada ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u fidiyay, waxaanu Garaadada beelaha Dhulabahante ee dibada wareega ah ugu baaqay inay colaadaha Somaliland ka tanaasulaan.

Xaaji Cabdi Kariim waxa u tilmaamay in wixii tabasho ah ee ay qabaan ay soo hordhigaan gogosha wada hadalka, isagoo Madaxweynaha Maamul goboleedka Majeerteeniya C/raxmaan Faroolena ku eedeeyay nin hanan kari waayay xilka loo cumaamaday, kaas oo uu u digay colaad iyo qalalaase uu usoo abaabulo Somaliland.

Md Xaaji Cabdi Kariim Xuseen (Cabdi Waraabe) waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi kooban oo uu wargeyska Haatuf shalay ku siiyey xarunta Baarlamaanka, kaas oo uu wax kaga waydiinayey weerarada gaadmada ah ee Ciidamada Qaranka ay ku soo qaadayaan Maleeshiyaadka Nabad-diidka ee deegaanka Buhoode colaada ka wada, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi “Beeshaa Laascaanood iyo Buhoodle degtaa waa beeshii reer Somaliland hogaamin jirtay, waxaan idin leeyahay waar walaalayaal colaada joojiyaaad wadaan oo gogosha Nabada ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo idiin fidiyay aqbala oo wixii tabasho ah ee aad qabtaan si nabadgalyo ah u soo bandhiga, Somaliland waxaan wanaag ahayn oo aydiin ma jirto, shaydaanka iska naara, waana ceeb Madaxdhaqmeedyo colaad oogaya oo duurka u galay dagaal iyo xabad, balse Garaadada iyo salaadiintu waxay ku shaqayan jireen nabadgalyada iyo wadajirka dadka, sidaa darteed waxaan idin leeyahay Madaxdhaqameedow colaada dibad wareega kasoo hoyda”

Xaaji C/kariim oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Kaalaya oo Madaxweyne iskaga so sharaxa Somaliland, ninka colaada iyo dagaalka ka wada Buhoodle iyo Sool waxaan leeyahay Somaliland ka daaya oo Madaxweyne isku soo sharaxa doorashada danbe, Madaxweynaha Puntland Faroolena waxaan leeyahay nin tiisii-ba daryeela ayaa tu kale ku dara, nasiib darase taladii loo dhiibay ayaabu hanan kari waayay isagu mana aqbalayno in wiilashayada uu colaad iyo xabad usoo dhiibo, oo aad Somaliland xasilooni daro ka abuurto, ninka madaxda ahina meelkasta oo Somali joogto waa inuu nabada ka shaqeeyaa, balse looma baahna inuu colaad ka dhex huriyo dadka walaalaha ah ee wada dhashay”.

Wararkii ugu Dambeeyay ee Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Kaddib Dagaalkii Shalay.

Hargeisa Feb.12.2012(Gabileyonline)

Xaalada guud ee magaalada Beledweyne ayaa xiligan degan, kadib dagaal culus oo shalay ku dhaxmaray xaafadda Howl-wadaag xoogagga maamulka Dooxada Shabeelle iyo kooxo hubeysan oo ka tirsan mid ka mid ah beelaha gobolka.

Inkastoo xaaladu tahay mid degan ayaa hadana dhinaca kale waxaa wali xayiran dhaq dhaqaaqii ganacsiga, waxbarashada, iyo iyo guud ahaaba isku socodkii dadka iyo gadiidka xaafadda Howl-wadaag oo ah halka maalintii shalay leysku farasaaray.

Laakiin dhinaca kale marka aad eegto magaalada qeybaheeda kale oo maalintii shalay dagaallka saameynta ku yeeshay ayeey dadku dib u bilaabeen howlahooda ganacsiga, sidoo kalana waxaa furan oo ay ardeydu tageen goobaha waxbarashada oo maalintii shalay markii uu dagaallku qarxay lagu kala cararay.

Khasaaraha dagaallka ilaa hadda inta la ogyahay dhimashada waxaa ay gaareysaa ilaa Afrax ruux walow ay jiraan warar inta dhimashada ka badinaya, halka dhaawacuna ku sii dhaw yahay 20 ruux.

Mas’uuliyiinta maamulka Dooxada Shabeelle oo la hadllay qalab-ka warbaahinta ayaa sheegay in dagaallka uusan aheyn mid u dhaxeeya maamulka Dooxada Shabeelle iyo beel, laakiin uu yahay dagaal dhaxmaray ciidamada maamulka iyo kooxo sida ay hadalka u dhigeen gacan saar la leh Al-shabaab.

Hasse ahaatee waxaa arintaa beeniyay, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay xildhibaan Cumar Aadan Xassan ‘’Cumar Dheere’’ oo ka mid ahaa xubnihii ka socday dowladda KMG ee maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne, laakiin hadda dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Sikataba dagaallkii ka dhacay maalintii shalay magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee soo mara magaalada, tan iyo wixii ka danbeeyay 31-kii bishii December ee ina dhaaftay xiligaa oo gacan ku heynta magaalada lagala wareegay kooxda Al-shabaab.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale ayaa War bixin Dhinacyo Badan Taabanaysa Maanta U jeediyey Golaha Wakiilada Somaliland.

Hargeysa Feb.11.2012(Gabileyonline)

Kal- fadhigii goloha wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominyaya gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland C/Raxmaan Maxamed C/Laahi Cirro, ayaa waxa ay warbixin ku saasan shaqaddiisa ay kaga dhagaysteen Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur, waxana uu wasiirku si qoto dheer uu uga warbixiyay xaaladda uu haatan dalku marayo iyo sidda ay uga hawl galayaan falalka ka dhacaya goboladda bari gaar ahaan deegaanka buuhoodlle.

Wasiir maxamed nuur caraalle duur oo golaha baarlamka hortiisa ka horjeediyay khudbad dheer ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladihii ka hor yimid tan iyo intii uu hayay xilka Wasiirnimo, waxana uu sidoo kale uu sheegay in uu qori doono dhowaan 500, oo dhalinayaro ah, kuwaas oo uu sheegay in uu utababari doono ciidanka booliska. Isla marlkaan aanay dawladuu wax shuurad ah ku xidhi doono sidda qoriga balse ay Dawladdu kharashaadka bixin doonto.

Wasiirku waxa uu sheegay in uu dalku wakhtigan uu marayo xaaladda wanaagsan, waxana uu yidhi isaga oo ka hadlayaa “xaaladda guud ee dalka marka aynu maanta eegno waxaan odhan karaa dalku waxa uu ku sugan yahay nabad marka laga reebo deegaanka Buuhoodle oo xoogaa shaqaaqa ahi ka taagan tahay, Taasna waxa aan odhan karaa ma jiro wadan caalamka boqolkiiba boqol nabad ah” ayuu yidhi Wasiir Duur, waxana uu intaasi ku aray “sidoo kalla markaan ka haddlo shaqaaqooyinkii ka dhacay dalka tan iyo intii aan xilka hayay waxa ka mid ahaa magaaladda Ceerigaabo oo ay ka dhaceen xoogaa is ka hor imaadyo ah taasi oo ay sababaeen xaaladdo mudooyin badan soo rafanayay balse waxa aanu ku guulaysanay inaanu ka galno dhex dhexaadin siddii loo dhamayn lahaa waxyaabaha ay kala tabanayaan deegaankaasi.

Sidoo kale deegaanka Seemaal oo iyana ay ka dhaceen xoogaa shaqaaqooyin ah taasi oo keentay in beelaha deeegaankaasi ay isku hub urursadaan balse xukuumaddu ay ka hawl gashay sidii xal looga gaadhi lahaa waxana laga gaadhay xal nabadeed oo dadkii lagu aanaynayay falkii ka dhacay deegaankaasi wax isugu jiraan dad la qabtay iyo dad maqan waxana aaanu ku rajo weynahay inaanu horkeeno maxkamadda dadkii falkaa loo aanaynayay ee deegaanka seemaal” .

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur, waxa uu si adag ugu nuuxnuuxsaday dagaaladdii dhowaan ka dhacay deegaanka Buuhoodlle ayaa sheegay in ay xukuumaddu diyaar u tahay in ay wadda hadal ku dhamasyo xaaladda dagaal ee ka taagan Buuhoodlle, waxana uu Wasiirku balan qaaday in dawladdu aanay qori caaradii waxba ku doonayn balse ay doonayso in ay wadda hadal ku soo afjarto, waxana ka mid aha ahadalkisii “Deegaanadda Sool iyo Buuhoodlle oo ay iminka ka taagan tahay xaaladda ugu culus ee iska hor imaadka sababay, iska hor imaadkaas oo ka dhaxeeyay ciidmadda Qaranka iyo maleeshiyo deegaankaas ka soo jeedda waxaanu rajeenaynaa in ay xaaladaasi ku dhamaan doonto wadda hadal oo aanuu jirin wax qori caaraddii lagu dhamaynaayaa”

Wasiir Duur waxa uu sheegay in ay dhowaan qori doonaan dhalinayaro ka kooban 500 oo boolis ah kuwaas oo loo tobabari doono laba hab oo kalla duwan, waxana uu intaasi raaciyay inaanay jirin wax shuruud ah oo lagu xidhayo dhalinyaraddan cusub, waxana uu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlayaa “waxa aanu ku raja weynahay inaanu 500 oo dhalinyaro ah aanu Ciidan Boolis ah qorno kuwaaas oo aanu ku xidhayn shuruudaha asrkariga Cusub lagu xidho, kuwaas oo ah oo ah inuu keeno qori direys iyo wax lamid ah, balse anagu (somaliland) aanu ka bixin doono jeebkayga waxana 500 ee dhalinyaradda ahi ukala bixi doonaan qaar qabta shaqaddii askaranimadda iyo qaar loo tobabaro saraaakiil waxana jirra inaan qoray waraaqo aan ku codsanayo tobabar saraakiilnimo ah inala siiyo kuwaas oo aan jawaabtoodiui sugayo”. Wasiirku isaga oo hadalkiisa sioi wata waxa uu yidhi “Sanadkii hore aan la wareegay xilka waxa uu sanadkani kaga duwan yahay waa sanad aan qortshaheedda lee yahay inaan dajisto wax badan, wax badana waan ka badali doonaa” ayuu raaciyay wasiir Duur.

Ugu danbeyntii xildhibaanadda golaha wakiiladda Somaliland ayaa su’aallo kala duwan ku boobay wasiir duur, waxana uu wasiirku ka jawaabay dhamaan su’aalaha la weydiiyay, xildhibaan ka mid ah goloha wakiiladda Somaliland oo Wasiirka weydiiyay su’aal ahayd waxa ay xukuumaddu iminka ula dagaalamayso dadka deegaankaas madaama ay fasaxadday in ay qabsadaan shirkii dhaliyay in ay ku dhawaaqaan maamul gooni ah ayaa waxa uu ku jawaabay “beelaha Somaliland beelna lagama hor istaagi karro in ay danaheedda ka tashato balse wax kaliya ee laga hor istaagi karaa waxa weeye marka uu shirkooda ka soo baxo wax qaranimadda dalka iyo bulshadda dhibaato ku keeni kara, balse beesha taleex ku jirtey waxay la mid ahayd uun beelihii ku shirayay gudaha Somaliland ee ayahoodda ka tashanayay laakiin wax shirkaas ka soo baxay baa ahaaa natiijo qaranka iyo bulashadda reer Somaliland dhibaato ku keenaya waxana aanau ku rajo weynahahay in ay sidda ugu fiican ku dhamaan doonto” ayuu yidhi Wasiir Duur

Ciidamada Qaranka Oo Guul Ka Gaadhay Dagaalkii Rogaal Celinta Ahaa, Saylici Oo Majaraha U Hayey, Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Gows Adeygay Guluf Ciidan Oo Lagu Waajaho Xaalada Iyo Furinta Cusub Ee Gambadha

“Waanu ka xunahay wixii dhibaato ah ee dadka Somaliland soo gaadha, ciidanka ha noqoto ama shacabka’e, waxaanu rajaynaynaa in maruun is-afgarasho iman doono”Madaxwayne Siilaanyo

Hargeisa Feb.09.2012(Gabileyonline) Ciidamadda qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh aaga Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow ayaa si adag isaga difaacay weerar gaadmo ah oo Maleeshiyaadka reer Buuhoodle subaxnimadii hore ee shalay ku soo qaadeen.

Dagaalkan oo socday Muddo saacado ah isla-markaana istaagay abaaro 11:00 duhurnimo ayaa la sheegay inuu bilaabmay ka dib markii Maleeshiyaad tiro badan oo ka soo duulay deegaanada loo yaqaano Sool-joogto ay ciidamada qaranka ku bilaabeen hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo ciidamada qarankuna kaga jawaabay cudud milatari oo hufan, Dagaalka ayaa la sheegay inuu markaa ka dib istaagay, balse muddo ka dib ayaa maleeshiyaadka reer Buuhoodle ay ku soo rogaal celiyeen ciidamada qaranka oo markaa dib heegan culus la galiyey, una diyaar garoobay inay maleeshiyaadka dhirbaaxo kulul ku dhuftaan, waxaana la tilmaamay in dagaalka marka dambe bilaabmay ay ka qayb-qaateen ciidamo dheeraad ah oo gurmad ahaan u gaadhay jiida hore ee dagaalku ka socday, kuwaasi oo ciidamada qaranka garab ku siiyay inay maleeshiyaadku ooda rogto oo ay dib ugu yaacaan halkii ay ka yimaadeen markii hore.

Dagaalkan oo aan dhab ahaan la ogeyn khasaaraha ka soo gaadhay Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, ayaa haddana wararka wararka madaxa-banaan ee la helayo jiidaasi ay sheegayaan in maleeshiyaadka dagaalkaasi uu ka soo gaadhay khasaare laxaadle oo ka dhashay jawaabta adage e ciidamada qaranku ka bixiyeen weerarka gaadmada ah ee maleeshiyaadku ciidanka ku soo qaadeen, balse khasaaraha soo gaadhay ciidamada qaranka ayaa ilaa hadda wararka la hayaa sheegeen in dhimasho iyo Dhaawac jiro.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kaalin mugle ka qaatay dagaalkii ciidamada qaranka Somaliland ku jabiyeen Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, waxaana la sheegay in Madaxwayne ku xigeenku uu shalay subax markii dagaalku bilaabmay uu tagay taliska guud ee ciidamada qaranka (Qaybta) isaga oo markaasi isugu yeedhay saraakiisha ciidamada qaranka oo la tilmaamay inuu ka dhex muuqday Taliyihii hore ee ciidamada qaranka Nuux Ismaaciil Taani, isla-markaana uu halkaasi ka hagayey dagaalkii rogaal celinta ahaa ee ciidamada qaranku ku baacsadeen Maleeshiyaadka.

Talaabaada Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ku maamulayey dagaalkaasi ayaa ciidamada u noqday dhiirigalin, taasi oo sababtay in ciidamadu ay ku gacan sareeyaan dagaalka.

dhan kale, dagaalkan ayaa waxa ka hadlay masuuliyiinta xukuumadda Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Siilaanyo oo isagu ku baaqay nabadgalyo “Waanu ka xunahay wixii dhibaato ah ee dadka Somaliland soo gaadha, ciidanka ha noqoto ama shacabka’e” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Haddii Somaliland aanu dawladeeda nahay shacabka Somaliland, khaasatan gobolada (Dagaalku ka dhacay) waxaanu ugu baaqnay imikana ugu baaqaynaa wada hadal, wanaag iyo nabadgalyo, dadkayagana nabadgalyo ayaanu la jecelahay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inayna ogolayn inay ciida Somaliland soo faro-galiyaan dad reer Somaliland ahayn, isaga oo tilmaamay in wixii dhibaato ah ee gudaha dalka ka jira ay ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa “Waxaan Somaliland ka tirsanayn waxaanu jecelahay in aanay dalkayaga soo faro-galin, faro-galina ugama ogolin, laakiin wixii dalkayaga dhibaato ku yimaada anaga ayaa la xaali doona, haddii ay is-afgarasho tahay iyo haddii ay wada hadal tahay”

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo waxa uu rajo ka muujiyey in xal laga gaadho tabashooyinka beelaha bariga dalka “Waxaanu rajaynaynaa in maruun is-afgarasho iman doono, waanuna ka shaqeyn doonaa”ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

Wasiirka Wasaaradda gaashaanshiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna Madaxwaynaha ka hor hadlay ayaa ka hadlay sida dagaalku ku bilowday “Dhacdo aanaan ku faraxsanayn ayaa xalay (Habeen hore) gelinkii dambe ka dhacday meesha la yidhaahdo Sool-joogto deegaankii ciidanka qaranku ku sugnaa, waan-waan ayaa socotay baaqii ugu dambeeyay markii uu Madaxweynuhu Addis-ababa qabanayay waa kii boodhka ka tumay ee is yidhi qaar ayaanay malaha risaaladdu wali gaadhine’e waa kii baaqa nabadda ku dhawaaqay ee gogosha nabadda fidiyay, sidaasi ayaa daliil u ah inay dawladda Somaliland ka go’an tahay nabaddu.” Ayuu yidhi wasiirka Wasaaradda gaashaandhigu, waxaanu intaa ku daray “Waxa maleeshiyo gaadmo ku tallo galay ayaa ciidanka dhinaca dambe kaga yimid, wixii dagaal lahaan jiray iyo isla rafadkii iyo wixii dagaal lahaan jiray ayaa dhacay, dabadeedna waxa soo gaadhay ciidamadii ku dhawaa ee difaaca dambe ku jiray, dabadeedna wuu is bedelay gaadmadii iyo wajigii dagaalku, waxaana markaasi bilaabmay dagaalkii dhabta ahaa ciidankuna waxay soo ceshadeen goobtii ay fadhiyeen.”

Wasiirka Gaashaan-dhigu waxa uu sheegay in markaa ka dib Maleeshiyaadku dagaal kale soo qaadeen “Mar labaad ayay maleeshiyadii isa soo abaabushay abaarro 10:45 daqiiqo ayay ahayd dib ayaa mar labaad loo celiyay, anagu kuma faraxsanin dhimashada iyo dhaawucuba labada dhinacba waa xagayaga, laakiin markaa dambe ciidamadu waxay la soo noqdeen hub laga qabsaday, waxayna fogeeyeen maleeshiyadii soo duushay, ciidanka Qarankuna hadda waxay fadhiyaan halkoodii”

Sidoo kale, Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo isaguna xalay ka hadlay dagaalka Buuhoodle ayaa sheegay in khasaaraha ciidamada qaranka soo gaadhay uu aad u kooban yahay, waxaanu sheegay in hal askari kaga dhintay, afar kalena ka dhaawacmeen, isaga oo tilmaamay inay Maleeshiyaadka ka qabteen maxaabiis tiro ahaan dhan 60 qof, isaga oo sidoo kalena sheegay in ciidamada qaranku joogaan kaabiga Buuhoodle.

Geesta kale, wararka naga soo gaadhaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Qaranka ee fadhiisimada ku leh deegaanka Gambadha ay weerar ku soo qaadeen Maleeshiyaad la sheegay inay ka soo duuleen dhinaca maamul goboleedka Puntland, waxaana la tilmaamay in maleeshiyaadkaasi ay dhowr jeer hub ku soo rideen, isla-markaana ay ciidamadu u jawaabeen.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in jiida Gambadha ay ka taagan tahay sansaan colaadeed, ciidamada qaranka iyo maleeshiyaadkuna ay is-hor-fadhiyaan, iyadda oo xili kasta la filan karo dagaal rasmi ah oo aagaasi ka qarxa.

Madaxweyne Siilaanyo oo sii saxeexay Siyaasadda guud ee Miisaaniyadda 2012-ka oo xambaarsan qoddobo abuuri kara khilaaf hor leh

Siyaasadani waxay xambaarsan tahay kharash Dhimis, cashuur Kordhin iyo baabi’inta Hay’addo Madax banaan

Wasiiradda sameeyay Siyaasada Miisaaniyadda oo maanta qabanaya kulan ay doonayaan inay Bulshada kaga dhaadhiciyaan

Hargeysa Feb.08.2012(Gabileyonline)

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa sii saxeexay Siyaasad guud oo ay Xukuumaddiisu u dajisay Miisaaniyadda 2012ka, oo ay ilaa hada Xukuumaddiisu soo hordhigi kari la’dahay Golihiisa Wasiiradda iyo Golaha Wakiiladda oo leh Ansixinteeda.

Qorshahan uu sii saxeexay Madaxweyne Siilaanyo waxa soo diyaariyay Guddi ka kooban Lix Wasiir oo uu u saaray keenista qorshe dhamaystiran oo lagu maamulo Miisaaniyadda kadib markii ay cadaatay in ay soo bixi wayday Odoroskii Miisaaniyadii sanadkii 2011-ka, isla markaana aanay xukuumaddiisu wax qorshe horumarineed ah aanay gabi ahaanba ka fulinin.

Sida ku cad qoraalka ay Guddidu soo saartay ee lagu maamulayo Miisaniyadda Sanadkan oo aanay wali xukuumaddu soo samayn, iyadoo jaangoynaysaa qorsheyaal farabadan kuwaasoo muujinaya in lagu yaraynayo kharashaadka ay Dawladdu isticmaasho boqolkiiba labaatan. Isla markaana ay meesha kaga saarayaan Hay’addo farabadan oo ka mid ah kuwa Madax banaan.

Qorshahan uu sii saxeexay Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu cad korodhsiimo dhinaca Cashuuraha ah, kuwaasoo jidaynaya in culays kale bulshada ka fuulo Maceeshadaha Daruuriga ah, taasoo ay xukuumaddu dhaqan galisay intaanu Madaxweyne Siilaanyo Saxeexinba.

Waxaanu qorshaha Siyaasadeed ee ay Wasiiraddu soo saareen, Madaxweynuhuna sii saxeexay markii uu Itoobiya u baxayay u dhigan yahay sidan:- Siyaasada Guud Ee Miisaaniyadda 2012-ka.

Mudane Madaxwayne, guddida siyaasada Miisaaniyadda Qaranka iyo dakhli kordhinta, waxaad ku magacowday fadhigii 51-aad ee golaha wasiirada oo ku beegnaa 23.10.2011.

Ujeedada loo Magacaabay Guddida.

    1. Inay dajiyaan siyaasada guud ee miisaaniyadda 2012.

    2. Inay kordhiyaan dakhliga dawlada

    3. Inay kharashka u kala hor-mariyaan sida ay u kala mudan yihiin, iyagga oo amniga koowaad siinaya, nabadgalyada, dhaqaalaha, adeega bulshada.

    Guddidu iyadda oo gudanaysa waajibaadkeeda, kana duulaysa qodobada kor ku xusan, waxay yeesheen fadhiyo isdaba joog ah oo qaar gaar u ahaa guddida iyo qaar ay kula kulmeen hay’adaha dhaqaalaha dalka, taasi oo ay ku darseen saddexda qodob eek u xusan oo ay faahfaahintoodu tahay sida:

      A. Siyaasada guud ee Misaaniyadda 2012.

      1. In Miisaaniyadda 2012 ay noqoto miisaaniyada Qaran oo ay ku jiraan dhammaan dakhliyadda hay’adaha qaranka, sida, Baanka, Hay’adda Wadooyinka (SRA), warshadaha laydhka, Madbacada Qaranka, Wakaaladaha biyaha, haamaha kaydka shidaalka Berbera, dekeda Berbera, wasaaradda duulista iyo hawada ($ 3) iyo deeqaha hay’adaha caalamiga ah iyo dawladaha hoose ee miisaaniyadooda ansixinteeda ay leeyihiin golayaasha deegaanku.

      2.In Miisaaniyadda 2012 ee dawlada dhexe ay ku jiraan mashaariic horumarineed, lana yareeyo kharashaadka aan daruuriga ahayn.

      3. Waa in miisaaniyadda dawladaha hoose kharashka shaqaaluhu noqdaa ugu yaraan 25%, kharashka hawl-socodsiitu noqdaan 30%, sidoo kale kharashka mashaariicda horumarinta ee aanay ku jirin deeqaha hay’adaha caalamiga isna waa inuu noqdaa ugu yaraan 35%, kharashka deeqaha dawladaha hoose siiyaana hay’adaha dawlada dhexe ee deegaanadooda isna waa inuu noqdaa ugu badnaa waa inuu noqdaa 10%.

      4. In hay’adaha wax-soo-saarka ee kale, sida wakaalada biyaha, dekeda, baanka, haamaha, wadooyinka IWM kharashaadkoodu noqdaa 30%, mashaariic horumarineed.

      5. Waa in kharashka 2% K gobolada bariga uu noqdaa 55% horumarin (Development) ah iyo 45% ah maamul fidin, sidii xeerkii uu ku soo baxay ahaa.

      6. In hay’adaha madaxa-banaan ee liiskoodu hoos ku qoran yahay la hoos-geeyo wasaaradaha ku hor-qoran oo ah ta ku haboon, kana hawl-galaan caasimada oo kaliya.

      7.

        Magacyada Hay’adaha iyo Wasaaradaha La hoos geeyay

        1 Hay’adda NDC W.Gaashaanshiga
        2 Hay’adda Nerad Madaxwayne ku xigeenka
        3 ICT Commison W. Bosaha/isgaadhsiinta
        4 Hay’adda Qurba-joogta Was.Arimaha dibad
        5 Quality C. Commission Wasaaradda Caafimaadka
        6 Solnac (HIV) Wasaarada Caafimaadka
        7 G. Xuquuqal Iisaanka W. Cadaalada
        8 Xidhiidhka iyo siyaasada w. Madaxtooyadda

        Hay’adaha hoos ku qoran la Tirtiro.

        1. Hay’adda Miino Saarka
        2. Hay’adda Caawimada WFP
        3. Hay’adda dib u habeynta shuruucda.
        4. Hay’adda baadhista xasuuqa.
        5. In Miisaaniyada 2012 lagu daro tirakoobka sax ah oo ay yeeshaan ciidamada dawladu, iyadda oo laga duulayo tirakoobkii ay soo sameeyeen guddidii uu Madaxwaynuhu magacaabay.
        6. Waa in ciidamada beelaha sida ugu dhakhsaha badan lagu soo xereeyaa xerooyin lagu tabobaro oo munaasiba.
        7. Waa in agoomaha iyo naafada ciidamada dawlada la tira-koobaa, laguna wareejiyaa hay’adda NDC, isla-markaana mushahar kaliya ay qaataan sanadka cusub ee 2012.
        8. Ciidamada taliska guud ee Milatariga iyo booliska iyana waa in dib loo tiro-koobaa oo ah goobta caagluhu yaalo.
        9. In la sameeyo sanduuqii hawlgalka shaqaalaha isla-markaana aan shaqaale cusub la qaadan sanad miisaaniyadeedka 2012, ilaa la dhamaystirayo qorshaha dib u habaynta shaqaalaha dawlada, marka laga reebo wixii aan laga maarmayn.
        10. In dawladu ka hawlgasho furitaanka ganacsiga hoos u dhacay ee wadamada aynu jaarka nahay isla-markaana guddi golle loo saaro arimaha ganacsiga ee xidhan ee dalalka jaarka ah iyo suuq-geynta isticmaalka dekada Berbera, si ay ula tartanto dekedaha jaarka.
          1. B. Dakhliga Miisaaniyada 2012.

        Waxaanu odorosnay in dakhliga Miisaaniyadda 2012 ee dawlada dhexe uu noqdo (540,000,000,000) $ 90,000,000(Sagaashan Milyan oo doolar), sidoo kale dakhliga hay’adaha madaxa-banaan uu noqdo 133,593,959,062 ($ 22,265,9.85), dawladaha hoose-na 67,786,503,889 ($ 11,297,751), gobolada barina waxa uu noqonayaa 22,574,633,428 ($ 3,762,439), dakhliyadaasina waxay ka iman doonaan ilahan dakhli ee hoos ku xusan.

        • Dakhliga kastamada.
        • Dakhliga cashuuraha bariga.
        • Dakhliga haamaha.
        • Dakhliga isgaadhsiinta.
        • Dakhliga liisamada ganacsiga.
        • Dakhliga kirada guryaha dawlada.
        • Dakhliga kabka dawladaha hoose.
        • Dakhliga wasaarada macdanta iyo biyaha.
        • Dakhliga dawladaha hoose.
        • Dakhliga hay’adaha madaxa-banaan ee wax soo saarka.
        1. Waxaanu isla qiyaasnay in korodhsiimada kastamadu sanadkan 2012-ka ay ka hooseeyo 10% dakhligii dhabta ahaa ee 2011-kii soo baxay
        2. In xooga la saaro dakhliga ka soo xerooda cashuuraha bariga, gaar ahaan cashuuraha iibka (Value added tax) iyo cashuuraha macaashak-macaashka, taas oo sanadka 2011-ka laga sameeyay dadaal xoog ah oo kordhay 250%.
        3. In cashuurta macaashal-macaashka ee soo dajiyayaasha 0.5% ku dhacaya qiimaha badeecadaha soo dagga horumarin ahaan lagaga qadimo kastamada 1 january 2012.
        4. In la laalo cashuuraha caqabada ku noqonaya maalgashiga sida cashuurta ( Initial capital registration).
        5. In cashuurta qaadka iyo sigaarka lagu kordhiyo 5%.
        6. In hay’adaha wadaniga ah ee gobolka kaliya ka shaqeeya cashuurta diiwaangalintooda laga dhigo 250,000 SL.shilin, sidoo kalena cashuurtac cusboonaysiinta liisankana kaga dhigo 250,000 Sl-shilin.
        7. In cashuurta cusboonaysiinta liisanka xawaaladaha laga dhigo ugu yaraan $ 2000, ugu badnaana $ 10,000, inta u dhaxaysana loo xisaabiyo wakiilkiiba ama xafiiskiiba $ 100.
        8. In shirkadaha Maalgashiga ee macdanta iyo baatroolka lacagaha ay bixiyaan nooc kasta oo ay yihiin lagu shubo khasnada dawlada.
        9. In tacriifada shirkadaha isgaadhsiintu ay noqoto tii guddidii Wasiirada ahaa iyo shirkada isgaadhsiintu ay isla saxeexeen.
        10. In wixii hay’adaha caalamiga ahi ku caawiyaan hay’adaha dawlada heshiisyadooda loo soo gudbiyo wasaarada Maaliyadda iyo wasaarada qorshaynta, sidoo kalena xisaab celintooda bil kasta loo soo gudbiyo wasaarada maaliyadda.
        11. In iskuulada gaarka loo leeyahay ay bixiyaan cashuurta macaashal-macaashka mushaharka macalimiinta iyo hawl-wadeenada kale ee iskuulada ka hawlgalla sidoo kalena guryaha kirada ah ee ay ku jiraan ay ka qaadaan mulkiilaha guriga cashuurta Macaashal-macaashka kirada guriga.
          1. C. Kharashaadka Miisaaniyada 2012.

        Kharashaadka dawlada dhexe waxa saldhig u noqonaya dakhliga oo aanu ku odorosnay 540,000,000,000 Sh-Sl oo u dhiganta $ 90,000,000. Haddaba anaga oo ka duulayna qodobka 3-aad ee ujeedada gudida loo magacaabay kharashka waxaanu mudnaanta u kala siinay sidan:

        • Amniga qaranka, gaar ahaan saanada, qalabka iyo tababarka ciidamada.
        • Doorashooyinka.
        • Hay’adaha dakhli ururinta.
        • Biyaha.
        • Dhismaha wadooyinka iyo dib-u-dhiska xafiisyada dawlada
        • Xoolaha, beeraha, kaluunka, deegaanka, warshadaha.
        • Mushaharka Guddoomiyaha maxkamada sare, ku xigeenadiisa, wasiirada iyo ku xigeenadooda oo noqonaya sanad 2012 8,100,000 Sl.shilin ($ 1,350) bishiiba.
        • Mushaharka agaasimayaasha guud oo noqonaya sanadka 2012-ka, 3,000,000 shilin ($ 500) bishiiba.
        • Mushaharka garsoorayaasha oo isna loogu kordhiyey $ 100 bishiiba.
        • Iyo wixii soo raaci kara.

        Si haddaba ay noogu hirgasho qodobada kor ku ku xusani, anagoo ka duulayna miisaaniyadii dawlada dhexe ee 2011, waxaanu go’aaminay qodobadan hoos ku qoran:

        1. Waa in madaxda barnaamijyadda, kharashaadka iibsiga alaabta, dhismayaasha, tababarka iyo kharashka kabka miisaaniyada ee miisaaniyada 2011 ku jiray meel la isugu geeyo, loona isticmaalo horumarin.
        2. In 30% laga jaro kharashyadii miisaniyadii 2011 oo kala ah sidan:
        • Gurmadka Qaranka.
        • Noolka safarada dibada.
        • Kharashyada gaarka ah
        • Kharashyada nabadgalyada
        • Kharashyada marti-qaadka
        • Kharashyada samaynta miisaaniyadda
        • Guno gaar ah (Wakiilada iyo Guurtida)
        1. In shidaalka ku jira miisaaniyadda 2011, laga jaro 20%, taas oo lagu bixin doono qandaraas qiimuhuna uu yaraan doono, ganacsatadana bil walba la siin doono lacagtooda, waxa kale oo aanu go’aaminay in Stationery-ga iyo Spare-parts-ka lagu bixiyo qandaraas.
        2. Waa in kharashka caafimaadka xisaab ahaan ay u hayso wasaaradda Maaliyadu, qiimayntana ay soo samayso wasaarada caafimaadku, ogolaanshaha kharashkana uu yeesho Madaxwaynuhu, marka laga reebo caafimaadka ciidamada.
        3. In dawladaha hoose ay ka qayb-qaataan kharashka doorashooyinka golaha deegaanka, iyaddoo la marimayo dariiq hore u jiray.
        4. Waa in la tirtiro madax liitirka iyo ciida.
        5. In 3 biloodkii kastaba waaranada xisaab celin tafatiran looga soo celiyo Wasaarada Maaliyadda.

        Guddida Siyaasada Misaaniyadda 2012.

        1. Eng Maxamed Xaashi Cilmi….Wasiirka wasaaradda Maaliyadda.
        2. Dr Sacad Cali Shirre ….Wasiirka Wasaaradda qorshaynta.
        3. Dr Cabdi Aw Daahir Cali…Wasiirka Xanaanada xoolaha.
        4. Axmed Xaaji Cali Cadami ….Wasiirka gaashaandhiga.
        5. Maxamuud Xaashi Cabdi…Wasiirka Duulista hawada.
        6. Cabdirisaaq khaliif Axmed…..Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha.

        Dhinaca kalena, dhawaan waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Amray in dib Golaha Wakiiladda loo horkeeno Xeerkii Miisaaniyadda ee ay xukuumaddii Madaxweyne Rayaale dib ugu soo celisay Golaha Wakiiladda, taasoo ay si weyn uga soo hor jeedsatay kadib markii ay Golaha Wakiiladda oo wakhtigaa Mucaarad ku ahaa Xukuumaddiisa ay u aragtay Dabar lagu xakamaynayo Nidaamka Maaliyadeed ee ay ku dhaqmaysay.

        Waxaanay Guddida Golaha Wakiiladda u qaabilsan Dhaqaaluhu u qabatay dhawaan kulan ay ka soo qayb galeen Aqoonyahano kala duwan, kuwaasoo aragtidooda ka dhiibtay qoddobada muhiimka ah ee loo baahan yahay in la kaabo ama wax laga bedelo ee Xeerka ku jira, si markale Golaha loo horgeeyo.

        Baarlamaan Somaliland Oo Madaxwayne Siilaanyo Duuduub Ugu Ansixiyey Soo Jeedintii Ay Marxuum Cigaal Ka Diideen 1994-kii

        “Anigu ina Cigaal ahaan Soomaliya ma necbi waayo Raysal-wasaare ayaan ka soo noqday, laakiin maanta waa la kala daneystay” Khudbadii Marxuum Cigaal ee baarlamaanka hortiisa

        Waa qodob lagu daro Xeerkii lagu xakamaynayey in laga qayb galo shirarka Somaliya, qodobkaas oo ah in Xukuumaddu ka qayb gasho shirkii loo arko in dani ku jirto” Cirro

        “Haddii hawlihii guduhuba isku-kaa raacsanayn, ictiraafka dibada laga doonayaa maxaa faa’iido ah oo uu keenayaa” su’aal la waydiiyey Marxuum Cigaal
        Hargeisa Feb.06.2012(Gabileyonline) Mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka Somaliland ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey in xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka qayb-gasho shirka kooxaha Soomaliya loogu qabanayo Magaaladda London dabayaaqada bishan.

        Fadhigan labadan aqal ee baarlamaanka Somaliland ku ansixiyeen in xukuumaddu si kalsooni leh uga qayb-gasho shirka London oo ahaa mid ka dhashay kulan qaddo- ahaa oo Madaxwayne Siilaanyo doraad Mudanayaasha labada golle ugu sameeyay huteelka Maansoor isla-markaana ugu soo bandhigay ajandayaasha shirka London oo qaybo ka mid ah dhawaan dawlada Britain u soo gudbisay, ayaa u hirgalay sidii Madaxwaynuhu u fuliyey.

        Fadhigan labadan golle baarlamaan ee Somaliland ayaa oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sidoo kale waxa lagu ansixiyey qodob dheeraad ah oo lagu daray xeerkii mabnuucayey in Somaliland iyo siyaasiyiinteeduba ay ka qayb-galaan shirarka kooxaha Soomaliya loo qabanayo, kaasi oo nasaxay qodobadii hore ugu jiray xeerkaasi, isaga oo xukuumadda u fasaxay inay ka qayb-gasho shirka London.

        Qodobadan lagu meel-mariyey fadhigii labada golle ee baarlamaanka Somaliland, ayaa waxa cod ku ansixiyey 101 xildhibaan oo ka mid ahaa 109 mudane oo fadhigaasi fadhiyey, waxaana diiday 3 Mudane, 4-na way ka aamuseen, halka Guddoomiyuhuna aanu ka codeynin.

        Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhi-wada jir ah oo ay maanta cod aqlabiyada ahb ku Ansixiyay in Xukuumadda lagu taageero in laga qayb galo shirka Somaliya loogu qabanayo Dalka Ingiriiska iyo in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo Xeer uu Golahaasi hore u ansixiyay oo xakamaynayay in Dawlada Somaliland ka qayb gasho shir lagaga hadlayo arrimaha Somaliya.

        Fadhigan maanta ee labada Gole ee Baarlamanka Somaliland oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/lahi Cirro, kana soo xaadireen 109 Mudane oo ka mid ah 164 mudane ee Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland , ka hor intii aan cod loo qaadin labadaasi qodob, waxa khudbad ka hor jeediyay Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed C/lahi Cumar, kaasoo ka waramay faa’idada Somaliland ugu jirta inay shirkaasi ka qayb gasho.

        Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ka hor inta aan labada qodob la meel-marin kalmado kooban u jeediyay mudanayaasha baarlamaanka waxa uu yidhi “laba arimood ayaanu mudanayaasha u soo jeedinaynaa midi waxa weeye waxa ina horyaala go’aan goluhu gaadhay mar hore, waxaana daruuri noqotay in inagoo ilaashanayna qaranimadeena inay danaheena kale ilaashano, markaa qodobka hore waxa weeye in qodob lagu soo daro Xeerkii lagu xakamaynayey in laga qayb galo shirarka Somaliya, qodobkaas oo ah in Xukuumaddu ka qayb gasho oo loo arko in dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland, qodobka labaadna waxa weeye maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan”

        Ka sakow ansixinta in xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ka qayb-gashii shirka London,waxa isaguna fadhiga labada golle hadal ka soo jeediyay wasiirka wasaaradda arimaha dibada Dr Maxamed Maxamed Cabdilaahi, waxaanu tilmaamay in qayb-galka shirka London aanu waxba u dhimayn qadiyada madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland, isaga oo tilmaamay inay shirkaasi ku soo bandhigi doonaan sida Somaliland beesha caalamka uga naawilayso inay ictiraaf caalami ah ka hesho.

        Fadhigan labada golle ee baarlamaanka Somaliland ku ansixiyeen in shirka London laga qayb-gallo, waxa jiray Mudanayaal golaha wakiilada ka mid ah oo ka baxay ka hor inta aan loo codeyn xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo meel-marinta ka qayb-galka shirka London u arkayey in laga ansixinayo in ceel dheer lagu ridayo jiritaanka Somaliland, maadaama oo aan xog rasmi ah laga hayn maxsuulka shirka London.

        Dhinaca kale, Mudanayaasha labada golle ee baarlamaanka Somaliland ayaa indhaha ka qarsaday inaan wax ka bedal lagu samayn xeerkii muwaadiniinta Somaliland u diidayey inay ka qayb-galaan shirarka kooxaha Soomaliya loo qabanayo, kaasi oo baarlamaanku hore u meel mariyeen, ka dib markii ay si isdaba joog ah u soo kordheen shirarka beesha caalamku Soomaliya u qabanayso, kuwaasi wakhtigii Alle ha u naxariistee Madaxwayne Maxamed Ibraahim Cigaal talada dalka gacanta ku hayey shaki ka dhex abuuray xukuumaddiisii iyo golaha wakiilada, kaasi oo sababey in baarlamaanku hor-joogsadaan in Marxuum Cigaal uu safar ku taggo Magaaladda Qaahira 1994-kii oo uu ka socday shir loo qabtay Soomaliya, iyadda oo baarlamaanka Marxuum Cigaal ka diiday uu ka mid ahaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

        Marxuum Cigaal ayaa khudbad uu ka jeediyey fadhigaa wada jirka ah ee baarlamaanku kaga diideen inuu shirka Qaahira taggo ayaa waxa ka mid ahaa “Anigu ina Cigaal ahaan Soomaliya ma necbi waayo Raysal-wasaare ayaan ka soo noqday, laakiin maanta waa la kala daneystay, sideedabana dibad u baxa dhib aan laga soo kaban Karin ayay keeni kartaa, faa’iido waynina way ka iman kartaa, waa inaad ku tallo-gal aan ka yeelataan, haddii aan taggo waxaan la tagayaa Masar oo ah meesha kabta feygeeda inagaga taagan inay inagala hadhaan Somaliya ma kala go’in karto, waxa kale oo ka mid ah ku tallo-galkayga in albaabadan Carbeed ee inaga xidhmay inaga furmaan”

        Marxuum Cigaal oo wakhtigaa u diyaar-garoobayey safar uu ku taggo dalka Masar ayaa sidoo kale soo qaaday “Boorama way nagii ku soo dhisnay golayaasha, waa run waa la inoo soo doortay in dalkan ictiraaf u raadino, dadkana la walaaleeyo, muddo dheer hawluhu si fiican ayay inoogu socdeen, in muddo ka soo wareegtay shacabka iyo madaxdu isku mid ayay ahaayeen, dhawaaqii Burco siyaasadii jirtay waxaad moodaa inay wax ku soo biireen oo qaranimadii shaki la galiyey, lana xalaashaday oo waliba inaga shaki la ina galiyey, New-york-na waan tagayaa, waxaanan lahaa waar kursiga (Qaramada midoobay) aan ku fadhiisano, ragna waxay lahaayeen wax cusub aynu doonayno oo nimankaa Soomaliya waxay leeyihiin inaga daaya, markaa aniga haddii arintaasi la igaga shakiyey waxa waajib ahayd in maxkamada la I saaro, waayo waa khiyaamo qaran, haddii labada golle goostaan Soomali-weyn anigu idin raaci mayo”

        Marxuum Cigaal waxa kale oo uu khudbadiisaasi ku sheegay “Ictiraaf dibada ma jiro ee waxa uu ku xidhan yahay in xukuumaddu raadiso”

        Marxuum Cigaal oo maalintaa labada Mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka Somaliland waydiiyeen su’aalo door ah oo la xidhiidha xaaladii wakhtigaa ee Somaliland, ayaa su’aalihii la waydiiyey waxa ka mid ahaa “Waxay umaddu ku jihaysan tahay in ictiraafka dibada laga keenayo, imika socdaalkaagii saddexaad ayaad qorshaysatay, haddii hawlihii guduhuba isku-kaa raacsanayn, ictiraafka dibada laga doonayaa maxaa faa’iido ah oo uu keenayaa”?

        Salaadiinta Somaliland oo Dawlada ku taageeray in si Mug leh looga qayb Galo Shirka Ingiriisku u qabanayo Somalida, kana waramay kulan ay Madaxweyne Siilaanyo la yeesheen

        Hargeisa Feb.05.2012(Gabileyonline)Qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hoteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa ayaa faah-faahin kaga bixiyay Kulan ay saaka la yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiiradda.

        Kulankaasoo ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland waxa ay Salaadiintu sheegeen inay madaxweynaha kala hadleen arrimo ku saabsan shirka Somalida loogu qabanayo dalka Ingiriiska ee Somaliland lagu soo casuumay iyo nabad-gelyo darada ka taagan Gobolada Sool iyo Buuhoodle.

        Suldaanka Guud ee Beesha Toljecle Suldaan Axmed Daahir oo ugu horeyn shirkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad naqay madaxweynaha Somaliland iyo Golihiisa wasiirada oo uu uga mahad celiyay sida ay uga aqbaleen talooyin badan oo ay kulankaasi uga jeediyeen.

        Suldaan Siciid xaaji Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa Saddex Suldaan oo Isimaddani u wakiisheen inay faah-faahin ka bixiyaan wixii ay madaxweynaha ka wada hadleen iyo arimo ay isla qaateen dawlada oo ku saabsan shirka London ayaa sheegay “waxaanu ka soo baxnay shir aanu la yeelanay madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro oo aanu ka wada hadalnay go’aanka ay gaaadheen ee in laga qayb galo shirka London lagu qabanayo oo lagu soo casuumay dawlado badan oo ay ka mid tahay Somaliland, kaasoo aanu hore anagu hadii aanu nahay Golaha Salaadiinta si gaar ah u falan qaynay, ka dibna waxaanu isla garanay inay maanta haboontahay in laga qayb galo”ayuu yidhi.

        Suldaanka ayaa intaasi ku daray “Nasiib wanaag madaxweynaha iyo dawladu waxay go’aamiyeen , oo ay naga talo geliyeen in lala qaato go’aanka ay soo jeediyeen oo shirkaasi si mug leh looga qayb galo, anaguna anagoo ka wakiil ah umadda Jamhuuriyada Somaliland waxaanu ku taageernay in laga qayb galo shirkaasoo maanta waxa inoo diidayaa jirin, waayo oo dawlad isku dheeli tiran ayaynu”

        “markaa madaxweynaha iyo dawlada waanu ku taageersanahay in laga qayb galo shirka, waanan ugu ducaynaynaa, shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaana waxaan lu soo jeedinaynaa inay go’aankaa nala qaata”ayuu yidhi Suldaan Siciid.

        Suldaan Siciid waxa kale oo uu sheegay inay madaxweynaha kala hadleen nabad gelyo darada ka jirta Gobolada Bariga “waxa kale oo aanu madaxweynaha kala hadalnay shaqaaqada ka taagan gobolada bariga, gaar ahaan Degmada Buuhoodle, taasoo aanu soo jeedinayno anagoo Salaadiintii ah in arintaasi nabad gelyo lagu dhameeyo colaad waynu naqaanaa oo wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho”.

        “markaa waxaanu madaxdhaqameed ahaan ugu baaqaynaa dhinacyada ay khusayso in nabad-gelyo iyo wada hadal lagu dhameeyo wixii wax tirsi ah,anagoo ka tacsiyadaynayna dadkii halkaasi ku dhintay qoysaskoodii iyo dhamaan shacbiga Somaliland inuu illaahay samir iyo iimaan ka siiyo, kuwii ku dhaawacmayna illaahayn ha u sahlo oo caaafimaad ha ugu bedelo”ayuu yidhi Suldaanku.

        Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Suldaan Aadan Faarax Cumar iyo Suldaan Xiis Bare Yuusuf oo iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay taageersan yihiin in dawlada Somaliland ka qayb gasho shirka Somaliya loogu qabanayo London.

        Salaadiintan ayaa sidoo kale ku baaqay in shaqaaqada Gobolada Bariga Somaliland, gaar ahaan Deegaamada Buuhoodle lagu xaliyo wada hadal iyo nabad-gelyo, lana joojiyo colaada, iyagoo ugu baaqay nadaxdhaqameedyada deegaankaasina inay nabada iyo wada noolaanshaha Bulshada Somaliland ka shaqeeyaan, isla markaana ajiibaan gogosha nabada ee ay ugu baaqayaan.

        Ciidamada DKMG iyo Kuwa Kenya oo Dagaal kula wareegay degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.


        Hargeisa Feb.02 2012(Gabileyonline)− Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo is-garabsanaya ayaa lagu soo waramayaa in ay dagaal kula wareegeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

        Dagaal culus oo lisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwanayaa la sheegay in gudaha magaalada Badhaadhe uu ku dhexmaray xoogaga Alshabaab iyo ciidamada isgarabsanaya, iyadoona markii danbe ciidamada dowladda ay usuurogashay in ay gacanta ku dhigeen degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose.

        Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka Max’ed Daahir Faarax ayaa warbahinta u sheegay in dagaal saacado badan qaatay oo duleedka degmada Badhaadhe ku dhexmaray iyaga iyo Alshabaab ay markii danbe kula wareegeen magaaladaasi.

        Afhayeenka ayaa sheegay in dhankooda uu halka askari uga dhaawacmayo, isagoona sheegay in xoogaga Alshabaab ay ka dileen dagaalyahanno fara badan.

        Illaa iyo imika ma cada qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda degmada Badhaadhe ay tahay mid aad u kacsan.

        Ciidamada dowladda KMG oo garabsanaya kuwa Kenya oo ku qalabeysan hubka noocyadiisa kala duwan, gaadiidka dagaalka iyo weliba diyaarado nooca helicopterska ayaa la sheegay in shalay ay kasoo ambabaxeen dhanka degmada Dhoobley, iyadoona hadafkoodu ahaa in ay weeraraan saldhigyada ay xoogaga Alshabaab ku leeyihiin qeybo katirsan gobollada Jubooyinka.

        Illaa imika ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalladaasi oo kasoo baxay masuuliyiinta xoogaga Alshabaab ee ku sugan gobollada Jubooyinka.

        Badhasaabka Togdheer Oo Lacag Guddoonsiiyay Qaar Ka Mid Ah Askarta Ciidanka Qaranka Ee Dagaalkii Buuhoodle Ku Dhaawacmay

        Hargeisa Feb.01.2012(Gablieyonline) – Maamulka gobolka Togdheer ayaa shalay deeq lacag ah guddoonsiiyay qaar ka mid ciidamada qaranka oo uu ku soo dhaawacmay dagaalkii todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Buuhoodle, kuwaas oo lagu daaweynayo cisbitaalka guud ee Burco

        Deeqdan lacagtan oo aan la sheegin cadadkeeda ayaa waxa askartaasi guddoonsiiyey Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdioo Axmed Aayir oo uu wehelinayey ku xigeenkiisa Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle).

        Maamulaha cisbitaalka Burco Xasan Ismaaciil Cawaale oo masuuliyiintan uga waramay xaalad caafimaad ee ay ku sugan yihiin askartan ku soo dhaawactay dagaalkii Buuhoodle, ayaa sheegay in mudada ay dhakhtar joogeen loo fidiyey daaweyn wanaagsan, isla-markaana dhakhaatiirta caafimaadku ku dedaaleen sidii ay ula tacaali lahaayeen caafmaadintooda.

        Maamuluhu wuxuu sheegay in askartan oo dhaawacyo kala gedisan qabay hadda caafimaadkoodu wanaagsan yahay, isla-markaana qaar ka mid ah ka bogsadeen nabaradii ku soo gaadhay dagaalkii ay la galeen maleeshiyaadka reer Buuhoodle.

        Gudoomiyha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir oo lacagta deeqda ah guddoonsiiyay askarta ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay waxa uu askarta ugu duceeyay in ILAAHAY caafimaadkooda u soo celiyo si deg-deg ahna uga bogsadaan dhaawacyada ay qabaan “Waxaan ILLAAHAY idiinka rajaynayaa in dhaawacyada uu idinka bogsiiyo waxaanan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan Askartii ciidanka Qaranka ee iyagu ku geeriyootay dagaalkaasi iyo cid kasta oo ku dhimatayba, kuwaasi oo dhamaantoodba ahaa dad reer Somaliland ah” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Togdheer waxaanu intaa ku daray “ILLAAHAYNA waxaan uga baryaynaa in samair iyo imaan uu ka siiyo qoysaskii ay ka baxeen iyo qarankaba”

        Lacagtan la guddoonsiiyay askarta dhaawac aha lama sheegin inay tahay lacag maamulka gobolka Togdheer ugu tallo-galay inay guddoonsiiyaan askartaasi iyo inay tahay lacag cid kale soo bixisay oo maamulka loo wakiishay bixinteeda.

        Dagaal Khasaare badan Geystay oo ka dhacay Muqdisho iyo Alshabaab oo Laanqayrta Cas ka joojisay hawlihii ay ka waday Gobola Somaliya

        hargeisa Feb.01.2012(Gabileyonline)-Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saaka Duleedka Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab.

        Dagaalkan oo ka dhacay Deegaanka Jasiira ee Duleedka Muqdisho ayaa ka dhashay weerar ay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Jasiir oo ay Dagaal culus isku waajaheen ciidammo ka tirsan dowladda KMG ee Somaliya oo gurmad ku soo gaadhay Deegaankaasi.

        guddoomiyaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Xasan Caddoow (Daaci) oo Saxaafada uga waramay sida uu Dagaalkaasi u dhacay ayaa yidhi “Waxaa saakay deegaanka Jasiira soo weeraray kooxihii fidno wadooyinka ahaa ee Al-shabaab wayna qabsadeen, markaas ka dib waxaa ku baxay ciidamada DKMG ah wayna ka saareen,”ayuu yidhi.

        Waxaanu sidoo kale xaqiijiyay inuu arkay Maydadka Askar ka ka dhimatay Al-shabaab iyo kuwo ka dhaawacmay, halka Goobjoogayaal kale oo Warbaahinta la hadlayna ay sheegayaan in Sideedda qof ee dagaalka ku dhintay ay dhammaantood ahaa dhinacyadii Dagaalamay.

        Dhanka kale, mas’uuliyiin u hadlay Al-shabaab ayaa xaqiijiyay inay ka baxeen Ciidamadoodu ka baxeen Deegaanka Jasiira oo ay weerar ku qabsadeen saaka, ka dib markii ay ujeedadoodi gaadheen.

        Geesta kale Abaanduulaha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) isna dhinaca Dawlada u hadlay ayaa ku dooday in dagaalkan saaka ka dhacay deegaanka Jasiira uu yahay midkii ugu horreeyay ee halkaas ka dhaca, ciidamadooduna ay hada gaadheen deegaanka Dhanaan ee gobolka Shabeellada hoose.

        Dhinaca kale,Xarakada Al-shabaab ayaa ka joojisay Hay’ada laanqayrta Cas ee ICRC hawlihii samo-falka ahaa ee ay ka fulin jirtay gobollada ay ka taliso ee Somaliya, taasoo ay ku eedeysay in raashinka iyo quudinta ay ka bixiso Somaliya 70% ay yihiin kuwo aan la cuni Karin.

        Hay’ada ICRC ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay Dacaayado ka faafisay Kooxda Alshabaan sida lagu sheegay war ka soo baxay Alshabaab oo shaqo joojintaasi lagu shaaciyay “ICRC waxay dacaayad aan sax ahayn ka baahiyeen mujaahidiinta, taasoo ah inay horistaageen raashin ay u qaybin lahaayeen dad dhibaateysan,” ayaa lagu yidhi warka.

        Alshabaab ayaa sidoo kale ku dooday inay hore u soo bandhigeen Raashinka dhacay ee ay ku eedeynayaan Hay’adaasi “Raashinka dhacay ee ay ICRC qaybin lahayd waa lasoo bandhigay waana goobjoog ka ahaa saxaafadda iyo dadweyne fara badan,”.

        Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Hay’ada ICRC oo arintaasi la xidhiidha, balse Kooxda mas’uuliyiin u hadlay ayaa sheegay inaanay jawaab deg-deg ah ka bixinayn amarka lagu soo rogay.

        Si kastaba ha ahaatee Ururka Al-shabaab ayaa sanadihii la soo dhaafay xayiraad ku soo rogay 16 Hay’dood hawlihii samo-falka ahaa ee ay ka fulin jireen Gobolada Somaliya ee ay gacanta ku hayaan, waxaana hada ku soo hadhay hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF oo kaliya.

        Madaxweyne ku-xigeenkii hore oo Xukuumadda uga Digay inay 3 xisbi Qaran iyo Golayaasha Ku Koobto Talada Shirka London

        Hargeisa Jan.31.2012(Gabileyonline)Madaxwayne ku xigeenkii u horeeyey ee somaliland md:Xasan Ciise Jaamac ayaa xukuumada Somaliland u soo jeediyey in talada qaran ee laga yeelanayo ka qayb galka shirka ka qabsoomi doona magaalada london ee lagu soo marti qaaday Somaliland aanay ku koobin sadexda xisbi qaran oo kaliya.

        Xasan Ciise Jaamac shalay ka hadlayey munaasibad xadhiga lagaga jarayey xarunta urur siyaasadeedka Xaqsoor ku yeelan doon magaalada hargeysa, waxa uu u soo jeediyay Xukuumadda in Ururadda Siyaasada laga qayb geliyo talada laga yeelanayo shirkaasi “shirka ka dhacaya magaalada London ee wadankeena lagu marti qaaday qof kasta oo ka hadlay waxa uu sheegay in qodobka kaliya ee in hagayaa uu yahay danta Somaliland, balse waxa lagu kala gedisan yahay habka kaliye ee danta Somaliland loogu soo bandhigi karo shirkaas iyo kuwa la midaba, muumulkeenu markii uu soo qaaday shirkaa London waxa uu yidhi talo qaran ayaanu ka gelaynaa, hadana waxa uu raaciyey sadexda xisbi ayaanu la shiraynaa, waxaan leeyahay taasi talo qaran maaha” ayuu yidhi.

        Sidoo kale waxa uu ku dooday “sadexda xisbi imika marxaladii ururada ayey dib ugu soo noqdeen oo 18 urur ayey ka mid yihiin, dawladana waxaanu leenahay 18-kaa Urur si siman ula dhaqantaa, Arintaas shirka London_na talo qaran oo balaadhan oo mucaarid iyo muxaafid, beri iyo galbeed ay umada u dhan tahay ayaa lagaga gudbi karaa” ayuu yidhi.

        Sidoo kale Xasan Ciise Jaamac mar uu ka hadlayay dagaalada ka soconaya gobolada bari waxa uu soo jeediyay in si deg deg ah loo so af jaro “dagaalkaa bariga waa in si dhakhso ah loo joojiyo dhinac kasta oo ay tahayba, maantana cadawgii somalilland aad ayuu u soo hanqal taagayaa dagaalka bariga awgii, waayo Somaliland ayaa dhexdeedii uu dagaalku ka dhacayaab oo waa kaa dhimay oo kugu dhimay”

        Kumannaan Ciidamada Itoobiya ah oo kasoo gudbay deegaan Doolow ee Gobolka Gedo gaadhayna Degmada Luuq


        Hargeisa January 30.2012(Gabileyonline) − Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiid dagaal oo ay ku jiraan taangiyo ama kaarayaal ayaa soo galay maanta oo Isniin ah gobolka Gedo, sida ay goobjoogayaal ku sugan gobolkaas gobolkaas u sheegeen saxaafadda.

        Ciidamada Itoobiya ayaa waxay si rasmi ah uga soo gudbeen soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii hore dhamaadkiisa, balse ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Jimcihii sababta ay ciidamadoodu dib ugu laabteen Soomaaliya.

        "Kumannaan ciidamada Itoobiya ah ayaa soo galay degmada Luuq xalay, kaddib markii ay kasoo gudbeen xuduudda Doolow, waxay wataan gaadiid dagaal oo aad u fara badan kuwaasoo ay ku jiraan taangiyo," ayuu yiri Idiris Macallin Cabdullaahi oo ka mid ah waxgaradka degmada Luuq.

        Sidoo kale, ciidamadan soo galay gobolka Gedo ayaa waxaa ka hadlay saraakiil ka tirsan Al-shabaab, iyagoo sheegay in qorshahoodu yahay inay ka hortagaan si ay uga difaacaan deegaannada ay gacanta ku hayaan.

        "Ciidammo masiixiyiin ah oo ka yimid Itoobiya ayaa soo galay Soomaaliya, waxayna ku sugan yihiin hadda gobolka Gedo," ayuu yiri Sheekh Ibraahim Abuu-Yuusuf oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Al-shabaab oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, isagoo xusay inay iska difaacayaan.

        "Mujaahidiintu diyaar ayay u yihiin inay naftooda ka difaacaan cadowga soo duulay," ayuu Sheekh Abuu-Yuusuf hadalkiisa ku daray. Iyadoo la ogyahay in Al-shabaab ay kaga sugan tahay gobolka Gedo degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere.

        Goobjooge lagu magacaabo Axmed Bashiir oo ku sugan degmada Luuq ayaa sidoo kale sheegay inuu arkay 42-gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya, kuwaasoo ay ku jiraan 28-taangi.

        "Baabuurta dagaal ee ay ciidamadu wateen waxay ku sugan yihiin Luuq, waxaana nagu maqaalo ah inay ku wajahan yihin gobolka Bay," ayuu Axmed Bashiir mar kale yiri. Isagoo xusay in gobolka oo dhan ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

        Gobolka Gedo ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidammo Itoobiyaan ah oo gaaraya 1500 askari, kuwaasoo gacan ku siinayay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna ee gobolkaas ku sugan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

        Ciidamada Itoobiya ayaa waxay bishii hore ka qabsadeen degmada Baladweyne xoogaggii Xarakada Al-shabaab, iyadoo ciidamada cusub imaanshahoodu uu imaanayo xilli ay dowladda Itoobiya sheegtay inay dhinaca milateriga ka caawinayso DKMG ah ee Soomaaliya.

        Danjirihii Hore Ee Maraykanka U fadhiyey Dalka Itoobiya Oo Ka Hadlay Shirka London Loogu Qabanayo Somalida, Somalilandna Kula Taliyey Inay Ka Qayb Galaan

        Hargeisa January 30.2012(Gabileyonline) Safiirka hore ee dowladda Mareykanka u fadhin jiray dalka Itoobiya Professor David Shinn, haatanna ah bare ka tirsan Jaamacadda The George Washington University ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in maamul goboleedyo ka sameysmaya Soomaaliya aanay saameyn ku yeelanayn go’aanka madaxbanaanida ee Somaliland, aqoonsigeeduna ku xidhanyahay Midowga Afrika.

        Mr. Shinn ayaa sheegay in Itoobiya uga baahantahay wadamo saaxiib ah dhamaan xuduudaheeda, Somaliland-na kuwaas ku jirto, Somalilandna ay faa’iido ugu jirto shirka lagu qabanayo magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska oo uu sheegay inaanu waxba u dhimeyn gooni isu taagga Somaliland sida uu yidhi.

        Prof. Shinn oo wareysi siinayey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay inaanu fileyn in shirkadaha Mareykanku xilligan u soo jeedin howlo sahamin shidaal ay ka bilaabaan Somaliya Waxaanu su’aalahii la weydiiyey iyo jawaabahii uu ka bixiyey u dhaceen sidan, “Ilaa muddadii xukuumada Maraykanku ku dhawaaqday siyaasada laba weji leh oo Soomaaliya kula dhaqmayso, ugu yaraan waxa samaysmay labaatan

        maamul-goboleedyo, ma filaysaa inay faa’iido keenayso, Somalilandna saameyn ma kuyeelankaraan maadaama ay iyadu sheegtay inay soomaaliya inteeda kale ka go,aday?

        Ma filayo in samaysanka maamul-goboleedyo Soomaaliya ay wax saamayn ah ku yeelanayn go’aanka madaxbanaanida Somaliland. Midkoodna maamul-goboleedyadaasi ma doonayo madaxbanaani, haddii ay doonaana, waxaan shaki ku jirin in Midowga Afrika iyo beesha caalamku taageeri doonin codsigaa., dhinaca kale, siyaasada labada weji leh ee Maraykanku waa inay u keentaa kaalmooyin badan oo horumarineed Somaliland.

        Shirkadaha shidaalka ee Maraykanku muddo hore sahamin shidaal ayey ka sameeyeen waxii Soomaaliya la isku odhan jiray, xilligan ma ku soo laaban doonaan, sidaad u aragtaa in shidaalo ganacsi ku jiraan soomaaliya ama heshiisyo cusub oo shirkado kale lala galo?

        Ma filayo in shirkadaha Maraykanka ee shidaaladu wakhtigan xiisaynayaan inay dib hawlo sahamin uga bilaabaan meel ka tirsan Soomaaliya Dhab ahaan waxay u arkaan inay halis badan leedahay. Xaalada Somaliland, waan dareemi karaa inay jiraan caqabado ku saabsan sharciga iyo caymiska maadama aanay weli aqoonsi caalami ah helin.

        Labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey shacabka Somaliland waxay dalbanayeen gaadhitaanka xuquuqdooda aasaasiga ee ahaanshaha dal madaxbanaan, sidii xilligii shacabka Maraykanku u halgamayeen
        xornimadooda, miyaanay laheyn u garaabid, sidiinii?

        Inkastoo Somaliland leedahay xukuumada ugu dimoqraadisan geeska Afrika, beesha caalamku waxay u muuqdaan kuwo go’aansaday inaanay wax talaabo ah qaadin oo ku saabsan aqoonsi rasmi ah ilaa Midowga Afrika laga helayo ogolaanshadooda aqoonsiga. Dhinaca kale waxii ka dhacay Maraykanka in ka badan 200 oo sannadood ka hor uma muuqdaan kuwo la mid ah xaalada Somaliland xilligan ku jirto.

        Bisha danbe, xukuumada Ingiriisku waxay qaban doontaa shir ku saabsan Soomaaliya, oo Maraykankana lagu casuumay, sidoo kale Somaliland oo markii hore diiday ka qeybgalka shirkaa, haatan waxay muuqataa kuwo lagu riixay, fikirkaaga, ma kuu muuqataa wax fursado ah oo Somaliland ugu jirta, ka qeybgalkeeda iyo ka joogitaankeeda keebaa wanaagsan?.

        Maadama aan hore safiir u ahaa, waxaan mar walba u arkaa in wada hadalka xal ku jiro. kama hayo tafaasiil badan shirka Ingiriiska, laakiin, waxay iigu muuqataa inaanay wax hoos u dhac ah ku keenayn ka qeybgalka Somaliland ee shirkaa. Ka qeybgalayaashu kuma qasbana inay aqbalaan waxa ka soo baxa, laakiin waxay awoodaan inay wax weyn ku kordhiyaan isla markaana ka helaan inay si weyn u fahmaan kuwa daneynaya arrinkooda halka ay taagan yihiin.

        Dhamaan waxaan u warhayna inaan weligeed laga ansixin Qaramada Midoobay heshiiskii is-raaca Somaliland iyo Soomaaliya, waa maxay ayaad filaysaa heshiiska midowgaasi ku tagaan yahay?, anigu ma ihi garyaqaan, su’aashaasina waa mid ka baxsan awoodayda.


        Madaxda Urur Goboleedka IGAD Oo Isku Raacay In Talaabo Cad Laga Qaado Cid Kasta OO Isku Dayda Inay Ka Hortimaado Heshiiskii Kampala

        Hargeisa January 28.2012 (Gabileyonline) − Kulan madaxda urur goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay iskula garteen in tallaabo laga qaado cid walba oo ka hortimaadda heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo weliba heshiiskii Garoowe lagu gaaray.

        Xubnaha kulankan goobjoogga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo madaxdu ay ugu baaqeen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya inay xalliyaan khilaafkooda.

        "Waxyaabihii looga hadlay kulanka madaxda IGAD waxaa ka mid ahaa sidii lagu hirgelin lahaa heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo heshiiskii Garoowe, cid walba isku dayda inay ka hortimaadana tallaabadii ku habboon laga qaado," ayuu yiri safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Siciid Yuusuf Nuur oo shirkaas ka qaybgalay.

        Danjiruhu wuxuu sheegay in sidoo kale shirka looga hadlay sidii ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya, kuwa Kenya iyo AMISOM ay u wadashaqeyn lahaayeen, ayna wadajir ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab.

        "Qodobbada kale ee shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah sidii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen ciidamada ku sugan Soomaaliya iyo kuwa dowladda KMG ah si looga adkaado Al-shabaab," ayuu danjiruhu hadalkiisa ku daray.

        Go'aanka IGAD ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ka dhashay xil ka qaadi lagu sameeyay afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

        Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in maalmaha berri uu ka furmo Addis Ababa shirka ururka Midowga Afrika, kaasoo lagu soo qaadi doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan ammaanka iyo abaaraha.

        Madaxweyne Siilaanyo Iyo Waxgaradka Reer Gabiley Oo Kulan Adag Oo Xasaasiya Jilabaha Isku dhigay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland


        Hargeysa Feb.15.2012(Gabileyonline)

        Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Gabiley ayaa kulan xasaasiya isla markaana ay albaabaddu u xidhan yihiin waxa ay caawa fiidkii la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiaalyo, kulankan oo ahaa mid garnaqasi oo u dhaxeeya Beesha Gobolka Gabiley iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ka soo qayb galay in ka badan Labaatan Waxgarad oo isugu jirra Cuqaasha, Salaadiinta iyo Wax-Garadka Gobolka Gabiley, waxana ay ergaddani Madaxweynaha kala hadleen arimo is biirsaday kuwaas oo ay ka tirsanayaan Dadweynaha Reer Gabiley xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo.

        Kulankan oo ahaa mid adag oo ay jilbaha isdhigeen Madaxweynaha iyo Odayaasha Reer Gabiley ayaa waxa lagu soo hadal qaadey eedaymo iyo dhaliilo isbiirsaday kuwaas oo ay ka tabanayaan Bulashadda Gobolka Gabiley Xukuumadda uu hugaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay sheegeen waxgaraddkani in dhaliilahani ay yihiin kuwo soo jiitamay isla markaana is biirsaday, waxana ay Madaxweyne Siilaanyo ka codsadeen inuu wax ka qabto arimahan.

        Arimaha ay ka hadlleen odayaashani ayaa waxa ka mid ahaa Badaladdii Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen Maxamed Xasan C/laahi Jidhif iyo casiladdii isaga ka horeysay ee Taliye Nuux Ismaaciil Taani, waxana ay Waxgaradkani Madaxweynaha Somaliland u sheegeen in uu ku degdegay casiladaadda labaddan Taliye.

        Inkastoo kulankani uu ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin balse warar xogogaal ah ayaa sheegaya in waxgaradkani ay si cad Madaxweyne Siilaanyo ugu sheegeen in dadweynaha kala gadisan ee Reer Gabiley aanay helin isbadalkii ay sugayeen, waxana ay tilmaameen in Xukuumadda taladda dalka haysaa ay ka gaabisay in ay umadda u soo bandhigto wixii ay ka sugayeen, loona baahan yahay in wax jira ee lakala tabanayo la dhameeyo.

        Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ujaawabay waxgaradka Reer Gabiley, waxana uu qiray in tabashooyinkani ay yihiin wax jira balse waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in hawshan iyo tabashaddan lagu dhameeyo sidda ugu macquulsan isla mar ahaantaasna ugu dhkhsiyaha baddan, waxana uu Madaxweynuhu ka cudur daartay in wakhti xaadirkan uu si wanaagsan hawshan uu udhamaystiro, isaga oo ka garaabay wax kasta oo ay codsanayeen waxgaradka reer Gabiley, balse waxa uu Madaxweyne Siilaanyo balan qaadey in tabashooyinkan uu gudda gali doono ka dib marka uu ka soo noqdo shirka London.

        Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si qayaxan waxgaradka reer Gabiley ugu sheegay in uu diyaar u yahay siddii uu u dhamaystiri lahaa tabasho kasta oo jirta, waxana uu intaasi ku daray inaanuu wax kasta oo itaalkiisa ah ka hagarnayn, balse waxa uu waxgaradka Gabiley ka codsaday in lala shaqeeyaan xukuumadda.

        Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo is afgarad, waxana wax garadka ka qayb galay ka mid ahaa Suldaan Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan Iyo Chief Caaqil Cabdi Ciidlle Amaan, iyo wax garad kalle

        Madaxeweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici Oo Maanta Gaadhay Magaalada Burco, Lacagna U Qaybiyey Dhaawaca Ciidamada Qaranka Iyo Dhaawacii Lagu soo Qabtay Dagaalka.

        Hargeisa Feb.12.2012(Gabileyonline)

        Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici), iyo wafti baaladhan oo uu hugaaminayo ayaa maanta safar ku tagey magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

        Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa duleedka magaaladda Burco ku soo dhoweeyay Masuuliyiin iyo Dhalinyaro aad kalla duwan, waxana uu Mudane Saylici markii uu magaaladda Burco gaadhay uu booqdey Cusbitaalka guud ee magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo Cusbitaal gaar loo lee yahay, waxana uu halkaasi kala kulmay dhaawacyaddii ku soo waxyeeloobay dagaalkii dhowaan ka dhacay Deegaanka Buuhoodlle.

        Dhaawacyadda uu Madaxweyne ku xigeenku booqdey ayaa isugu jirey Ciidmadda Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaddii ka soo horjeeday, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay afaratan Dhaawac, balse Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu si siman u booqdey dhamaan dhaawacyaddii ku sugnaa halkaasi, waxana uu mid mid ugu qaybiyay Hal malyan oo shilinka Somaliland ah, lacagtaas oo u dhiganta, Halkii qof 150, lacagta Doolarka maraykanka ah.

        Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in labaddan dhaawac waa kuwa ciidanka Qaranka Somaliland iyo maleeshiyadda ka soo horjeeday e, ay yihiin dhamaantood dad reer Somaliland ah, sidaas awgeedna ay Somaliland doonayso in ay soo afjarto dagaalkan, waxana uu ka warbixiyay dhibaatadda ay colaadu lee dahay.

        C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil Saylici waxa uu farta ku fiiqay in dhaawaca maleeshiyadda ka soo horjeedda Somaliland ee ku sugan cusbitaalka Burco ay yihiin shacabkii Somaliland “kuwani waa shacakeenii oo dagaal ku dhaawacmay, waxana aan halkan u imi inaan ogaaddo xaaladda ay ku sugan yihiin iyaga iyo Ciidmadda Qaranka Somaliland, iyo inaan ku qanciyo ahmiyadda ay lee dahay nabaddu” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

        C/raxman Saylic waxa uu sheegay in ay dawladdu diyaar u tahay in dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Buuhoodlle in ay u qaado goob kalle oo caafimaad haddii aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karayn “dadkan dhaawac ah waxaanu u qaadaynaa meel kasta oo lagu dawayn karro ha ahaadaan dhaawaca ciidanka qaranka ama kuwa kalle ee shacabka Somaliland ee ku waxyoolaabay dagaalka” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

        Ciidan Beeleedyada Aan La Qaramayn Oo La Amray Inay Bishan Ku Soo Xeroodaan Xeryaha Tababarka

        Hargeisa Feb.11.2012(Gabileyonline)

        Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa amar ku bixiyey in ciidamada Qaranka, booliska iyo asluubta ee beelaysan isla-markaana aan ilaa hadda la qaramayn lagu soo xereeyo goobihii lagu tababari lahaa, si ay u noqdaan ciidamo rasmi ah.

        Madaxwaynuhu waxa uu Wasiiradda gaashaandhiga, arimaha gudaha iyo Cadaaladda ku amray inay cayimaan xeryihii ciidamada beelaysan lagu tababari lahaa, isaga oo intaasi ku daray in mushaharka bishan labaad ee sanadka 2012-ka la siin doono askarigii iska xaadiriya goobta tababarka looga furayo “Waa in ciidamada Qaranka, booliska iyo asluubta ee beelaysan lagu soo xereeyaa bisha February 2012 xerooyin ay tababarka ku qaadan lahaayeen isla-markaana Wasiirka Gaashaanshiga, arimaha gudaha iyo cadaaladu cayimaan xerooyinkii lagu soo xerayn lahaa, waxaana mushaharka bisha February la siinayaa ciidamada xerooyinkaasi ku soo xerooda oo kaliya” sidaa waxa lagu yidhi qoraal Madaxwaynuhu ku dhaqan galiyey siyaasada Miisaaniyadda 2012-ka.

        Dhanka kale, Madaxwaynuhu waxa uu qoraalkiisa ku cadeeyay in ciidamada ilaalada Madaxtooyadda Somaliland ay yeelan doonaan lacag guno ah oo dheeraad ka ah Mushaharka ay qaateen “Ciidanka ilaalada Madaxtooyadu waxay yeelan doonaan gunno gaareed taasoo loogu qaybin doono afar jeer (Quarterly based) iyadda oo markii kasta la siin doono lacag u dhiganta $ 30 oo (Sl shilling ah) taas oo sanadkii kasta noqon doonta $ 120 ( boqol iyo labaatan doolar).” Ayuu Madaxwaynuhu ku yidhi qoraalkiisa, isaga oo intaasi ku daray isla-markaana amar ku bixiyey in dib loo tirakoobo ciidamada talisyadda guud ee ciidamada booliska iyo Milatariga isaga oo soo jeediyay in miisaaniyadda ciidamada qaranka ee sanadkan 2012-ka lagu sargooyo tiradii ciidamada ee sanadkii hore 2012-ka “Ciidamada taliska guud ee Milatariga iyo booliska waa in dib loo tirakoobaa, waana In Miisaaniyadda 2012-ka lagu saleeyo tiraddii ciidamada ee 2011-kii, iyadda oo wixii ka soo baxay ciidanka booliska, Asluubta iyo Madaxtooyadda lagu qori doono ciidan cusub ama qalab loogu iibiyo, tirakoobkana laga dhamaystiro goobaha aan la gaadhin”

        Madaxwayne Axmed Siilaanyo, sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la tirakoobo agoomaha iyo naafada ciidamada qaranka, isaga oo cida ay khusayso ugu baaqay in tirakoobkooda ka dib loo qadiyo raashinkooda saddexda bilood ee ugu horeeya sanadkan cusub “Waa in agoomaha iyo naafada ciidamada marka tirakoobkoodu dhammaado dib loo kala saaraa qaabkooda agoonimo iyo naafonimo isla-markaana bilaha January ilaa March (Bisha koowaad ilaa bisha saddexaad) ee 2012-ka loo qadimaa raashinkooda iyadda oo lacag lagu siinayo” ayuu Madaxwaynuhu ku yidhi qoraalkiisan oo dheeraa.

        Ciidanka Amaanka Ee Magaaladda Wajaalle Oo Xabsiga U Taxaabay Sheikh Maxamed Haybe Geelle Isaga Oo Khudbad Ka Soo Jeedinaya Masaajid Ku Yaalla Magaalada Wajaalle


        Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay Sheekh ugu yimaadeen badhtamaha Masjid ku yaal magaaladda Wajalle, ciidanka ayaa wakhtiga

        Hargeysa Feb.10.2012(Gabileyonline)-Ciidamada Amaanka Somaliland, ayaa xalay xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamed Haybe Geelle oo ka mid ah culmadda ugu waa weyn somaliland.

        Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay Sheekh ugu yimaadeen badhtamaha Masjid ku yaal magaaladda Wajaale, halkaasi oo uu Sheekhu ku Qabanayay Muxaadaro Wacyi galin ah, ciidanka ayaa wakhtiga ay soo galleen Masaajidka waxa la sheegay in ay ku labisnaayeen dirayska ciidanka isla markaana ay siteen hubka.

        Sheekh Maxamed Geelle ayaa la geeyay xabsiga isla markaana waxa xiligan ku xidhan yahay saldhiga dhaxe ee magaaladda wajaalle.
        Lama garan karro illa wakhtigan sababta dhabta ah ee ka danbeysay xidhi taanka sheikh Maxamed Geelle

        Taliyaha ciidanka booliska ee degmadda wajaalle oo aanu la xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday in uu wax tafaasiil ah ka bxiyo xadhiga
        sheikh Maxamed Geelle.

        Waa markii ugu horeysay ee ciidanka boolisku ay xabsiga u taxaaabeen Sheekh masaajid wacdi ka dhex jeedinaya badhtamaha masaajid oo lagu cibaadeysto.

        Wararka ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Saaka :Ciidamada Qaranka oo cagta mariyey Somaliland diindkii iyo Baabuurtii Dagaalka ee ay wateen oo laga Furtay…

        Wararka ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Saaka :Ciidamada Qaranka oo cagta mariyey Somaliland Diidkii iyo Baabuurtii Dagaalka ee ay wateen oo laga Furtay…

        hargeisa Feb.8.2012(gabileyonline)

        Wararka u danbeeya ee naga soo gaadhaya Jiida Dagaalka ayaa sheegaya in dagaalkii Saaka ka qarxay deegaanka Buuhoodle ee u dhaxeeyey Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyada Khaatumo ay Soo majeestayaasha Ciidanka qaranku Ay Cashar Siiyeen Kooxda isa soo urursatay ee Khaatumo Seeg.

        Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Qaranku ay la wareegeen Kana Furteen Gawaadhi ilaa Lix ah Kooxda Shuftada ah sidoo kale laba Baabuur oo Dagaalkii Saaka Si kama ah gacanta ugu galay kooxda Dib loo soo furtay .

        Dhimashada ayaa la sheegayaa in ay Caga Cagaynayso ilaa iyo inta imika la hubo Labaataneeyo Dhinaca Kooxda Khaatumo Seeg sidoo kalena uu jiro Dhaawac fara badan oo gaadhay Geesta kale waxa Jira Maxaabiis Badan oo laga Qabtay Kooxda Khaatumo Seeg oo tiradadooda lagu Sheegay Kontaneeyo iyo wax ka sareeya.

        Dhinaca Ciidanka Qaranka ayaa uu jiraa Dhaawac soo gaadhay Wakhti Xaadirkana waxay Ciidamada Somaliland ku Sugan yihiin Baliga Buuhoodle iyada oo uu wali socod dagaalku Halka warar lagu kalsoon yahay na sheegayo in dagaalku ka socod Buuhoodle aageeda.

        Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta U Duulay Addis Ababa wadahadalana La yeelanaya Dawlada Ethiopia.

        waxaala filaya inay ka wadahadli doonaan Shirka Ingiriiska oo lagu wado inay wada tagayaan iyo Nabadgelyada Goboladda Barri

        Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo oo maanta u kicitimaya Addis Ababa

        Hargeysa Feb.06.2012(Gabileyonline)Axmedc Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar iyo Madaxtooyadda Xirsi X Cali Xasan ayaa saaka u Ambabaxaya Caasimadda Dalka Itoobiya halkaas oo la filayo inay wadahadalo toos ah iyo kuwo dadbaniba ku dhex maraan kooxda Khaatumo State dhawaan kaga dhawaaqday magaaladda Taleex kuwaasoo toddobaadkii ugu danbeeyayba ku sugnaa Caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

        Ilaa hada Xukuumadda Somaliland kamay hadal safarkan iyo Ujeedadiisa hase yeeshee sida ay Waaheen u sheegeen Ilo xogogaal ahi waxa la filayaa inay Dawladda Itoobiya ku qanciso sidii ay wadahadalo toos ah u yeelan lahaayeen Kooxda Cali Khaliif oo ku sugaysa Itoobiya inkastoo warar kalena sheegayaan Cali khaliif in uu isla maantaba ka baxayo dalkaasi oo uu u xadhko xidhanayo shirka Ingiriiska loogu qabanyo Somaliya oo ay isaga iyo Madaxweynaha Khaatumo ku dhawaaqay ka wada qayb galayaan.

        Si rasmi ah looma oga xogta dhabta ah hase yeeshee sida ay sheegayaan dadka Siyaasadda Odorosaa waxa la filayaa inay ka wadahadli doonaan Madaxweyne Siilaanyo, Kooxda Cali Khaliif ee Khaatumo iyo Dawladda Itoobiya sidii nabad waarta iyo xasilooni looga dhalin lahaa Goboladda barri ee Somaliland ee dhawaan dagaalku ku dhex maray Somaliland iyo Kooxda Khaatumo State maadaama colaada halkaas ka huraysaa saamayn labada dhinac iyo Itoobiyaba ku yeelanayo.

        Sidoo kale aragtida kale ee la hadal hayo in socdaalka Madaxweynuhu ku qotonto ayaa ah in kooxda Khaatumo iyo madaxweyne Siilaanyo isla soo hor fadhiisan doonaan maadaama Somaliya shir loo qabanayo labadooda dhinacna sida la hadal hayo ka wada qayb galayaan in aragtida siyaasiga ah ee ay ku kala duwan yihiin loo mideeyo sidii iyagoo Somaliland oo kali ah ama gobolada Waqooyi ah ay uga wada qayb gali lahaayeen.

        Si kasta ha ahaatee xogta dhabta ah ee socdaalka Madaxweynaha iyo xubnaha Wasiiradda ah waxa la ogaan doonaa marka ay Addis Ababa gaadhaan maadaama la adkeeyay xogta rasmiga ah safarkooda laga ogyahay.

        Warar hore oo ay Xukuumaddu ka gaabsatay ayaa sheegayay in Cali Khaliif iyo madaxweyne Siilaanyo hore ugu kulmeen Addis ababa ka hor intaanay kooxdaasi ku dhawaaqin Khaatumo State isla markaana uu jiray Xidhiidh Siyaasadeed oo ka dhaxeeyay iyadoo horena ay u jireen tuhuno sheegaya in ay Saaxiibo dhaw yihiin Cali Khaliif Iyo Madaxweyne Siilaanyo balse la odhan karo ilaa hada waxa jira heshiisyo qarsoodi ah oo aan soo shaac bixin oo Ummadda laga qarinayo ama waxa jira sidii ay Xukuumadda Somaliland ku dooday markii lagu dhawaaqay khaatumo in la khiyaameeyay oo shir beeleedkii loo sheegay in ay qabsanayaan beesha Cali Khaliif iyo ay isku bedeshay Maamul Madax banana.

        Dhinaca kalena safarka Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xidhiidh la leeyahay socdaal dhawaan ay dalka Itoobiya ku tageen wasiiradda Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duura kaasoo ay madaxda Dalkaasi ka wadahadleen Arrimo la xidhiidha dhinaca Ganacsiga iyo Isticmaalka Dekedda Berbera iyo Xaalada Colaadeed ee ka taagan bariga Somaliland kaasoo ay labada Wasiir Mar ay saxaafadda kula hadlayeen Addis Ababa ay sheegeen Xukuumadda Itoobiya inay isku af-garteen isla markaana kulamo kale ay iskugu soo noqn doonaan.

        Si kasta ha ahaatee socdaalka Madaxweynaha oo Ujeedooyinkiisu badan yihiin ayaa laga war sugu dooonaa inay tafaasiil dheeraad ah bulshada ka siiyaan marka ay baxayaan ama marka ay soo noqdaan.

        War deg-deg ah: Labada Gole ee Baarlamanka Somaliland oo cod Aqlabiyad Ah ku meelmariyay in laga qayb-galo Shirka London iyo Kaabis lagu sameeyay Xeerkii lagu xakamaynayay Somali-weyn.

        Hargeisa Feb.05.2012(gabileyonline)

        Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhi-wada jir ah oo ay maanta cod aqlabiyada ahb ku Ansixiyay in Xukuumadda lagu taageero in laga qayb galo shirka Somaliya loogu qabanayo Dalka Ingiriiska iyo in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo Xeer uu Golahaasi hore u ansixiyay oo xakamaynayay in Dawlada Somaliland ka qayb gasho shir lagaga hadlayo arrimaha Somaliya.

        Fadhigan maanta ee labada Gole ee Baarlamanka Somaliland oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/lahi Cirro, kana soo xaadireen 109 Mudane oo ka mid ah 164 mudane ee Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland , ka hor intii aan cod loo qaadin labadaasi qodob, waxa khudbad ka hor jeediyay Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed C/lahi Cumar, kaasoo ka waramay faa’idada Somaliland ugu jirta inay shirkaasi ka qayb gasho.

        Khudbada Wasiirka ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa mudanayaasha ka codsaday inay cod u qaadaan labada Qodob ee la soo hor dhigay, waxaanu yidhi “mudanayaal waxaad ogtihiin in madaxweynuhu shalay labada Gole hor yimi oo uu u xog-waramay, maantana waxa yimi Wasiirka arrimaha Dibadda oo isna labada Gole siiyay xog waran, waxaanu inagu war geliyay in Xukuumaddu wada tashi balaadhan qaran samaysay” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

        C/raxmaan Maxamed C/lahi Cirro isagoo la hadlaya Mudanayaasha waxa kale oo uu yidhi “laba arimood ayaanu mudanayaasha u soo jeedinaynaa midi waxa weeye waxa ina horyaala go’aan goluhu gaadhay mar hore, waxaana daruuri noqotay in inagoo ilaashanayna qaranimadeena inay danaheena kale ilaashano, markaa qodobka hore waxa weeye in qodob lagu soo daro Xeerkii lagu xakamaynayay in laga qayb galo shirarka Somaliya, qodobkaasoo ah in Xukuumaddu ka qayb gasho oo loo arko in dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland.

        “Qodobka labaadna waxa weeye maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan”

        Khudbada Guddoomiyaha ka dib waxa ay xildhibaanadu u codeeyeen ansixinta labadaasi qodob, kuwaasoo 101 Xildhibaan u codeeyeen in la ansixiyo, 3 mudane diiday, halka 4 mudane ay ka aamuseen, sidaasi ayaanay ku ansaxeen labada qodob ee la soo hor dhigay Golayaasha Baarlamanka Somaliland, waxaana natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mr. Cirro “waxa u codeeyay in la ansixiyo labadaasi qodob 101 mudane , waxa diiday 3 mudane, waxaana ka aamusay 4 mudane, sidaasi ayaanay ansax ku noqdeen”ayuu yidhi Guddoomiyr Cirro.

        Geesta kale intii ay socotay dooda iyo ansixinta qodobadan saaka la soo hor dhigay Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, waxa buuq iyo sawaxan laga dareemayay hoolkii ay doodaasi ka socotay, waxaana jiray mudanayaala ka soo hor jeeday in la meelmariyo qodobadaasi oo doodayay, kuwaasoo uu ka mid ahaa Xildhibaan Maxamd Faarax Qabille oo isagu markii dambe iskaga baxay Golaha ka hor intii aan la codayn.

        Dawladda Itoobiya oo Xuduuda Buuhoodleh ka qaaday Ciidamadii Liyuu Booliiska ahaa kuwa Federal ahna keentay.

        Hargeisa Feb.04.2012(Gabileyonline)

        Dawladda Federalka Itoobiya ayaa la sheegay inay Ciidamadii Kililka Shanaad ee Liyuu Booliiska ka qaaday magaaladda Buuhoodle oo ay keentay Ciidamo ka tirsan Dawladda Federalka ee Itoobiya.

        Sida ay wararka naga soo gaadhaya Jiida Buuhoodle sheegayaana waxa soo degay dhinaca Dawladda Itoobiya Ciidamo aan hore u joogi jirin iyagoo sheegay in laga qaaday kuwii hore ee deganaa magaaladaasi.

        Sarkaal ka tirsan Somaliland ayaa ayaa xaqiijiyay soo dagitaanka Ciidamadda Dawladda Federalka ah waxaanu sheegay in Dawladda Itoobiya ay talaabadaasi u qaaday Cabashooyin badan oo looga gudbiyay Ciidankii Liyuu Booliiska ahaa waxaanu sheegay talaabadaasi inay tahay mid ku salaysan wada shaqaynta dhinaca Amniga oo ay koox deegaankaasi dhawaan timi khal-khal galisay.

        Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo dhawaan Madaxda dhinaca Amniga ah ee Dawladda Itoobiya la kulmay ayaa mar uu Suxufiyiin Reer Somaliland ah oo ku sugnaa Addis Ababa ugaga waramay kulankaasi ayaa u sheegay inay ka wada hadleen sidii talaabo ay uga qaadi lahayd kooxda Taleex oo uu sheegay inay Itoobiya soo mareen markay rabshadaha ka bilaabayeen Barriga Somaliland waxaanu xusay labada Dawladood inay ka wada hadleen xoojinta Amaanka Jiidaas oo uu sheegay inuu jiray Heshiis 2005 tii ay wada galeen.

        Ciidammada dalka Jabuuti ayaa la sheegay inay gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ka qaateen badeecado kala duwan oo ay leeyihiin muwaaddiniin reer Somaliland.

        Hargeisa Feb.02.2012(Gabileyonline)Siday ay xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa ciidammada Jabuuti oo kaashanayey sarkaal booliska Somaliland ah ay maalintii Isniinta magaalada Lawyacaddo ka qaateen badeecado kala duwan oo muwaaddin reer Somaliland ah ka rareen magaalada Wajaale si ay ugu iib-geeyaan magaalo-xuduudeedda Lawyacaddo.

        Waxa kaloo ay ciidammada Jabuuti 18 kartoon oo sigaar ah maalintii Axadda ka qaateen tuulada la yidhaa Xamaam oo 15km xadka ka xigta dhinaca gudaha Somaliland, iyadoo dhammaanba badeecaddaasna ay la wareegeen ciidanka Jabuuti.

        Badhasaabka Gobolka Salal Md. Maxamed Muuse Bucul oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si arrimahan wax looga weydiiyo, waxa uu sheegay in aannu waxba kala socon, isla markaana aanay jirin ciidamo u dhashay dalka Jabuuti oo badeecado ka qaatay magaalada Lawyacado iyo tuulada Xamaam, balse wuxuu caddeeyey inay jirto diyaarad Maraykanku leeyahay oo sifo khaldan u soo gashay hawada Somaliland oo lagu arkay degaanka Xamaam.

        “Horta ilaa hadda wax warbixinno ah oo arrintaas la xidhiidha oo boolisku noo soo gudbiyeen ma jirto. Tuulada Xamaam ee aad sheegaysana meel koontarabaan bay noqotay oo amar baannu ku bixinay in nin meeshaas deganaa ka guuro, waxannu halkaas ka guuray ilaa toddoba maalmood ka hor, cid kaloo iminka joogtana ma ogin. Waxa kale oo jirta in diyaarad millatari lagu arkay degaanka Xamaam. Waxaannu u dirnay millatariga Somaliland oo soo xaqiijiyey inay ahayd diyaarad Maraykanku leeyahay oo dhoolatus samaynaysay.

        Waxa kaloo aannu la xidhiidhnay dawladda Jabuuti oo iyaguna noo sheegay in diyaaraddaasi Maraykanku leeyahay ay ku soo khaldantay hawada Somaliland, waanan maqalnay in la leeyahay diyaarado koontarabaan raadinaya, ayaa xadka Somaliland uga soo tallaabay dhinaca Jabuuti, markii aannu xaqiijinayna waxaannu ogaannay inay ahayd diyaarad Maraykanku leeyahay oo si khalad ah ku soo gashay hawada Somaliland. Tan kale oo aad leedahay Lawyacaddo ayey ciidanka Jabuuti alaabooyin ka qaateen wax aannu maqalnay ma aha, wax warbixin ah oo arrintaas boolisku naga soo siiyeyna ma jirto,” ayuu yidhi Badhasaabku.

        Inkastoo Badhasaabka Gobolka Salal sheegay in aanay jirin wax badeecado ah ciidammada Jabuuti ka qaateen gudaha Somaliland, haddana siday Jamhuuriya u xaqiijiyeen dad wargaleen ah oo ku sugan xuduudka, waxa maalintii Isniinta waxa gudaha Lawyacado ee dhinaca Somaliland u tallaabay sarkaal u dhashay dalka Jabuuti oo watay ciidamo, isla markaana kaashanayey sarkaal ka tirsan booliska Somaliland ayuu badeecado iib loogu talogalay oo uu leeyahay muwaaddin reer Somaliland ah ka qaatay gudaha magaalada Lawyacaddo.

        Dawlada Denmark oo Xafiis Siyaasadeed ka Furanaysa Somaliland iyo Nuxurka kulan dhex maray Wasiirkeeda Iskaashiga iyo Madaxwyne Siilaanyo

        Hargeisa Feb.01.2012(Gabileyonline)-Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach oo dalka booqasho ku yimi.

        Kulankaasoo ay labada dhinaca kaga wada hadleen arrimo door ah oo ku saabsan Xidhiidhka Siyaasadeed iyo Iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Dawlada Denmark ayaa arrinta ugu weyn ee Wasiirku Madaxweyne Siilaanyo ugu soo bandhigay ay tahay in dawlada Denmark Xafiis Farsamo ka furanayso Somaliland.

        sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka kulankaasi laga soo saaray oo u dhignaa sidan:-

        “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyoHorumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach oo dalka booqasho ku yimi.

        Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach ayaa sheegay in Somaliland ay ku ammaanan tahay deganaanshaha iyo xasiloonida ay samaysay, isla markaana uu muuqdo doorka ay ka qaadan karto arrimaha Geeska Afrika, dawladdiisuna ay diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalmada ay siiso Somaliland, si taasi wax uga tarto nolosha aadamaha,gaar ahaana dhinacyada arrimaha bulshada, Wasiirku waxa uu ku dheeraaday heerkaay Somaliland ka gaadhay horumarinta iyo dimuqraadiyada iyo ammaanka, xilli ay Somaliland ku dhex taallo mandaqad halisi ku xeeran tahay, taasoo uu sheegayinay caalamad u tahay inay sii xoojiyo waxtarka ay u gaystaan dalkan.

        Mr. Christian Friis Bach ayaa sheegay in dawladdiisu Denmark ay hadda xafiis farsamo ka furanayso Somaliland, Madaweynahana ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa maamul wanaaga iyo hagaajinta nolosha bulshada.

        Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa tilmaamay inay Somaliland ahaan ku faraxsan yihiin booqashad aweftiga reer Denmark, isagoo xusay Denmark in ay ka mid tahay wadamada Somaliland ka taageera dhinacyada arrimaha bulshada. Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu sheegay in Denmark ay tahay dal ay Somaliland saaxiib yihiin, kaalin wayna uguj irta, isla markaana waxyaabihii ay weftiga ka wad hadleen ay u badnaayeen sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

        Madaxweyne Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Dawlada Denmark oo booqosho ku Yimid Somaliland

        Hargeisa Jan.31.2012(Gabileyonline) Wasiirka ISkaashiga iyo Horumarinta ee Wadanka Denmark Mr Christian Frieze oo Booqasho ku jooga Somaliland ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ku Qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo .

        Wasiirka Iskaashiga Denmark ayaa Sheegay in Somaliland ku amaanan tahay Deganaashaha iyo Xasiloonida ay samaysay isla markaana ay muuqato Doorka ay Somaliland ka qaadan karto Mandaqada iyo Geeska Afrika Dawladiisuna ay Diyaar u tahay in ay sii xoojiso kaalamada ay Siiso Somaliland.

        Wasiirka ayaa intaa Raaciyey Heerka ay Somaliland ka gaadhay Horumarinta Dimuqraadiyada iyo amaanka Xilli ay Somaliland ku Taalo mandaqad Halis ku xeeran tahay Taas oo Ah Calaamad in aanu sii kordhino waxtarka aanu ka geysano Dalkani. Wasiirka Iskaashiga Dawlada Denmark Mr Christian ayaa ka dhawaajiyey In Dawlada Denmark ay XafiisFarsmo ka furan Doonto Somaliland Madaxweynaha Somaliland ay ka wada hadleen Sida loo sii wadayo horumarinta iyo Maamul wanaaga.

        Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilanyo ayaa sheegay Geestiisa in ay aad ugu Faraxsan yihiin Imaatinka Dawlada

        Denmark iyo Waftigooda iyada oo wadanka Denmark yahay mid ka mid ah Wadamada Taageera Somaliland .

        Dawlada Somaliland Iyo itoobiya Oo La Filayo Inay Maanta Ka Wada Hadlaan Dagaaladii Ka Dhacay Buuhoodle.

        Ma dhab baa in Itoobiya gacansaar la leedahay kooxaha xasillooni-darrada ka wada Buuhoodle?

        Addis Ababa January 30.2012(Gabileyonline) Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa la filayaa inay Isniinta maanta ka wadahadlaan qodobo la xidhiidha colaadaha ka taagan degaanka Buuhoodle iyo saamaynta uu ku yeelan karo xasilloonida iyo deganaanshaha mandaqadda Geeska Afrika haddaan la iska kaashan sidii wax looga qaban lahaa kooxaha dagaal-oogayaasha ah ee dhawaan shirka ku qabsaday magaalada Taleex ee Gobolka Sool.

        Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Addis Ababa, ayaa warbaahinta u sheegay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay beesha caalamka ugu bandhigi lahaayeen xasillooni-darrada ka taagan degaanka Buuhoodle, waxaanay weftigu maanta la ballansan yihiin inay arrintan kala hadlaan dawladda Itoobiya.

        Sida ay xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa wasiirrada Daakhiliga iyo Khaarajiga ee Somaliland ay Isniinta maanta magaalada Addis Ababa kulan kula yeelan doonaan Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo madax sare oo dhinaca ammaanka u qaabilsan dawladda Itoobiya, iyadoo la sheegay in kulankaas xoogga lagu saari doono wadahallo la xidhiidha dagaalka iyo colaadaha ka taagan degaanka Buuhoodle iyo saamaynta uu ku yeelan karo xasilloonida Itoobiya iyo Somaliland, maadaama magaalada Buuhoodle ku taal xadka u dhexeeya labada waddan.

        Waxa jira warar sheegaya in dawladda Itoobiya, gaar ahaan madaxda Killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya ay gacan-saar la leeyihiin kooxaha Somaliland ka soo horjeeda ee dagaalka ka wada deegaanka Buuhoodle, maadaama markii hore dhinaca Itoobiya ka soo duuleen Somaliland, haddana qaar ka mid ah la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin degaanno ka tirsan Itoobiya.

        Haseyeeshee, ilaa hadda ma jirto cid arrintan xaqiijin karta, iyadoo dawladda Somaliland ka hadashay tuhunnada la xidhiidha gacansaarka Itoobiya la leedahay kooxaha dagaalka ka wada Buuhoodle.

        “Itoobiya iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo iskaashi, waana la ogyahay in kooxo malleeshiyaad ah dagaal ku soo qaadeen ciidammada qaranka Somaliland, arrimahaasna waxaannu jecelnahay in aannu kala hadalno Itoobiya, markaa u malayn maayo in dawladda Itoobiya ay wadashaqayn la leedahay siyaasiyiin hubaysan oo nabadgelyada Somaliland wax yeelaya. Laakiin arrimo badan oo dagaalkaas iyo mandaqaddaba la xidhiidha waxaannu kala hadli doonaa hoggaanka dalka Itoobiya.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo u warramay wargayska Saxansaxo ee ka soo baxa magalaada Hargeysa.

        Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isna magaalada Addis Ababa kula hadlay saxaafadda, ayaa sheegay inay Isniinta maanta kulan yeelan doonaan saraakiisha dhinaca amniga ee Itoobiya, isla markaana ka wadahadli doonaan xaaladaha ka soo cusboonaaday xuduudda dhinaca bari ee labada dal u dhexaysa, gaar ahaan degaanka degmada Buuhoodle.

        Shirka London: Talyaaniga Oo Ku Taliyey In Maamulka Dalka Somaliya Lagu Wareejiyo Ururka Midowga Afrika Iyo QM, Sanadka 2014-kana Loo Sameeyo Baarlamaan.

        Baarlamaankan loo samaynayo Somaliya ee Talyaanigu Somaliland ku daray waxa ku jira Puntland, Ehlusuna, Dawlada ku mel gadhka ah iyo Maamulada laga samayn doono meelaha Alshabaab laga saaro.

        Hargeisa January 30.2012(Gabileyonline) – Waxa gebogebo ah wakhtigii ku meel gaadhka ahaa ee dawladihii isdaba joogay ee lagu bilaabay dhismahooda shirkii Carta ee dalka Djibouti oo ku eeg bisha August ee soo socota ayey beesha caalamku dedaal ugu jirtaa sidii loo samayn lahaa dawlad loo dhan yahay oo rasmi ah kana saarta Somaliya ku meelgaadhnimada madaxtinimo ee socotay in ka badan 10 sanadood.

        Dedaalka beesha caalamku wado waxa bilow u ah shirka bishan February 23-keeda ka dhacaya dalka Ingiriska, kaasi oo lagu casuumay Somaliland iyo guud ahaan maamulada ka jira Somaliya, waxana jira walaac iyo doodo badan oo ku xeeran ka qaybgalka Somaliland ee shirkaasi.

        Beesha caalamka iyo hay’adaha arrimaha Somaliya khuseeyaana waxay bilaabeen doodo iyo iclaamyo ay ku soo bandhigayaan aragtiyadooda ku aadan siday noqonayso dawladda cusub ee Somaliya ee Magaaladda Muqdisho laga dhisi doonaa, marka aad doodahaa iyo shirar doceedyada socda go’aamada ka soo baxaya eegtana waxa la isku wada raacsan yahay afartan qodob:

        1. In laga guuro ku meelgaadhnimada lana sameeyo dawlad metasha Somaliya kuna qotonta Gole ama Baarlamaan loo bixinayo (National Constitutive Council)

        2. In laga soo xulo xubnaha Golahaas dhammaan maamulada ka jira Somaliya (Marar 18-kii gobol ee Somaliya ka koobnaan jirtay)

        3. In lagu fadhiisiyo xulista xubnaha saami qaybsigii 4.5 ka ahaa ee Carta lagu abuuray, kaas oo mar labaaad lagu ansixiyey shirkii dhawaan ka dhacay Magaaladda Garowe.

        4. In xubnaha ay soo xulaan waxa loogu yeedhay (Traditional Titled Elders) ama Madaxdhaqameedyada la isku raacsan yahay.

        Hadaba iyada oo aragtida guud ay caynkaa tahay ayey doodo ka jiraan sidii loo gaadhi lahaa hadafkaas ah in xukuumad loo dhiso Somaliya sanadkan. Doodahaa waxa ka mid ah qaar ay soo jeediyeen AU-da, UN-ta, IGAD iyo hay’addo kale, waxana ka mid ah doodahaas mid Talyaanigu soo jeediyey oo u dhignayd sidan “Talyaanigu wuxuu ku talinayaa in Somaliya lagu wareejiyo maamul ka kooban beesha caalamka oo talada haya qiyaastii sanad iyo badh ilaa December 2013. Wuxuu Talyaanigu soo jeediyey in loo dhiibo Somaliya UN/AU International Administration. Maamulkaa waxa madax ka noqonaya Joint UN/AU Special Representative for Somalia (JSR) oo ay wadajir u mgacaabaan AU-da iyo UN-tu.

        Wuxuu Talyaanigu soo jeedinayaa in maamulkan cusub marka hore la wareego Muqdisho oo la sameeyo Maamul Ku Meel Gaadh ah oo ah Interim Authority ka kooban 15 xubnood oo ah Experts, 2/3 yihiin Somali 1/3na yihiin ajaanib oo ay beesha caalamka in ka mid ah magacaabaan. Xubnaha Somalida waxa lagu fadhiisanayaa sami qaybsigii 4.5. Sidoo kale waxa la abuuri doonaa wakaalad maamusha lacagaha Somaliya iyada oo 60% ay isticmaali doonaan Interim Authorityga 15 ah 40% na Maamulka Guud ee UN/AUda ee JSR.

        Xilwareejinta lagu Wareejinyo Awooda Somali:

        Talyaanigu wuxuu soo jeedinayaa in si dhakhsa ah loo sameeyo Gole loo dhan yahay National Constitutive Council oo la wareega talada dalka 1 January 2014. Golahaasi waxa ku jiraya Somaliland, Puntland, Ahlu Suna iyo maamulada cusub ee loo samaynayo meelaha laga xoreeyey Al-Shabaab. Goluhu wuxuu ka koobnaan doonaa 100 xubnood oo ay soo magacaabaan maamulada jira, madaxweynaha, Raysal-wasaaraha, Wasaaraha iyo Gudoomiyaha DKM ee imika jirta. Waxa kale oo laga tali gelin doonaa baayac mushtarka iyo dadka ku jira xeryaha qaxootiga. Golahaas waa inay ku yeeshaan ugu yaraan xubin 18kii gobol ee Somaliya ka jiri jiray iyada oo gobolna ka badnaan Karin 6 xubnood”

        Soo jeedinta Talyaanigu muhimadeedu waa intaas aanu sare ku sheegnay, waxaase ku jira qodobo kale oo ah sidii loo fulin lahaa soo jeedintaa. Guud ahaan se maamulka uu talyaanigu soo jeedinayaa waxay ku dhan tahay khariidadan hoose.

        “Cali Khaliif Galaydh Iyo Madaxwayne Siilaanyo Kala Dhexgali Maayo Oo Waa Laba Nin Oo Saaxiib Ah Oo Iskaga Kay Dhaw, Shirkii Taleex Intaanu Dhicin Way Wada Hadleen”

        Cali Khaliif Galaydh Iyo Madaxwayne Siilaanyo Kala Dhexgali Maayo Oo Waa Laba Nin Oo Saaxiib Ah Oo Iskaga Kay Dhaw, Shirkii Taleex Intaanu Dhicin Way Wada Hadleen”

        Dhulbahante Waxaan Leeyahay Xamar-ta Aad Doonaysaan Waatii Ninkii Habar Yoonis Ee Ba-Dhulbahante Lagu Yidhi Gadaal Ayuu Ka Galay Dhulbahante Ee Dila” Eng Faysl Cali Waraabe

        Hargeysa January29.2012(Gabileyonline) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maamul goboleedka Puntland ku eedeeyey inay iyagu daaha dabadiisa ka soo hurinayaan dagaalada ka dhacay Magaaladda Buuhoodle, kaas oo tilmaamay in Cadaawada ay siyaasiyiinta maamulkaasi u hayaan dadka reer Somaliland ay u yagleeleen 1998-kii Maamulka Majeerteeniya ee xaruntiisu tahay Garoowe.

        Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo Hargeysa ku sugan, ayaa waxa kale oo uu sheegay in ka hor shirkii Taleex ee maamulka ma dhalayska ah lagaga dhawaaqay inay Telefoonka ku wada xidhiidheen Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo hogaamiyaha shirkaasi Cali Khaliif Galaydh, kaas oo tilmaamay inay arimo badan ka wada hadleen.

        Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Xuseen ayaa baaq u diray shacbiga deegaanada gobolka Sool iyo Buuhoodle oo ugu baaqay inaanay wax dan ahi ugu jirin gacan haadinta dawladda Sheekh Shariif ee taagta daran.

        Ugu horayna isaga oo ka hadlaya dabka ay maamulka Puntland ka hurinayaan deegaanada bari ee Somaliland waxa uu yidhi “Ilaa iyo maalintii lagu dhawaaqay maamulka Garoowe ee 1998-kii, waxa uu badh ka sheeganayey khariirada Somaliland waxaanay ahayd arin inagu lidi ah, laakiin inaga nabad jeclaanteena ayuun bay ahayd iyo dawladihii Somaliland soo maray iyo tan hada oo ka sii daran oo aan mihiimad wayn siinin. Waxaanu maamulka fidmada badan ee Garoowe ee dadka deegaanka Sool iyo Buuhoodle kula dhexjira Qabyaalad iyo wax aan soconayn oo Soomaali isku timaada ah, taas oo hore Soomaali ugu suurta gali wayday”.

        “Waxaan u malaynayaa in inaga iyo Maamulka Garoowe aynu is huranahay waayo in badan ayeynu ka meer meernay oo way garanwaayeen, hadii aynu bari hore talaabo ka qaadi lahayna waynu kala meermeeri lahayn. Waayo inta uu maamulkaasi jiro si aynu nabad u helnaa way adkaanaysaa waa in talaabo laga qaado, maamulka Garoowe-na waa maamul cadaawada Somaliland loo sameeyey”.

        Faysal Cali Waraabe isaga oo hadalkiis sii wata ayaa waxa uu talo ka dhiibtay sida loo wajihi lahaa shacbiga deegaanka Buuhoodle, waxaanu yidhi “Beesha Dhulbahante waa beel reer Somaliland ah iyaga waa in wax walba nabad lagu waydiiyaa oo nabad lagula hadlaa xili kasta, laakiin waxaan nasiib daro u arkaa in magaaladii Buuhoodle ay noqoto Badhama oo ay isku dileen Ethiopia iyo Erateria inay noqoto, waxaan ugu baaqayaa beesha Dhulbahante oo aan waliba ka codsanayaa inay qaataan gogoshii nabada ee Madaxwayne Siilaanyo hore ugu fidiyey, isla markaana waxaan leeyahay yaan la idinkaga ciyaarin nabada aad haysataan”.

        Eng Faysal mar uu ka hadlayey xidhiidhka ka dhaxeeya Madaxwayne Siilaanyo iyo hogaamiyaha Shirkii Taleex Cali Khaliif Galaydh, waxa uu yidhi “Cali Khaliif Galaydh waa nin doonaya Magac uu siyaasada ku galo oo uu ku maxaafsado, laakiin maan jeclayn inuu hogaamiye maleeshiyaad noqdo. Cali Khaliif Galaydh iyo Madaxwayne Siilaanyo kala dhexgali maayo waa laba nin oo saaxiib ah oo iskaga kay dhaw, shirkani markuu dhacayeyna way wada hadleen. Markaa inay Madaxwayne Siilaanyo iyo Cali Khaliif kala noqdaan laba hogaamiye kooxeed ayey malaha doonayaan, taasina waa looga qurux badan yahay ayaan leehay inay dadka walaalaha ah isku diraana ma qurux badna”.

        Isaga oo hadalkiisa sii wata oo baaq u diraya Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu yidhi “Ciidamada Qaranka Somaliland ee geesiyada ah waxaan leeyahay iska jira gaadmada maamulka Garoowe, isla markaana ilaaliya nabada iyo amniga shacbigiina lagu dhex dhuumanayo ee reer Buuhoodle, kuwaas oo saar qabiil lagu soo dhextuuray, waxaanan si wayn u rajaynayaa in sida ugu dhakhsaha badan ay xumadan yari u dagi doonto. Waxaanan leeyahay Magaalada Buuhoodle yaan lagu duulin ee wada hadalo ha la bilaabo, halka ay balaayadu ka imanaysaa waa Garoowe ee waa inaynu gaadhnaa xuduudeena Garoowe oo aynu xooga saarnaa nimankaas, waana inaynu tusnaa in dhulkan ay ku hadaaqayaan uu yahay dhul reer Somaliland leeyihiin. Dhulbahante-na waxaan leeyahay waar waa inagu wada foolxumo inaynu maanta isku dilno Xamar-baan tagayaa, labadeenaba Xamar waa la inagu soo dilay oo badhna xiligii Kacaanka ayaa Xamar lagu dilay oo waatii Xeebta Jaziira lagu xasuuqayey, idinkana waatii markii Afwayne dhacay la idin yidhi ninkii Habar Yoonis gadaal ayuu ka Dhulbaahntoobaye toogta, markaa meesha khayr meel uu yaalo maahee ka fiirsada ayaan leeyahay beesha aanu walaalaha nahay”

        Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socda Hay’ada Samo-falka ah ee Al-khayr Foundation oo fadhigeedu yahay wadanka UK.

        Hargeisa January 28.2012 (Gabileyonline)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socda Hay’ada Samo-falka ah ee Al-khayr Foundation oo fadhigeedu yahay wadanka UK.

        Weftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Hay’ada Al-khayr Foundation Imam Qasim, ayaa waxay Madaxweyne ku xigeenka faahfaahin ka siiyeen ujeedada socdaalkooda oo ay ku sheegeen inay la xidhiidho daba-galka hawlo-samo-fal oo ay ugu horayso biyo-soo-saaridda deegaanada Somaliland iyada oo ay hada gacanta ku hayaan qodida ceelal dhaadheer, Riigag, dhamaam iyo biyo-xidheenno isugu jira.

        “Hada waxa la dhamaynayaa oo gacanta lagu hayaa Riig laga qodayo magaalada Gar-adag, waxa kale oo qorshaha ku jirta oo sahan loo diray dhinacyada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, sahankaas oo lagu raadinayo dhulka biyaha laga helayo, waxa kale oo iminka qorshaha ku jirta oo sahan ku maqan yahay magaalada Jameecaadka iyo magaalada Balli-dhiig.” Sidaa waxa yidhi u qaabilsanaha Bariga Afrika ee Hay’adda Al-khayr Foundation Axmed Maxamed Ismaaciil oo Madaxweyne ku xigeenka uga waramayay dedaalka ay Hay’adoodu ugu jirto baadi-goobka dhinaca biyaha.

        U qaabilsanaha Bariga Afrika ee Hay’adda Al-Khayr Foundation oo ka xog-waramayay hawlaha kale ee ay Hay’adoodu wadanka ka qabanayso waxa uu xusay, inay dedaal ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta dhinaca waxbarashada, waxaana uu tilmaamay in khabiiro u dhashay wadanka UK ay u iman doonaan dalka si ay tababar u siiyaan macalimiinta dugsiyada dalka, arrintaas oo ay ka wada shaqaynayaan wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

        Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa weftiga uga mahadceliyay hawlaha samo-fal ee dhinaca biyaha oo uu xusay inay tahay baahida ugu wayn ee taala wadanka. Waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku u balanqaaday xubnaha weftiga Hay’addan inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan, isla-markaana ay dhinacooda gacan buuxda ka gaysan doonaan hawlaha samo-fal ee ay wadaan, waxaana ku booriyay masuuliyiinta Hay’ada samo-falka ee Al Khayr Foundation in ay sii labanlaabaan dedaalka ay ugu jiraan horumarinta dhinacyada biyaha iyo waxbarashada.

        Madaxweyne ku xigeenka waxa kulankaas ku wehelinayay Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

        “Sanaag, Sool Iyo Cayn Waa Deegaano S/Land Ku Yaala Oo La Wada Dago, Cid Gaar Ahina Ma Sheegan Karto, Garaadada Dhulbahante Oo Kaliya-Na Gartoodu Kama Go’do, Garaad Jaamac-Na Aabihii Iyo Awowgii...” Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani

        Hargeisa 22.01.2012(Gabileyonline)– Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah Salaadiinta beesha Galbeedka Burco ayaa Garaadada beesha Dhulbahante ee shirka Taleex kaga dhawaaqay maamul goboleedka uga digay inay Mandaqada ka huriyaan Colaado dabo-dheeraada, kaas oo tilmaamay in deegaanadda Sanaag, Sool iyo Cayn ay yihiin deegaano Somaliland ka tirsan oo ay beelo badan oo reer Somaliland ahi ay wada dagaan, isla markaana aanay taladoodu ka gu’in Garaadada Dhulbahante oo kaliya.

        Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu xalay Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey, isaga oo ku sugan Magaaladda Hargeysa. Suldaanka ayaa sidoo kale waxa uu taageeray in xukuumadu ka qaybgasho shirka dawladda Ingiriisku u qabanayso dhawaan kooxaha Somalida, kaas oo ku baaqay in marka hore laga wada tashado wax lala gole tagayo. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya Maamul Goboleedka Taleex lagaga dhawaaqay sida uu u arko, waxa uu yidhi “Maamul goboleedka Degmadda Taleex ee gobolka Sool lagaga dhawaaqay waxa lagaga dhawaaqay Somaliland gudaheeda, maadaama oo shirkaasi ka dhacay dhulka Somaliland-na waxaan u arkaa in shirkaasi waxa lagaga dhawaaqay khalad yahay oo uu ummadda dalka wada dagta uu iska horkeenayo. Sida aynu wada ognahayna Somaliland ma kala laha Maamul Goboleedyo ee Deegaano iyo Qabaa’il ayey kala leedahay, markaa wixii aan dani ugu jirin dadka Somaliland wada daga sida shirka Taleex waanu ka soo horjeednaa”.

        Suldaan Maxamed Xirsi Qani mar uu baaq u dirayey Garaadada Dhulbahante, waxa uu yidhi “Garaadada beesha Dhulbahante waxaan ugu baaqayaa inaanay ummadda u horseedin colaad iyo kala fogaansho, waxaanan ugu baaqayaa Garaadada in waxkasta oo jira wada hadal lagu dhameeyo, isla markaana xukuumadda Somaliland iyo shacbigeeduba aanay marnaba gogasha wada hadalka laabin”.

        Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya hadal hore uga soo yeedhay Garaad Jaamac Garaad Cali, waxa uu yidhi “Run ahaantii wax laga xumaado ayaan anigu u arkaa in nin Suldaan ama Garaad ahi uu colaad ku baaqo waana wax dhaqankeena ka baxsan, Garaadka hanjabay waa ee Garaad Jaamac Garaad Cali-na waa Garaad ka soo jeeda Saldanadii Garaad Cali oo wakhti dheer soo taxnayd Aabihii iyo Awoowgii ayaa ummadda reer Somaliland wax la galay, mana qurux badna inuu wadadii ka baydho, waxaanan waxgaradka iyo Garaadada beesha Dhulbahante ugu baaqaya inay ilaaliyaan xasiloonida wadanka”.

        Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey deegaanadda Sanaag, Sool iyo Cayn ee shirkii Taleex lagu sheegay inay hoostagayaan maamul goboleedkii halkaa lagaga dhawaaqay, waxa uu yidhi “Deegaanada la leeyahay Maamul Somaliland ka madaxbanaan ayaa ka talin doona ee Sanaag, Sool iyo Cayn waa deegaan ay reer Somaliland wada leeyihiin oo la wada dago, cid gaar ahina aanay sheegan Karin, Deegaanada ay sheeganayaana maaha dhul Garaadada Dhulbahante oo kaliya gartoodu ka go’do, markaa sidaas ayey noqonaysaa marka laga hadlayo deegaan ahaan. Sida ay qabaan Madaxdhaqameedka kale ee Somaliland ayaanan aamin-sanahay oo waxaan la qabaa fikirka ah Qaranimadda Somaliland inay lama taabtaan tahay oo aan gorgortan lagu gali Karin, laakiin waxaan sidoo kale taageersanahay in wada hadal lagu dhameeyo wixii kale ee jira”.

        Suldaanku mar uu ka jawabayey su’aal ahayd halka ay ku danbeeyeen wadahadalo la sheegay inay la yeesheen Garaadada Dhulbahante, waxa uu yidhi “Way jirta in xidhiidho lala sameeyey Garaadada beesha Dhulbahante oo waxa uu Wada-hadalkaasi soo maray Marxalado kala duwan, ilaa imikana si wanaagsan ayaanu hawshaa u wadnaa, Insha Allaah waxaan rajaynayaa Cadho walaal-na waa la baryaa ayaa la yidhi waxaan ka rajaynayaa waxgaradka iyo Garaadada Dhulbahante inay nagala shaqeeyaan danta ummadu halka ay ku jirto,isla markaana ay hormuud ka noqdaa in si wanaagsan loo soo afjaro isfahan la’aanta jirta tabashooyinka jira, waxaana qurux badan in wax walba xaga danbe loo dhigo oo marka Binu Aadamku marka uu cadhaysan yahay in lagu simo inta uu cadho baxayo”.

        Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani mar wax laga waydiiyey sida uu u arko Shirka London loogu qabanayo Soomaalida ee la filayo in Madaxwayne Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayaa ay ka qaybgalaan, waxa uu yidhi “Hadii aan fikirkayga gaar ah ka dhiibto shirka London loogu qabanayo kooxaha Somalida in hadii ay dani ugu jirto qadiyada Somaliland inay xukuumadu ka qaybgasho, isla markaana meelkast ama shirkasta oo dani ugu jirta dalka in la tago, waxa kale oo aan aaminsanahay in talaabo kasta laga yeesho wada tashi.


          

         

         

         

         

        Kenya oo shaacisay tirada Askartii kaga dhintay iyo kuwii kaga dhaawacmay dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

        Hargeisa Feb.12.2012(Gabileyonline)Afhayeenka howlgallada ciidamada Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in tan iyo markii ay ciidamadoodu billaabeen inay kula dagaalamaan gudaha Soomaaliya xoogagga Al-shabaab laga dilay sagaal askari mid kalena la la'yahay, sidoo kalena 24 askari ay kaga dhaawacmeen dagaalladaas.

        Col. Oguna ayaa sheegay in howgallada ay ciidamadoodu ka wadaan Soomaaliya ay ku dileen boqolaal ka tirsan dagaalyahannada Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo uu sheegay in ay ku jiraan saraakiil sarsare oo hoggaaminayay dagaalka.

        "Ciidamada Kenya waxaa looga dilay dagaallada ay Al-shabaab kula jiraan ee ka socda gudaha Soomaaliya sagaal askari, mid kalena wuxuu ku dhacay badda, sidoo kale waxaa naga dhaawacmay 24-askari oo toban ka mid ah ay daweyn u yaallaan isbitaallada Kenya," ayuu yiri Col. Oguna.

        Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in shan askari ay kaga dhinteen diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo burburtay markii ay billowga ahaanyeen howgallada ay ciidamadoodu kawadaan gudaha Soomaaliya.

        Ma sheegin afhayeenku dhalashada askarta looga dilay Soomaaliya, balse waxaa la sheegay inuu ku jiray wiil Soomaali ah oo ku dhintay weerar ay Al-shabaab ku qaaday gaadiid ay wateen ciidamada Kenya oo marayay meel ku dhow deegaanka Gerille oo ku dhow soohdinta ay labada dal wadaagaan.

        Ugu dambeyn, Col. Oguna wuxuu sheegay in tiro badan oo ka mid ah xoogagga Al-shabaab ay ku dileen duqeyn diyaaradood oo ka dhacday gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ka mid ahaa gobihii ay awoodda badan ku lahayd Al-shabaab.

        Laakiinse Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore beenisay warar ku saabsan in dagaalyahanno badan looga dilay dagaallo ay la gashay ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

        Duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen caruur yaryar oo ay diyaaradaha Kenya ku duqeeyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

         

        Madaxwayne Siilaanyo Oo Wax Bedal Ku Sameeyay Qorshe Guddi Wasiiro ah Ku Tirtirayeen Hay’addo Madax-banaan

        SOLNAC, Dhowrista tayada, Xuquuqal Iinsaanka Oo madax-banaanidoodii u daayey iyo NERAD iyo hay’addihii Samo-falka oo meel uu isagu geynayo

        Hargeysa Feb.11.2012(Gabileyonline) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhawaan dhaqan galiyey siyaasada Miisaaniyadda ee 2012-ka, ayaa wax ka bedal ku sameeyay hay’addo Guddidii loo saaray samaynta Miisaaniyadu ay ku taliyeen in qaarkood la tirtiro, qaarkoodna wasaarado la hoos geeyo.

        Madaxwaynaha Somaliland, waxa uu dhaqan galiyey in hay’adaha dawliga  ee Guddida soo curisay siyaasada Miisaaniyadu ku taliyeen in Wasaaradaha hawlahoodu la xidhiidhaan la hoos geeyo ay ka shaqeeyaan Magaaladda Hargeysa oo kaliya, isla-markaana wixii hawl ah ee gobolada dalka uga baahdaan ay u qabtaan Wasaaradaha ay xidhiidhka leeyihiin.

        Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidoo kale, waxa uu madax-banaaneeyay hay’addo door ah oo qaarkood guddida siyaasada Miisaaniyadu ku taliyeen in la tirtiro, kuwaas oo aanu ku soo darin qoraalka uu ku dhaqan galiyey hawlaha hay’adahan Madaxa-banaan, sida ku cad qoraalka uu Madaxwaynuhu wax ka bedalkiisa ku cadeeyay oo nuqul ka mid ah Waaheen helay..

        Sidoo kale, Madaxwaynuhu waxa qoraalka dhaqan galintiisa hanaanka ay u shaqaynayaan hay’adahani uu ku cadeeyay in hay’addo ay guddida siyaasada Miisaaniyadu meesha ka saareen loo sameeyo miisaaniyad gaar ah, taasi oo looga qorshaynayo mushaharaadka shaqaalaha, dacayirka gaadiid iyo Stationery-gaba “Hay’addaha hoos ku qorana waxay hawl-wadeenadoodu hoos tagayaan Wasaarada ama hay’ada ku hor qoran, iyagga oo miisaaniyad gaar ah loogu samayn doono kharash ah Mushahar, Dayactirka gaadiid iyo Stationary-ga” sidaa waxa lagu qoraalka dhaqangalinta hawlaha hay’adahan oo kala ah, Hay’adda Miino Saarka  oo la hoos-geeyay  Wasaarada Arimaha gudaha, Hay’adda dib u habaynta shuruucda oo la hoos geeyay Wasaarada Cadaalada, Hay’adda Baadhista xasuuqa oo iyaddana la hoos-geeyay  Wasaaradda Cadaaladda

        Sidoo kale, Madaxwaynuhu waxa uu sheegay “In Hay’addaha madaxa-banaan ee liiskoodu hoos ku qoran yahay ay ka hawl-galaan caasimada oo kaliya, shaqooyinka gobolada ay uga baahan yihiina ay u qabtaan Wasaaradaha ay xidhiidhka leeyihiin,, hay’addahaas oo ah kuwan hoos ku qoran:

        No Magaca Hay’addaha Wasaaradaha La Hoos-geeyay
        1 Hay’adda NDC Wasaaradda Gaashaandhiga
        2 ICT Commision Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta
        3 Hay’adda Qurba-joogta Wasaarada arimaha dibada
        4 Xidhiidhka iyo siyaasada Wasaarada Madaxtooyadda

         

        Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa aanu qoraalkiisan aanu taaban isla-markaana labadan qaybood ee uu dhaqan galiyey midna ku darin hay’adaha SOLNAC (HIV), Guddida xuquuqal isaanka iyo Quelity Control.

        Sidoo kale, hay’adda ka horta aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD iyo hay’adaha mucaaniyoonka u xil-saaran, sida ururinta Sakada, xafiiska Mucaawinooyinka ee Madaxtooyadda iyo xafiiska dawlada la shaqeeya ee WFP uu ku sheegay in loo samayn doono ama loo abuuri doono komiishan guud oo kulmiya hay’addahaas, kaasi oo noqon doono hay’adda aafooyinka ee NERAD

         

        Xarrakada Al-shabaab oo ku hanjabtay inay sii wadayso Qaraxyada ay ka geysanayso Magaalada Muqdisho 


         

        Hargeisa Feb.9.2012(Gabileyonline) 

        Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadayso qaraxyada ay la beegsanayso xarumaha dowladda ee ku yaalla Muqdisho, kaddib markii ay sheegteen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay baar shaaha lagu cabo oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

        Afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarrada ay ka geysanayaan Muqdisho iyo beegsiga xubnaha dowladda aysan ka daalayn, isagoo sheegay in qaraxyo kale ay fulinayaan dhawaan.

        "Qaraxii shalay wuxuu ahaa mid lala beegsaday xildhibaanno iyo ciidamo sirdoon ah, wuxuuna u fulay sidii loogu talogalay," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo intaas ku daray: "Inta aan hubno qaraxaas waxaa ku dhintay 15-qof, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen."

        Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in weerarkan uu ahaa mid goobta lagu sii diyaariyay, isagoo dadka dhintay ku tilmaamay xubnihii ay beegsanayeen, balse dadka goobta ku dhintay ayaa waxay ahaayeen shacab Goobta shaah ka cabayay.

        Weerarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii  labaad ee ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca Muqdisho tan iyo markii Al-shabaab ay ku dhawaaqday bishii Ogoosto ee sannadkii hore inay isaga baxday qaybo badan oo ay Muqdisho kaga sugnayd.

        Dhanka kale, wasiirro u hadlay dowladda KMG ah iyo maamulka gobolka ayaa xusay in weerarkan uu digniin u yahay, ayna adkeynayaan ammaanka, iyagoo dadka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa inay qaraxyo kale oo noocan oo kale ah dhacaan.

        Dawlada Ethiopia Oo Xalay Dalkeeda Ka Mustaafurisay Cali Khaliif Galaydh.

         

        Sababaha keenay mastaafurinta Cali Khaliif ee Itoobiya ka cadhaysiiyey

        Addis Ababa Feb.08.2012(Gabileyonline)

         Dawladda Itoobiya, ayaa ka dalkeeda xalay ka mastaafurisay siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah abaabulayaasha majara-habaabiyey shirkii beelaha Sool iyo Buuhoodle (Dhulbahante) dhowaan ku yeesheen degmada Taleex ee Gobolka Sool.

        Sida  xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, waxa dawladda Itoobiya abbaaro 8:00 fiidnimo ee xalay dalkeeda ka saartay Cali Khaliif Galaydh, kadib markii Itoobiya ka cadhootay falal ammaan-darro oo isaga iyo siyaasiyiin ay isku hayb yihiin ka rideen degaanka Buuhoodle oo ku yaal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana uu madaxdhaqameedyo ka tirsan beelaha dega Itoobiya kulan qarsoodi ah kula yeeshay degaanka Jigjiga.

        Ma jiro war rasmi ah oo dawladda Itoobiya ka soo saartay arrintan. Haseyeeshee, ciidammada ammaanka Itoobiya ayaa xalay fiidkii Cali Khaliif Galaydh ka kaxeeyey huteel lagu ilaalinayey oo ku yaal magaalada Addis Ababa, isla markaana si khasab ah kaga dhoofiyey madaarka diyaaradaha ee xarunta dalkaasi.

        Waxa kale oo ilo-wareedyadaasi sheegeen in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) kulan uu shalay la yeeshay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Males Zenawi ugu gudbiyey ashkato ka dhan ah siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo uu ku eedeeyey inuu falal ammaan-darro ah ka soo sameeyey Somaliland, isagoo Ra’iisal-wasaaruhuna u ballanqaaday Madaxweynaha Somaliland in dawladdiisu wax ka qaban doonto arrintaas, taas oo sababtay in isla xalayba dalka Itoobiya laga mastaafuriyo Cali Khaliif Galaydh.

        Madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo ayaa ka hor intii aannu Isniintii toddobaadkan u duulin magaalada Addis Ababa warbaahinta u sheegay inuu dawladda Itoobiya kala hadli doono danaha labada dal iyo dadba oo ay ku jirto arrinta Cali Khaliif Galaydh.

         

        Qodobadda ku Duugan Qoraal  Helay oo Dawladda Ingiriisku si Gaar ah ugu soo Diray Somaliland

        “Somaliland saxeex kuma laha, qaybna kama aha khariidada nabadda Soomaaliya”

        “Waxaannu soo dhowayn doonaa indheergaradnimada Somaliland oo shirka London la’aantood…”

        “Waan ka warhayaa xaasaasiyadda ay leedahay in Somaliland ka qaybgasho shirka London, waxaanan u tixgelin doonaa codsiyadiina si kasta oo ay suurtogal u tahayba”

        “Aad baannu ugu faraxsanaan doonaa in aanu horumarka iyo xasiloonida Somaliland tusaale ugu sawirano waxyaabaha la doonayo in…”

        Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Mr. Henary Bellingham

        Hargeysa Feb.06.2012(Gabileyonline)

        Dawladda Ingiriiska ayaa si rasmi u caddaysay in Somaliland aanay qayb ka ahayn dhinacyada Soomaaliya ee saxeexa ku leh hannaanka dib-u-heshiisiinta ee loo yaqaan khariidadda nabadda (road map) ee lagu soo qaadi doono shirka ka dhici doona magaalada London.

        Sidaana waxa lagu sheegay warqad rasmi ah oo ka soo baxday Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Qaramada Midoobay, dalalka dibadaha iyo Arrimaha khilaafyada Mr. Henary Bellingham, anagoo nuqul ka mid ah helnay, taas oo lagu xusay qodobadda lagaga hadli doono shirka arrimaha Soomaaliya ee 23ka bishan February 2012 ka dhici doona magaalada London, waxaannu wasiirka Britain qoraalkiisa ku muujiyey in Jamhuuriyadda Somaliland faa’iido badan ka heli doonto shirkaas.

        Qoraalkan oo Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika, Qaramada Midoobay, dalalka dibadaha iyo Arrimaha khilaafyada Mr. Henary Bellingham uu toddobaadkan u soo diray Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu ku caddeeyey in Somaliland loo tixgelin doono codsiyadeeda, sidoo kalena Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriisku uu kulan gaar ah la yeelan doono Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

        Warqadda ka soo baxday dawladda Ingiriiska oo Ku Qornayd Luuqada Ingiriiska soona Turjunay waxay u qornayd sidan:

        “Shirkii aynu yeelanay 26 January 2012, waxaan ballanqaaday inaan faahfaahin ka soo qoro qaabka aannu rajaynayno in Somaliland uga qaybgasho shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee ka dhacaya magaalada London.

        Somaliland saxeex kuma laha, qaybna kama aha khariiddada nabadda Soomaaliya (road map). Waxaannu aqoonsanahay in Somaliland fikirkeeda iyo aragtideeda kaga qaybgeli doonto wada-xaajoodyada hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya iyadoon wax saxeex ah ku lahayn hannaanka nabadda Soomaaliya.

        Haddaba, shirka London, waxa lagaga hadli doonaa mawduucyo badan oo dano guud ah, iyada oo ujeedada ugu muhiimsana tahay sidii loo horumarin lahaa in beesha caalamku isfaham guud ka yeelato xaaladaha Soomaaliya, gaar ahaan waxaynu kaga xaajoon doonaa sidii loola tacaali lahaa budhcad-badeedda iyo argagixisada, loona taageeri lahaa hawlgallada nabad-ilaalinta oo loo ballaadhin lahaa masuuliyadaha dejinta hannaan siyaasdeed oo nabadgelyo, waxna looga qaban lahaa abaaraha iyo dadka barakacayaasha ah oo ay la socoto hab horumarineed oo la xidhiidha heerka nolosha dadka. Waxa kaloo lagaga hadli doonaa kor-u-qaadista xasilloonida ilaa gun ilaa baar iyo sidii loo haggaajin lahaa iskaashiga caalamiga ah.

        Inta badan ajandaha shirkan lagaga hadlayaa waa mid faa’iido u leh Somaliland. Innaga iyo xulafadayada kale ee caalamiga ahba aad baannu ugu faraxsanaan doonaa in aannu horumarka iyo xasilloonida Somaliland tusaale ugu sawirano waxyaabaha la doonayo in Soomaaliya loo hirgeliyo. Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriiska ayaa arrintan si cad ugu bayaamiyey Madaxweyne Siilaanyo markii uu telefoonka kula soo hadlay toddobaadkan, isagoo weliba Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriisku caddeeyey inuu kulan gaar ah la yeelan doono madaxweynaha Somaliland.

        Waan ka warhayaa xaasaasiyadda ay leedahay in Somaliland ka qaybgasho shirka London, waxaanan u tixgelin doonaa codsiyadiina si kastoo ay suurtogal u tahayba annagoon xadka siyaasadayadda ka tallaabayn.

        Waxaan u arkaa in shirka London uu aad muhiim ugu yahay Somaliland oo la kulmi doonta madaxda adduunka ee danaynaya arrimaha Geeska Afrika. Annaga iyo iyaguba waxaannu soo dhawayn doonaa indheergaradnimada Somaliland oo shirka London la’aantood uu noqonayo mid meeqaamkiisu aad u hooseeyo,” ayaa lagu soo gunaanaday qoraalka dawladda Ingiriisku ku bayaamisay meeqaamka Somaliland ku leedahay shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee 23ka February 2012 ka dhici doona magaalada London.

         

        Xildhibaanada Wakiiladda ee UDUB iyo UCID oo Qasriga Madaxtooyadda Xalay lagu casuumay

        Hargeysa Feb.06.2012(Gabileyonline)

        Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa xalay Qasriga Madaxtooyadda si gaar ah ugu qaabilay Xildhibaanada Golaha Wakiiladda kaga jira labada Xisbi Mucaarad ee UDUB iyo UCID.

        Kulanka labada dhinac oo ahaa mid gaar ah ayaan la sheegin wuxuu ku saabsanaa hase yeeshee Ilo xogogaal ah ayaa Waaheen u sheegay in ay ka wadahadlayaaeen sidii ay labada Xisbi Xildhibaanadoodu ula shaqayn lahaayeen Xukuumadda isagoo Madaxweyne Siilaanyo hore ula kulmay Xildhibaanada Kulmiye.

        Waxa la sheegaya Madaxweyne Siilaanyo in uu uga mahadnaqay Ansixinta Go;aanka ay Xukuumaddiisu qaadatay ee ay ku tagayso Shirka Somaliya loo qabanayo isla markaana uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan hase yeeshee warku muu sheegin Dhinaca Xildhibaanadu waxa ay Madaxweynaha ka codsadeen maadaama ay doraadba kulan qado ah la yeesheen.

        Si kasta ha ahaatee kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibaanada ayaa la sheegay inuu saldhig u yahay sidii ay isku baran lahaayeen iyadoo sida warar kale oo kulankaas la xidhiidhaa sheegayaan in la iskula soo qaaday xubnaha Golaha wakiiladda ka raaci doona Madaxweynaha oo la sheegay in uu Goluhu u xulay Xildhibaan Calai Aare oo ka soo jeeda Gobolka Salal isla markaana ka soo jeeda Xisbiga UDUB , halka xubinta kale la sheegay inuu yahay Maxamud Axmed Obsiiye oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye isla markaana ka soo jeeda Degmadda Sayla.

         

         

        Madaxweyne Siilaanyo oo Labada Gole qado ugu sameeyay Hutelka Maan-soor iyo labada Gole oo beri fadhi wadajir ah ku Ansixin doona tagitaanka Shirka Ingiriiska

        Hargeisa Feb.05.201(Gabileyonline) 

        Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa manta mudanayaasha labada Gole ee Wakiiladda iyo Guurtida ugu sameeyay kulan qado ah oo uu ugu bandhigay xukuumaddu xogaha ay ka hayso shirka Ingiriisku u qabanayo Somaliya inuu yahay mid ay ka madax banaan tahay Somaliland isla markaana ay ku taageeraan.

        Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Mudanayaasha kaga codsaday kulankaasi inay isla berry kulan wadajir ah ka yeeshaan oo ay u Ansixiyaan si ay xukuumaddu shirkaasi uga qayb gasho isagoo sheegay in loo baahan yahay fursada Somaliland ugu jirta shirkaasi inay ka soo faa’iideeyaan oo Beesha Caalamka ee ka soo qayb galaysa qadiyadda Somaliland u bandhigaan.

        Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo labada Gole ugu balanqaaday wixii faahfaahin ah ee ku saabsan Ajandaha shirkaasi haddii ay su’aalo uga baahan yihiin ay xukuumadda ka weydiinayaan in uu u soo diri doono wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar.

        Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen oo aan saxaafadda loo ogolayn ayaa ku dhamaaday jawi degan waxaanay sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanadii ka qayb galay oo aanu siyaabo kala duwan wax uga weydiinay in uu ku dhamaaday jawi qurux badan sharci ahaana aay labada gole beri iskaga iman doonaan sidii loom eel marin lahaa.

         

        Madaxweyne Siilaanyo oo kulan ku saabsan ka qaybgalka shirka London la leh Xubnaha labada gole Baarlamaan ee Somaliland  

         

        Hargeisa Feb 04.2012(Gabileyonline) Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa maanta casuumad Qaddo ah u sameeyey labadda gole Baarlamaanka ee (Wakiiladda iyo Guurtidda) Somaliland.

        Casuumadan uu labadda gole Baarlamaan u sameeyey madaxweynuhu ayaa ka dhacay Hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenkiisa Md: Cabdiraxmaan Saylici, wasiirka Arrimaha dibadda, Gudaha, Madaxtooyadda iyo Wasiirka Duulista oo iyagu dhinaca Xukuumadda ka socday.

        Shirkan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo aan loo ogolayn inay warbaahintu ka qaybgasho, isla markaana aan wax war ah laga soo saarin, haseyeeshee, waxay warar ka ag dhow kulankaasi sheegayaan in madaxweynaha iyo labadda gole Baarlamaan ka wada hadlayeen shirka London lagu qaban doono iyo sidii ay Somaliland uga qaybgali lahayd.

        Madaxweynaha ayaa hore ugu baaqay inuu shir Qaran oo wada tashi ah ka yeelan doono ka qaybgalka Shirka London, waxa kale oo uu madaxweynuhu kulankan oo kale la yeeshay ururada arrimaha bulshadda iyo madax dhaqameedka Somaliland oo uu usoo bandhigay shirkan London ee dawladda Ingiriisku qaban doonto bishan Feberaayo ee aynu ku jirno.

        Inkastoo madaxweynuhu war baahinta la hadal , haseyeeshee mudanayaashii kulankanka qaybgalay iyo wasiirka Arrimaha dibaddda Somaliland ayey saxaafaddu wax ka waydiisay, waxaanay xuseen in kulankani ahaa mid lagaga tashanayo ka qaybgalka shirkaasi iyo qaabka ay Somaliland kaga qaybgali doono.

        Labadda gole Baarlamaan ayaa si wada jir ah ka doodi doono isla markaana ka soo saari doona Go’aan ku salaysan ka qaybgalka shirkaasi, waxaanay mudanayaashaasi soo dhoweeyeen kulankan ay madaxweynaha la yeesheen ee uu kala tashanayo shirkaasi.

        Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu kulan sidan oo kale ah la yeeshay saddexda xisbi Qaran oo uu aragtiddooda ku aadan shirkaasi wax ka waydiiyey, wallow xisbiyada qaar horaba ugu baaqeen inuu madaxweynuhu ka qaybgalo shirkaasi London ka dhici doona bishan aakhirkeedda.

        Si kastaba ha ahaatee, waxa la filayaa inuu madaxweynuhu ka qaybgali doono shirkaasi, isla markaana uu kaxaysan doono saddexda xisbi Qaran iyo xildhibaano ka mid ah labadda gole Baarlaan ee Somaliland.

        Golaha Wakiiladda iyo Guurtidda ayaa maalinta bari kulan wada jira yeelan doona, waxaanay halkaasi ka soo saari doonaan go’aankoodda ku aadan shirkaasi iyo sidii ay Somaliland uga qaybgali doonto.

         

        Wasiir ka Mid Ahaa Xukuumaddii UDUB Ee Rayaale Ka Raacay Madaxwayne Siilaanyo Oo Qandaraas Lagu Siiyay Dib U Dhiska Madaarka Hargeysa

        “Wasiirkii hore ee Warshadaha Eng. Cali Ubaxle waa wasiirkii labaad ee Madaxwayne Siilaanyo isku beel yihiin ee xukuumadii UDUB iska casilay maalmihii ololaha doorashada u dambeeyay”

         

        Hargeisa Feb.02.2012(Gabileyonline)

        Warar aannu ka helnay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay una dhuun-daloola hawlaha Guddida Qandaraasyada Qarankan  ayaa sheegaya in dib u dhis lagu samaynayo Madaarka Cigaal International Airporta  ee Magaalada Hargeysa oo ay ku baxayso Lacag Shan Milyan oo Dollar ku dhaw Qandaraas lagu siiyay  Wasiirkii hore ee Wershadaha ee Xukuumaddii Rayaale ee UDUB.

        Eng. Axmed Cali Ubaxle oo ka mid ahaa laba Wasiir oo Xukuumadii  Riyaale xilka iska casilay mudda yar  ka hor doorashadii June 26, 2010 kii si uu Xisbiga Kulmiye ugu  gacan  siiyo inuu Doorashada ku guulaysto ayaa Qadaraaskan la siiyay Shirkad uu leeyahay oo gacan saar la leedahay shirkad laga leeyahay Dalalka  Omaan iyo Emaaradka carbata, taasoo la sheegay in dhinaca madaxtooyada laga amray in Qandaraaskaasi la siiyo.

        Wasiirkii Warshadaha ee Xukuumaddii UDUB Eng ubaxle oo ay madaxweyne Siilaanyo isku Beel ka soo jeedaan ayaa dawladda Siilaanyo hore uga helay qandaraasyo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen rakibaada  Qalab Casri ah oo lagu Dekedda Berbera, dayactir iyo haajin lagu sameeyay Garoomada Diyaaradaha Berbera iyo Hargeysa, Madaxtooyada, Golayaasha barlamanka iyo meela kale oo badan.

        Waxaana la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Qandaraaskan iyo kuwii  hore loo siiyayba ku lug leeyahay amarka loogu ogolaaday,isagoo abaal gud uga dhigaya kaalintii uu ka qaatay Guul-daradii ku dhacday Xukuumaddii UDUB ee iska casilay maalmihii ugub dambeeyay ee Ololaha doorashadii madaxtooyada.

        Maaha markii ugu horaysay ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mashaariic noocan oo kale ama Xilal Maqaar saar ah ugu abaal gudo shakhsiyaad kaalin ku lahaa inay talada ku guulaysato, isla markaana kuwo kale oo mawaadiniin ah looga qaado Aar-goosi Siyaasadeed, balse mashruucan ayaa noqonaya kii ugu balaadhnaa ee ay Somaliland hesho, isla markaana lagu bixiyo hab qabiil ama Eexaysi Siyaasadeed.

        Waxaana mashruucan ku tartamayay in ka badan shan iyo toban shirakadood oo isugu jira Wadani iyo Ajaanib, kuwaasoo soo codsaday in la siiyo Qandaraasyada dib u dhis iyo balaadhin lagu samaynayo Madaarada Berbera iyo Hargeysa oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa toban Milyan oo Dollarka maraykanka ah oo ay Somaliland ugu deeqday dawlada Kuwait.

         

        Taliyaha Ciiddamada Qaranka Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Ciidanka Qaranka Somaliland Sanad-guurada 19aad Awgeed

        Hargeisa Feb.01.2012(gabileyonline) Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) ayaa maanta dhambaal Hambalyo ah u diray Ciidammadda qaranka JSL munaasibadda sanad guuradooda 19-aad oo ku began maalinta bari ee 2-da bishan Febarwari Awdeed.

        Taliyaha ciidanka qaranka waxa uu dhambaalkiisa Hambalyada ah u rajeeyay ciidanka qaranka iyo xaasaskooda inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

        Maxamed Xasan Jidhif waxa qoraalka hambalyada ee uu soo saaray uu ku sheegay inay baaqatay xafladii loogu dabaal degi lahaa sanad-guurada 19-aad ee ciidanka qaranka, hase yeeshee wax tafaasiil ah kama uu bixin asbaabaha loo baajiyay.

        Weftiga Wasiirrada Somaliland ee Addis Ababa ku sugan oo dalbaday in ciidammada Federaalka Itoobiya la keeno xadka labada dal u dhexeeya iyo nuxurka qodobo lagaga hadlay kulan ka dhacay xafiiska Melez Zenawi

        Hargeisa Feb.01.2012(Gabileyonline)Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ashkato ka dhan ah maamulka Killilka Shanaad u gudbisay dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya, sidoo kalena u bandhigtay cabasho la xidhiidha dareenno Somaliland ka qabto in kooxaha hubaysan ee dagaalka ka wada degaanka Buuhoodle ay taageero ka helaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

        Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramay shalay isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa, waxa uu caddeeyey inay dawladda Itoobiya ka dalbadeen in ciidammada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida ee dalkeeda laga ilaaliyo xadka u dhexeeya labada waddan, isla markaana xuduudaha la keeno ciidammo ka socda dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya si wax looga qabto cabashooyinka dadka reer Somaliland ka tirsanayaan bilayska Killilka Shanaad.

        Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu sheegay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya kulan kula yeesheen shalay masuuliyiinta ugu sarreeya amniga qaranka ee dalka Itoobiya, una gudbiyeen cabashooyin kala duwan oo la xidhiidha colaadda Buuhoodle iyo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka booliska Kililka 5aad ee Itoobiya ku hayaan bulshada Somaliland.

        Wasiirka Khaarajiga oo faahfaahinayey arrimaha ugu muhiimsan ee ay kala hadleen masuuliyiinta sare ee dawladda Itoobiya waxa uu yidhi; “Kulan ballaadhan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ayaannu la yeelanay masuuliyiinta amniga qaranka ee ugu sarreeya Itoobiya. Waxaannu u gudbinay oo kala hadalnay dareenno aannu ka qabno in maamulka Killilka Shanaad xidhiidh la leeyahay colaadaha kooxaha naba-ddiidka ah ka wadaan degaannada bariga Gobolka Sool iyo Buuhoodle ee dalka Somaliland, markaa annaga oo tixraacaynay heshiishkii nabadgelyo ee labada dal ka dhexeeyey ee bishii shanaad ee sannadkii 2011 lagu saxeexay magaalada Diridhaba ayaannu dawladda Itoobiya kala hadalnay colaadaha ka socda degaanka Buuhoodle, iyadoo shirkaasna uu ka qaybgalay wasiirka dhinaca amniga u qaabilsan dawladda Federaalka Itoobiya oo heshiishkii Diridhabana dhinaca Itoobiya u saxeexay, waxaanuna ka wadahalnay sidii Somaliland iyo Itoobiya gacan midaysan uga yeelan lahaayeen kooxaha hubaysan ee nabadgelyo-darrada ka wada Buuhoodle, annagoo aaminsan in kooxahaas hubaysani taageero iyo gacan-saarba ka helayaan masuuliyiin iyo madax ka tirsan gobolka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaanuna dawladda Itoobiya ka dalbanay inay arrintaas baadho oo wax ka qabato, sidoo kalena gacan naga siiso sidii bcolaaddaas loo soo afjari lahaa.

        Waxa kaloo aannu dawladda Itoobiya ka codsanay in ciidammada Federaalka la keeno deegaannada xadka u dhexeeya labada dal oo meesha laga qaado ciidammada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, annaga oo sheegay in dadka shacabka ee reer Somaliland cabasho badan ka muujiyeen ciidanka Killilka Shanaad ee Itoobiya, markaa waxaannu dalbanay in xadka la keenno ciidanka Federaalka Itoobiya oo lanaga ilaaliyo ciidanka Liyuu Booliska Killilka Shanaad oo cabasho badan dadku ka muujiyeen,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.

        Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo la weydiiyey nuxurka jawaabta dawladda Itoobiya ka siiyey qodobadda ay kala hadleen, waxa uu yidhi; “Dawladda Federaalka Itoobiya waxay noo sheegtay in aanay habayaraatee waxba ka ogayn wax xidhiidho ah oo maamulka Killilka Shanaad la leeyahay kooxaha nabad-diidka ee colaadaha ka wada degaannada Buuhoodle, waxayna noo caddeeyeen inay baadhitaanno rasmi ah ku samayn doonaan waxyaabaha aannu u gudbinay, isla markaana tallaabo cad ka qaadi doonaan hadday caddaato in cid Itoobiya ka tirsani ku hawlan tahay falal waxyeeli kara xasilloonida Somaliland, iyada oo la dhawrayo heshiishkii dhinaca iskaashiga nabadda ee labada dal ku dhexmaray magaalada Diridhaba sannadkii 2011.

        Waxa kaloo dawladda Itoobiya noo sheegtay in aanay marnaba oggolaanayn wixii wax u dhimaya nabadgelyada Somaliland iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal, qodobaddii aannu kala hadlaynayna si fiican baannu isula fahamnay.”

        Wasiirka Arrimaha Dibedda ka jawaabayey su’aal ku saabsan inay jiraan masuuliyiin shisheeye oo ay Addis Ababa kula kulmeen, waxa uu yidhi; “Muddadii aanu Addis Ababa joognay waxaannu kulamo la yeelanay madax iyo masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dawladda Britain Henry Bellingham, Wasiirka Horumarinka Caalamiga ah ee Ingiriiska Andrew Mitchell, madaxweynihii hore ee dalka Laybeeriya oo ka mid ah masuuliyiinta ururka Midowga Afrika, madaxweynihii hore ee dalka Ghana oo ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Moses Wetangula, masuuliyiin ka tirsan dawladda Masar iyo madax kala duwan oo ka qaybgelaya shirkii Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaanan madaxdaas kala hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, annagoo u sharraxnay guulaha dimuqraadiyadeed iyo nabadgelyo ee Somaliland ku tallaabsatay.”

        Waxa kaloo Wasiirka Arrimaha Dibadda la weydiiyey xaaladda Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Jeneral Maxamed Saqadhi Dubbad oo xaalad caafimaad-darro loo geeyey magaalada Addis Ababa, waxa uu ku jawaabay; “Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxaannu Ilaahay uga baryeynaa inuu caafimaad-qab buuxa siiyo. Taliyaha xaalad caafimaad ayaa loo keenay Addis Ababa, welina arrimihii caafimaadka ayaa u socda, markaa Ilaahay baannu caafimaad buuxa u weydiinaynaa, haddana xaaladdiisu way fiican tahay.”

        Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay dalka Itoobiya, ayaa la filayaa inay Salaasada maanta ama Arbacada berri dalka ku soo laabtaan.

         

        SHIRKA LONDON: Istraatijiyadda ay ka midaysan yihiin iyo qorshe-hawleedka ay sida wada jirka u leeyihiin Urur Gobolkeedka IGAD, AMISOM IYO UNPOS ee ku Aaddan Somalia

        Qodobada Kooxahani wadaan waxa ka mid ah   In la sii dhiirigaliyo si waditaanka keenidda ciidamadda AMISOM

         

        Hargeisa Jan.31.2012(Gabileyonline) – Gabileyonline waxay toddobaadkan soo bandhigaysaa qorshayaasha beesha caalamku ay la tagayso shirka London ee lagaga talinayo aayaha Somalia.  Shalay (Isniitii 30kii January) waxaanu soo bandhignay mawqifka Talyaaniga.  Maanta waxaanu soo bandhigaynaa mawqifka IGAD/AMISOM iyo UNOPS.

        urur-goboleedka IGAD xafiiskiisa Somalia u qaabilsan, AMISOM iyo xafiiska siyaasadda ee Qaramadda Midoobay ee UNPOS ayaa bishii February 23 keedii ee sannadkii 2011 kii ay  ku kala saxeexdeen magaaladda Nairobi, ayaa waxa ay dhigaystay istiraatijiyad midaysan iyo qorsha hawleedka hay’adahan ee ku waajahan Somalia. Heshiiskan ayaa saddex dhinac ka eegayey oo xubnahani ay xooga saarayaan kuwaas oo kala ahaa dhinacyadda siyaasadda, ammaanka iyo arrimaha la xidhiidha bani’aadanimadda, waxaanay ahaayeen dulucda heshiiskaasi sida tan:

        1.       Inay si isku mid ah u arkaan in muddadii ku-meel-gaadhka ay ku dhammaanayso 20 bisha August sannadka 2011 ka, iyadoo maskaxda lagu hayo Axdi-federaalka ku Meel-gaadhka ah.

        2.       In lagu baraarujiyo hoggaanka ku-meel-gaadhka ah ( oo uu ku jiro Madaxweynaha, Ra’iisal-wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baaralamaanku) muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasiloonidda iyo  wada-jirka maamulka ku meel-gaadhka ah muddada lagu jiro ku-meel-gaadhka

        3.       In si xoogan loo dhiirigaliyo midnimadda siyaasadeed ee maamulka ku meel-gaadhka ah, iyadoo la xoojinayo dhexdhexaadinta iyo xidhiidhka lala leeyahay hoggaanka.

        4.       In dhamaan daneeyaasha lagu riixo  inay si degdeg ah u soo gabagabeeyaan qabyo-qoraalka dasuurka, si uu noqdo madal looga duulo dib-u-heshiisiinta qaran, iyadoo  laga warhaynayo hannaaka ka tallo-bixinta dastuurka.

        5.       In loo fidiyo wixii taageero ah Maamulka-ku-meel-gaadhka ah, si ay ugu suurtagasho in hawsha ay u xilsaaran yihiin u gutaan sida ugu haboon.

        6.       In la sii dadaaladda lagu baraarujinayo Bulshadda Caalamku inay u fidiyaan agab (resource) ku filan oo wakhtigiisa hadba taagan.

        7.       In la taageero inay si buuxda ASWJ (Ahlu-sunnah Wal Jameecah) ciidamadooda ammaanku uga mid noqdaa ciidamadda-qaranka ee dawladda TFG-da.

        8.       In lagu riixo Bulshadda Caalamku inay taageero maaliyadeed iyo tu farsamoba ka geysato isku-darka dhinaca ciidamadda ee dawladda TFG-da iyo ASWJ.

        9.       In la yagleelo hab ay ku wada shaqeeyaan u Qaybsanayaasha Sare ee Midawga Afrika iyo sidada hay’adood (IGAD, AU iyo UNPOS)

        10.   In la sii dhiirigaliyo si waditaanka keenidda ciidamadda AMISOM iyo fakradda ah ka shaqaynta iyo faragalinta Somalia, iyadoo uu hagayo ujeedooyin siyaasadeed oo cad iyo aragti.

         

         

        Afhayeenka Xisbiga udub Muj Cali Guray Oo Xaalada Dalku Marayo iyo Qodobo Kale Ka hadlay.

        Markuu Hargeysa Joogay Gurigiisu Waxa uu ahaa Night Club habeenka Jimcaha lagu Tunto, Waxa Kaliya ee uu ahaana nin ismaldhakhiye ah, Laakiin Markay Runtu Timaado Nin Waxtari Kara Maaha.”

        “1988-Kii Markii SNM Soo Gashay Moorgan 20 Kun oo Ciidan Ah Ayuu Xukumayey Waana Ninkii Airport-Ka Isku Qaaday Ee Naanaysta Kula Baxay”-Cali Guray

        Hargeysa January 30.2012(Gabileyonline) – Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay shirka kooxaha Somalia uga furmaya magaalada London bisha February ee socota, kaas oo sheegay in Somaliland ay fursad weyni ugu jirto ka qaybgalka shirkaasi, ayaa sidoo kale eedayn culus dusha u saaray Gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Moorgan, kaas oo uu ku sifeeyey dhagarqabe aan hadalkiisu wax micno ah u samaynayn shacbiga Somaliland.

        Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ku siiyey, isla markaana kaga hadlay arimo door ah oo ay ka mid tahay dagaalada ka socda Magaalada Buuhoodle iyo ujeedada shirkii Taleex ay ka lahaayeen Cali Khaliif Galaydh iyo koox uu ku tilmaamay qurbo joog.

        Afhayeenka UDUB carabka ku dhuftay khilaafkii dhawaan soo kala dhexgalay musuuliyiinta xisbigaasi UDUB, isagoo Wasiiradii Rayaale ku eedeeyey inay qodobo ay hore ugu xidheen Musharaxa xisbiga UDUB inay markii danbe ka masuugeen, balse uu isagu markii hore-ba ka soo horjeeday in Musharaxa xisbigooda wakhtigan la doorto.

        Ugu horayna isaga oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Taliyihii qaybta 26-aad ee dawladdii Macangaga ahayd ee Siyaad Barre waxa uu yidhi “Ninka nabada geesi ku ah ayaa dagaalkana geesi ku ah, Moorgan Cida uu u hiiliyana waxba tari maayo cida uu ka hiiliyona waxba yeeli maayo waayo waa Fule. 1988-kii markii SNM soo gashay 20,000 ciidan ah ayuu xukumayey oo taliyaha qaybta 26-aad ayuu ahaa waana ninkii isaga oo halkii uu dadka ku xidhxidhi jiray ku dhuumanaya loogu tagay subaxiina buurtaa Ina Naxar inta uu isku qaaday airport-ka naf xaraaradii tagay ee baxsaday ee Naanaysta kula baxay arintaas”.

        Cali Guray oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Moorgan wakhti hore waxa uu ahaan jiray Booligaadh inkasta oo uu saraakiishii Ruushka ka yimid uu ka mid ahaa, hadana col uu hogaamiyey oo dagaal galay oo guulaysta waligii lama arag. Dagaalka uu imika ku baaqayaana waa mid aanu waxba ka taraynin, sarkaal milatari lama odhan karo runtii lamuu mid ahayn saraakiishii waawaynayd ee halgankii sida wayn uga soo qaybqaatay oo lamuu mid ahayn Cabdi Casiis Cali Barre, markuu Hargeysa joogay gurigiisu waxa uu ahaa Night Club habeenka Jimcaha lagu tunto, waxa kaliya ee uu ahaa nin ismaldhakhiye ah oo isdaawada uun, laakiin marka ay runtu timaado nin wax tari kara maaha. Inkasta oo aanu ahayn nin u qalma in loo jawaabo hadana, waxaan leeyahay dabkaas uu shidayaa hada isku dirkaa uu la soo banbaxay waa mid aanu isagu ku gubanayn. Moorgan isaga oo Kismaayo jooga oo kooxyar oo uu Qabyaalad meel ugu ururiyey u qudbadaynaya oo gadhkan Yuhuudiga ah ee uu leeyahay mid la mid ah leh Media-ha waynu ku aragnay isaga oo dadkaas colaad ku abaabulaya oo leh Tolaa’iyeey, imikana waxa uu doonayaa innuu dab kala dhexdhigo Somaliland, xiligan maamul hoosaadada badan la samaystay isagu waxa uu u arkayaa in Calankan buluuga ah ee ay wataan qoladan qurbo jooga u badan ee Somaliland dhexdeeda doonaya inay maamulka ka samaystaan, waxaanu doonayaa in arinku uu inta uu maanta marayo uu ka balaadho. Arintu imika waa khilaaf inaga dhexdeena ah oo beel ka mid ah beelaha reer Somaliland, runtii taasina hore ayey inoo soo martay inaguna Insha Allaah waynu xalin oo wuu iska dhamaan doonaa khilaafkaas yari, markaa ninkan Moorgan la leeyahayna waxa uu doonayaa inuu wax kale ku sifeeyo oo uu dadka saar qabiil iyo munaafaqad la soo dhexgalo”.

        Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Muj. Cali Guray mar uu ka hadlayey shirka Taleex iyo ujeedadii laga lahaa, waxa uu yidhi “Shirkii Taleex ka dhacay horta ujeedadii ay ka lahaayeen qolada qurbo jooga ah ee uu Cali Khaliif Galaydh wataa kamay gaadhin oo intan shiraysaa waxay ahayd in aad u kooban oo 300 qof badhna ay qurbaha ka yimaadeen badhna ay yihiin intii ay masaariifta u soo diri jireen, isla markaana dadka kale rayigooda lama ogolayn xataa sida muuqata beesha Dhulbahante laftigeedu waa beel leh Somaliland oo jecelna inay nabad kula noolaato beelaha kale ee la daga dalka, xalkaasina waa mid u baahan in si wada jir ah loo raadiyo”.

        Isaga oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya Cali Khaliif Galaydh iyo danta uu ka lahaa shirkii Taleex, waxa uu yidhi “Cali Khaliif Galaydh-na waxa uu is lahaa shirka London ayaad ku fadhiisan doontaa maamul goboleedkaas uu sheegtay, taasina inaanay suurta galaynin waa la ogyahay. Markaa anigu waxaan taageersanahay xaga nabada oo waxaan jeclahay waliba in la isku dulqaato oo wax walba wada hadal lagu dhameeyo, taas ayaanan mar walba taageerayaa. Hadalkii uu warbaahinta mariyeyna maaha mid macno badan samaynaya oo Cali Khaliif waa nin siyaasi ah oo guur-guurid badan siyaasaduna maaha sida uu moodayo oo siyaasi kuma sheegi karnaba maadaama oo uu colaad ku baaqayo, halkan uu leeyahay ha lagu dagaalamo-na waa halkii uu u dhashay ee uu dadkiisu ku noolaa. Waxa loo baahan yahay dhamaanteena inala gudboon in siyaasadahan bariga dib loo qiimeeyo oo dib wax badan looga badalo oo fiiro intii hore ka badan loo yeesho, isla markaana colaad iyo nabad labada-ba loo diyaargaroobo.  Cali Khaliif Ethiopia-na wuu soo maraa, isla markaana Ethiopia-na cida ku macaaridka ah ee halkan jooga Hargeysa ayaa laga dhexqabtaa oo loo dhiibaa, waxaan fahmi kari laayahay waxa weeyi in iyada oo Madaxwaynaheenii uu Cali Khaliif dambiile ku sheegay, waxa uu imikana uu Jigjiga u joogo ee ay iyagu u galbinayaan ee ay u taageerayaan runtii taas ayaan fahmi kari laayahay”.

        Cali Guray mar uu ka hadlayey Maamulka Puntland, waxa uu yidhi “Maamulka Garoowe abaabul dagaal iyo colaad-ba inay inagu soo  afuufaan waa mid looga fadhiyo waayo qoladaa Majeerteen waxa ay rabaa in beesha Dhulbahante u soo baahato oo ay soo ceshadaan Puntand-tii uu Dhulbahantuhu ka mid ahaa oo imika dhamaan beesha Dhulbahante way ka soo go’een maamulka Puntland, hadii ay ka soo go’eena waxay u soo noqdeen dalkoodii iyo dadkoodii reer Somaliland oo run ahaantii uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahi. Arinta ay reer Puntland ka dagaalamayaan ee waxan oo xaasidnimo ah ugu wacani waxa weeyi marka uu Dhulbahante ka tashado waxa meesha ku soo hadhaya reer yar oo Marjeerteen la yidhaahdo oo kaliya, markaa waa taas ta ay ka dagaalamayaan”.

        Mujaahid Cali Guray mar wax laga waydiiyey shirka kooxaha Soomaalida uga

        Cali Guray mar wax laga waydiiyey halka uu ka taagan yahay Shirka London ee Somaliland lagu casuumay, balse shakiga badan laga muujiyey, waxa uu yidhi  “Anigu waan taageersanahay marka horena waan taageersanaa shirka uu Ingiriisku ku baaqay, waana wax wanaagsan hadii magaca Somaliland la inagu casuumay oo aynu shirkaa kaga qaybgalayno, sababtu waxa weeyi in dadaaladii la sameynayey 20-ka sanadood ee xalka loogu raadinayey Somalia ay qireen inay wada fashilmeen, markaa Somaliland waxa ay indhaha ka lalin jireen oo aynu odhan jirnay Somaliland waa loo baahan yahay oo bulshada caalamka ayaa u baahan. Hadalkii uu ku hadaaqayey Ra’isal Wasaaraha Somalia-na waa beentii oo kooxaha ka qaybgalayaa waxay sitaan calamkii Somalia ee buluuga ahaa, kaas oo ah calanka Somalia, markaa Puntland, Galmudug, TFG iyo Ehlu-suna Waljameeca intaasi-ba waxay sitaan calankaas buluuga ah, halkaasna waxa ka muuqata inaanay dawladda TFG-gu aanay matali karaynin intii xataa Somalia la isku odhan jiray, markaa hadii aanay jirin Somaliland kala qaybsan oo saddex calan kala sidataa ma ma jirto. Ajandaha lagaga hadlayo shirka London waxyaabo badan oo Somaliland khuseeya ayaa ku jira oo ay mid yihiin xaga Kaalmada, Budhcad-badeeda iyo Argagixisada waa waxyaabo ina taabanaya oo mandaqada ka mid ayeynu nahay. Qodobka tooska ahi waxa weeyi waxa dhamaanaya mudadii dawladdaTFG-ga loo xilsaaray inay maamulaan halkaas oo waxa ay kaga eegtahay bisha August ee sanadkan, markaa hadii ay bulshada caalamku rabto inay dhibaatooyinkaas xalkooda ay Somaliland kala qaybgasho oo waayo aragnimada aynu arimahaas u leenahay wax la inaga waydiiyo ama runta la isku sheego oo la yidhaahdo dhibaatooyinkaas Somaliland wax wayn ayey ka tari lahayd hadii la aqoonsado, markaa maadaama oo aynu dan leenahay waa inay aad u danaynaa meelkasta oo ay imanayaan cid wax inoo ogol, markaa inaynu inaga iyo Soomaaliya noqono laba dal oo jaar ah oo is kaalmeeya, waxay noqonaysaa kaalin wixii hore oo dhan ka firfircoon”.

        Afhayeenka UDUB mar uu ka hadlayey khilaafkii kala irdheeyey xisbigooda halka uu salka ku hayey, waxa uu yidhi “Khilaafkaas UDUB sidii aanan markii hore ugaga muuqan Media-ha ayaan hadana jecelahay inaanan ugaga muuqan, khilaafkanina waxa uu ka dhexbilaabmay kooxo gudida fulinta ah, labadoodu-na way isla ogolaayeen in Musharaxa la soo qadimo, aniguna waxaan ka mid ahaa ragii diidanaa Musharaxa imika ha la soo qadimo, markaa anigu waxaan gaar noqday markii labadoodaas dhinac ay isla qaateen in Musharaxa la soo qadimo oo lacag badan uu shubo cidii Musharaxa xisbiga danaynaysaa, arintaasina mid ay isla ogolaayeen ayey ahayd laakiin natiijadeedii kamay wada farxinin labadii dhinac. Mida kale anigu uma arko Jamaac Cali Xuseen uu khaldan yahay oo intuu qandaraaskii bixiyey ayuun buu dadkii tartamayey ka mid noqday, lacagta badan ee Musharaxa lagu xidhayna waxa dabada ka riixayey waxay ahaayeen Wasiiradii xukuumadii hore, khilaafka jirana hadii laga wada hadlo waa wax si dhakhso ah loo dhamaynkaro, laakiin hadii uu Cali Warancade damac ku jiro waxay ahayd in shuruudii uu sameeyey uu u maro Musharaxa xisbiga”.

         

         

         

         

        Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay Itoobiya inay u yimaadeen sidii ay Beesha Caalamka uga dhaadhicin lahaayeen Dagaalka ka socda Buuhoodle iyo Shirkii Taleex

        Hargeisa January 29.2012(Gabileyonline) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo Saxaafadda Somaliland iyo kuwa Caalami ahba Huteelka  Hilton ugu waramay ayaa sheegay Ujeedada Socdaalkoodu inay la xidhiidhay sidii ay beesha Caalamka ugu bandhigi lahaayeen dagaalka ka dhacay Buuhoodle iyo Shirkii Taleex ba kuwaasoo uu sheegay inay Fidnadeeda kiciyeen Kooxo ku soo gabaday magaca Beesha Deegaankaas dega oo ku baaqday shir inay qabsadaan xukuumaduna ku taageertay balse markii danbe sababay khasaaraha halkaas ka dhacay oo Naf iyo Maalba isugu jirta.

        Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay intay joogeen Addis Ababa inaanay waxba uga qabsoomin Arrimihii ay socdeen qaarkood sida arrinta Nabadgelyada oo isaga gaar u khusaysay taasoo uu doonayay Madaxda Itoobiya inuu kala hadlo kadib markii Socdaalkiisu ku soo hagaagay maalmo fasax ah oo ay Ururka Midawga Afrika qabsanayaan Shir Muhiim ah.

        wasiirku waxa uu sheegay inay Isniinta balansan yihiin saraakiisha dhinaca Amniga ee Itoobiya isla markay wadahadlaana soo mari doonaan Madaxda Kililka Shanaad si ay uga wada hadlaan xaaladaha ka soo cusboonaaday dhinaca Xuduuda Labada dal u dhaxaysa iyagoo kulamdoodaasi ay ku taxnaan doonaan Heshiisyadii hore ee dhinaca Nabadgelyada ay labada dal u wada galeen

        Wasiir Duur waxa uu sheegay Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan inay kulmeen isla markaana uga warameen dhibaatada ka soo cusboonaatay deegaano ka mid ah Gobolka Sool waxaanu xusay arrintaas inay uga hadleen xaalada Nabdgelyo daro ee ay ku soo kordhisay Somaliland haddii aan waxba laga qabana ay saamayn ku yeelan doonto xasiloonidii dalalka jaarka ah.

        Wasiir Duur waxa uu sheegay inay wali xukuumad ahaan soo dhaweynayaan cid kasta oo wax tabanaysa isla markaana waxa uu ugu baaqay Danta Qaranka inay wax kasta oo ay ku kacayso diyaar u yihiin isagoo xusay Somaliland inay dhinaca kalena cid kasta oo Nabadgelyadeeda duulaan ku ah ay talaabo ka qaadayaan.

        Mar wasiirka la weydiiyay maadaama Xukuumaddu ogolaatay Qabsoomida shirkaasi cidii masuuliyadeeda dhinbaatada ka dhacday sababta u ahayd ee Xukuumadiisa ka tirsani inay iscasilayso iyo inkale waxa uu yidhi “ horta Xukuumadda Somaliland shirkaasi iyadaa ogolaatay hase yeeshee waxa uu la mid ahaa uun shirarka ay beelaha kaleba qabsadaan hase yeeshee taas macnaheedu maaha in ay iyadu masuul ka tahay Kooxda majarahabaabisay” ayuu yidhi

        Mar la weydiiyay maadaama tabashada beesha Buuhoodle ay keentay khasaaraha intaa leeg inay wax ka qabteen tii Ceel berdaale si aan Somaliland khasaare kale halkaas ugaga iman waxa uu yidhi “ waxa haboon in aan Qarankan hagardaamo loo geysan umalayn maayo halkaas inay ka jiraan wax dhibaato ah hawshaasna Xukuumad ahaan talaabo ayaanu ka qaadnay” ayuu yidhi

        ugu danbayntii Wasiir Duur waxa uu u mahadnaqay Wariyayaasha Reer Somaliland ee ka qayb qaadanaya shirarka Ururka Midawga Afrika iyo kuwa IGAD-ba waxaanu sheegay inay tahay Guul Somaliland u soo hoyatay

        Xukuumadda Oo Wasiiro U Xukuumadda Oo Wasiiro U Dirtay Jiida Buuhoodle, Dhaqdhaqaaqyo Milatari Oo Ka Socda Goobihii La Isku Hujuumay Doraad Iyo Taliyihii Aaga Qori-Lugud Oo La Bedalay

        Hargeisa January 28.2012 ( Gabileyonline)

        Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Xoogan ayaa xalay  laga dareemayay  deegaanadii ay doraad ku dagaalameen Ciidanka qaranka iyo Maleeshiyaadka reer Buuhoodle oo shalay deganaa.

        Warar kala duwan oo laga helay  halkaasi ayaa sheegay inay shalay gelinkii dambe ciidanka qaranka Somaliland hore ugu ruqaansadeen goobo ay ku suganyihiin Maleeshiyaadkii ay dagaalameen, kuwaas oo ilaa habeen hore halkaasi isku Uruursanayay.

        Dhinaca kale, xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaa shalay fadhiisimada ciidanka qaranka u dirtay Wasiiradda Madaxtooyada, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Xanaanada Xoolaha, kuwaas oo halkaasi u tagay inay soo arkaan xaalada ciidanku ku sugan yahay dagaalkii doraad ka dib, si loo ogaado khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay ciidanka.

        Wasiiraddan oo xalay ku soo laabtay Burco kormeerkooda ka dib, ayaa sidoo kale la sheegay inay fadhiisimada Ciidanka qaranka u tageen sidii ay xogo dheeraad ah uga heli lahaayeen warar sheegayay in Ciidamada Qaranka amaro khaldan la siiyay markii ay Dgaalka ku jireen, laguna amray inay dib uga soo baxaan Goobihii ay maleeshiyaadka ku dagaalamayeen, taasina ay sababtay in maleeshiyaad taabacsan kuwa ay dib uga soo baxeen ay jid-gooyo ku sameeyeen, taasina sababtay in ciidanka khasaare soo gaadho.

        Lama oga wax natiijo ah oo ay labadaasi wasiir kala soo noqdeen fadhiisimada Ciidanka oo ay xalay ka soo laabteen , balse warar madax banaan ayaa sheegaya in shalay la bedelay Taliyihii Ciidanka qaranka ee Aaga Qorilugud, laguna bedalay Baashe Fanax oo hore looga bedalay.

        Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha Taliyayaasha la isku bedalay, hase yeeshee wararku waxay intaasi ku darayaan in la bedelay Sarkaal kale oo ka mid ah Hogaamada Ciidanka Qaranka ee Aagaasi. waxaanay arrimahaasi dhacayaan xili warar is-khilaafsani ka soo baxayaan khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Doraad ka dhacay deegaamada Buuhoodle, kaasoo aanay Xukuumadda Somaliland ilaa hadda cadayn waxyeelada ka soo gaadhay Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyadii ku soo dushay ee Buuhoodle, halka maleeshiyaadka Reer Buuhoodle warar borobagaande ah oo ay guul ku sheeganayaan warbaahinta marinayaan.

        Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Jaamac Cismaan Geel-jirre oo BBC-da uga waramay mawqifka ay   Xukuumadda Somaliland ka taagantahay Dagaalkaasi ayaa  yidhi “Dagaalku waxa uu ku bilaamay  rag  Somaliland inay qasaan doonaya oo uu Cali Khaliif Hogaaminayo iyo kuwo ay dhawaan xilal u doorteen ayaa dad ay dabada ka riixayaan soo weerareen Ciidanka qaranka Somaliland, markaa sidaasuu dagaalku ku bilaamay, khasaarihii meesha ka dhacayna ilaa hada waanu ku daba jirnaa”.

         

        Jaamac Cismaan Geel-jire mar uu ka hadlayay Khasaaraha Dagaalkaasi geystay waxa uu yidhi“Horta meeshan laba dhinac kumay dagaalamin ee waa Somaliland uun, waxaana is dilay dad anaga ah oo Nimankaa fidmo wadayaasha ahi soo waaleen ayuunbaa xaga kalena dagaal kaga jira xagana waa ciidankii qaranka ee dalka difaacayay, markaa khasaaraha meesha ka dhacay waa Somaliland uun oo waa dadkayagii, khasaaraha meesha ka dhacayna waanu hubsanaynaa oo Xukuumadduhu waxaan jirin ma sheegaana markaanu hubsano ayaanu khasaare wixii dhacay dadweynaha u sheegaynaa” ayuu yidhi waxaanu intaasi ku daray “waanan ka xunahay wixii dhacay , waxaanan had iyo goor jecelnahay Nabada oo dalkani waa dal nabadeed reer Buuhoodlena waxaanu leenahay walaalayaal ka feejignaada dadka u soo duulay ee dibad uga yimi iyagoo iyagu dano gaar ah wata inay nabad-gelyada bur-buriyaan”

         

        Geesta kale, wararka laga helayo Magaaladda War-dheer ee kililka shanaad ee Itoobiya ayaa sheegaya in Cali Khaliif Galaydh uu halkaasi ka soo afuufayo colaadii doraad ka qarxiyey Buuhoodle, iyadda oo warku intaa ku darayo in ujeedada uu halkaasi u joogaa la xidhiidho sidii uu taageero beeleed uga heli lahaa bulshada reer War-dheer.

         

        Golaha Wakiilada Oo Maanta La Horgeynayo Mooshin Xukuumadda Ku Khasbaya Inay Wax Ka Bedasho Siyaasadeeda Bariga

        “Mooshinkan aad baa loogu wada heellan yahay, waayo dadweynihii baanu arkaynaa oo dareenkoodii nagu soo jeedo” Xildhibaan Ayaanle.

        Hargeisa January 28.2012( Gabileyonline)Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa la filayaa inay maanta Golahaasi Horkeenayaan Mooshin ka dhan ah Xukuumadda oo lagu joojinayo ka qayb galka Shirka London loogu qabanayo Somaliya bisha soo socota.

        Xildhibaanadan oo tiradooda lagu sheegay 30 xildhibaan ayaa sidoo kale mooshinkooda lagu tilmaamay mid ay Xukuumadda kula xisaabtamayaan xiligan Xaasaasiga ah ee culayska Siyaasadeed xukuumadda ka soo fuulay Shirka Dawlada Ingiriisku ku casuuntay ee London iyo colaada ka soo cusboonaatay Deegaanka Buuhoodle.

        Xildhibaan Bashiir Tukaale oo Khamiistii Doraad Warbaahinta kula hadlay xarunta Golaha wakiiladda ayaa mooshinkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid Golaha Wakiilladu kula xisaabtamayo xukuumadda talada haysa, isla markaana lagaga doodi xaaladaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee wakhtigan dalku marayo “Arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo hoggaamintiisa waxa shacabka uga wakiil ah Golaha Wakiillada inay la socdaan kolba halkay wax marayaan iyo ilaalintooda, waxaynu galnay marxalad cusub oo runtii khatarteeda leh, Haddii aan dadka loo sheegin ama aan go’aan laga soo saarin, sidaa awgeed waxaannu keenay mooshin oo aannu golaha hordhigi doono Sabtida oo uu noqdo qodobka kowaad ee ajandaha oo ay ku jiraan xeerar iyo wayxaabo kale, laakiin mid ka muhiimsan ayaa yimi, waxaanuna go’aamo ka soo saari doonaa arrimaha sida shirka London iyo arrimaha bariga dalka” ayuu yidhi Xildhibaanku.
        Xildhibaan Bashiir waxa  kale oo uu sheegay “Mooshinkan aad baa loogu wada heellan yahay, waayo dadweynihii baanu arkaynaa oo dareenkoodii nagu soo jeedo in wixii dareenkoodaa ka turjumaya annaguna aannu ka warbixinno weeye. Waxa mooshinkan saxeexay ilaa sodomeeyo mudane, rag kale oo maqanna way jiraan oo inay ka bataan waa laga yaabaa inta aanaan gudbin”.
        Warar madaxbanaan  ayaa sidoo kale sheegay Xildhibaanada Mooshinkan Golaha soo hordhigaya inay ka mid yihiin Xidhibaan Cali Aareeye iyo mudanayaal kale, waxaana la sheegay inay ku soo cusboonaysiinayaan Xeer ay  hore Golayaasha Baarlamanku u meelmariyeen oo dhigayay inaanay cid dawlada Somaliland ku abtirsata ka qayb geli Karin Shir loo qabanayo Kooxaha Somaliya, cidii ka qayb gashana loo aqoonsanayo dambiile qaran oo Maxakamad la soo taagi doono.
        Xeerkaasoo sanadkii 2001-da si rasmi ah u dhaqan geliyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Maexuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, hase yeeshee tan iy markii Xukuumaadda Madaxweyne Siilaanyo talada la wareegtay meesha laga saaray, isla markaana ay dalka yimaadeen rag badan oo xeerkaasi qabanayay oo aan cafis wadiisan Dawlada, kuwaasoo aynu ka xusi karno Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib iyo Cismaan Kaluun oo aanay labadooduba ku iman Cafis madaxweyne ee ay dalka iska soo galeen.
        Dhinaca kale waxa uu xeerkaasi xaaraantimaynayaa Shir sanadkii hore Kooxaha Somaliya loogu qabtay dalka Ingiriiska, gaar ahaan Magaalada wolten Berg, kaasoo uu wasiirka arrimaha dibada Somaliland ka qayb galay, isla markaana wakhtigaasi uu muran xoogani ka dhashay ka qayb galkiisa iyo shirka ay bisha soo socota Dawlada Ingiriisku ku qabanayo London ee lagaga hadlayo xal u helida Mushkiladaha daba dheeraaday ee Somaliya, kaasoo si rasmi ah loogu casuumay Dawlada Somaliland, balse ilaa hada  Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo Golayaasha kale ee Qaranku aanay go’aan cad ka soo saarin.
        Geesta kale shacbiga Reer Somaliland ee ku dhaqan gudaha dalka  iy gudihiisa ayaa su’aalo badan iska waydiinaya sababta ay Xukuumaddu ilaa hada mawqif cad uga qaadan la’dahay shirka lagu qabanayo London, isla markaana si weyn uga niyad jabsan habacsanaanta siyaasadeed ee dalka soo foodsaartay xiligan, xukuumadda iyo Golayaasha qaranka-na  si weyn ugu canaanaya inay ka seexdeen ilaalinta qaranimada iyo amniga wadanka, kuna mashquuleen loolan siyaasadeed oo kale, iyadoo marka si guud loo cabiro ra’yiga Bulshada reer Somaliland lgaa dareemayo inay diidanyihiin ka qayb galka shirarka Somalida loo qabanayo, gaar ahaan kan London ee hada su’aashu ka taagantahay.

        Dhinaca kale, xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah Mudanayaaha golaha wakiilada ee ka soo jeeda xisbiga KULMIYE, kana mid ahayn Mudanayaasha mooshinkan ayaa dareen ka muujiyey nuxurka Mooshinka oo uu sheegay in xildhibaanada wada qaarkood ku macneeyeen inuu yahay mid Madaxwaynaha maamuska lagaga xayuubinayo, waxaanu ku baaqay in xildhibaanada wadaa ay ku koobnaadaan ka hadalka shirka London iyo xaalada bariga ka soo cusboonaatay “Waxaan doonayaan inaan cadeeyo mooshinka ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaanada goluhu oo lagu sheegay in Madaxwaynaha maamuska lagaga xayuubinayo wax ka jiraa ma jiraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa wata mooshinka, waxayna leeyihiin halagu qiimeeyo xaalada dalka, waxaan leeyahay dalka laba arimood oo waaweyn ayaa soo waajahay oo u baahan in laga midoobo, kuwaas oo oo kala ah dagaalka ay Buuhoodle ku soo qaadeen kooxda Somaliland diidka iyo shirka London lagu qabanayo oo tallo qaran laga yeelanayo, waa in labadaa qodob goluhu ka hadlo, loomana baahna in wakhtigan xaadirka goluhu ku mashquulo arimo kale, waxaanan leeyahay xidiguhu halkii xalay ma joogaan”

         

        Madaxda Urur Goboleedka IGAD Oo Isku Raacay In Talaabo Cad Laga Qaado Cid Kasta OO Isku Dayda Inay Ka Hortimaado Heshiiskii Kampala

        Hargeisa January 28.2012 (Gabileyonline) − Kulan madaxda urur goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay iskula garteen in tallaabo laga qaado cid walba oo ka hortimaadda heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo weliba heshiiskii Garoowe lagu gaaray.

        Xubnaha kulankan goobjoogga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo madaxdu ay ugu baaqeen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya inay xalliyaan khilaafkooda.

        "Waxyaabihii looga hadlay kulanka madaxda IGAD waxaa ka mid ahaa sidii lagu hirgelin lahaa heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo heshiiskii Garoowe, cid walba isku dayda inay ka hortimaadana tallaabadii ku habboon laga qaado," ayuu yiri safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Siciid Yuusuf Nuur oo shirkaas ka qaybgalay.

        Danjiruhu wuxuu sheegay in sidoo kale shirka looga hadlay sidii ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya, kuwa Kenya iyo AMISOM ay u wadashaqeyn lahaayeen, ayna wadajir ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab.

        "Qodobbada kale ee shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah sidii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen ciidamada ku sugan Soomaaliya iyo kuwa dowladda KMG ah si looga adkaado Al-shabaab," ayuu danjiruhu hadalkiisa ku daray.

        Go'aanka IGAD ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ka dhashay xil ka qaadi lagu sameeyay afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

        Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in maalmaha berri uu ka furmo Addis Ababa shirka ururka Midowga Afrika, kaasoo lagu soo qaadi doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan ammaanka iyo abaaraha.

         

        Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia Oo sheegay In Ciidamadiisu Ay Sii Joogi Doonaan Somalia Ilaa Inta Ciidamada Midowga Afrika Gacanta Ku wada Dhigayaan Guud Ahaan Somalia.

        Hargeisa January 28.01.2012( Gbaileyonline) − Ra’isul wasaaraha, Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay inuu ciidamadiisa kala bixi doono Soomaaliya, marka kuwa Midowga Afrika ay soo gaaraan meelaha haatan ciidamada Itoobiya ay gacanta ku hayaan.

         

        "Waxaan rajeynayaa in ay ciidamada Amisom [midowga Afrika] awoodi doonaan in ay yimaadaan meelaha aan joogno in inta aanan ka bixin," ayuu yiri Meles Zenawi isagoo ku sugan magaalo madaxda wadankiisa ee Addis Ababa halkaasi oo uu ka soconaya shirka madaxda dalalka Africa.

        Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa Soomaaliya soo galay bishii October si ay baacsadaan kooxda Al-Shabab oo gacanta ku haysa meelo badan oo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

         

        Todobaadyo ka hor ayaa ciidamada Itoobiya oo garabsiinayey maleeshiyaad Soomaali ah oo taabacsan dowlada Soomaaliya waxaa ay kooxda Al-Shabab kala wareegeen gacan ku haynta magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, taasi oo muhiim u ah dhinacyo badan islamar ahaantaasina ay mudo sanado ah ka taliyeen maleeshiyaadka Al-Shabab.

         

        Itoobiya ayaa waxaa ay ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 2006 si ay meesha uga saaraan maxkamadiihii islaamiga, waxaase ay ciiidamadeeda kala baxday 2009-kii kadib markii ay qasaarooyin culus ka soo gaareen dagaaladii ay la gashay kooxihii ka soo horjeeday.

         

        Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabab ayaa sababay in ay xiligaan Soomaaliya faragaliyaan wadamada dariska la’ah. Dowlada Kenya ayaa 3 bilood ka hor ciidamadeeda u dirtay gudaha Soomaaliya si ay u riixaan islamar ahaantaasina ay meesha uga saaraan maleeshiyaadka Al-Shabab oo ay ku eedeysay in ay wadankeeda afduub dad ka gaysteen, inkastoo Al-shabab taasi beenisay.

         

         

        Ururka Wadani Oo Maanta Hargeysa Ka Furay Tartan Kubada Cagta Ah Oo Ay ku loolami doonaan 16 Kooxood.

        Hargeysa January 28.01.2012(Gabileyonline)Urur Siyaasadeedka WADANI ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ka furay Koob kubada Cagta ah oo ay ku Tartami doonaan 16 kooxood ka mida Kooxaha Caasimada.

        Tartan Kubada Cagta ah ee uu Maagliyey Ururka WADANI ayaa waxa uu ka qabsoomay Garoonka kubada Cagta ee Degmada Maxamuud Haybe, iyada oo uu furay tarnakaasi Xildhibaan Ibraahim Buubaa, furitaankii koobkaasi ayaa waxa ka hadlay Xubno ka tirsan Hogaanka ururka Wadani, Xidhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Marti sharaf kale.

        Munaasibad kooban oo loo qabtay Furitaanka tartankaasi ayaa waxa ka hadlay Xidhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada isla markaana ka mid ah Aasaasayaasha ururka Wadani waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ waxanu maanta halkan ka furaynaa Tartan Isboori oo uu maalgalinayo Urur siyaasaeedka Wadani oo u taagan gacansiinta dhalinyarada, waxa aanu hambalyo u diraynaa cid kasta oo ku hawlan gacansiinta dhalinyarada, dhamaan kooxaha tartankani ka soo qayb galaya waxaan ugu baaqayaa inay soo bandhigaan Ciyaaro wanaagsan oo saaxiitimo leh.” Ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.

        Waxa kale oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay Maxamed Xasan Dirir oo ka mid Masuulyiinta ururka Wadani waxa uu sharaxaad ka bixiyey ujeeedda ay tartankani u qabteen waxa uu yidhi “ anagu ka Urur ahaan waxanu tartan kan u qabanay si dhalinyara looga badbaadiyo khataraha ay leeyihiin balwada iyo tahriibku, isla markaana loogu sameeyo wax ay ka maararoobaan oo ay Jidh ahaan iyo maskax ahaanba ku nastaan, waxa aaanu ka Wadani ahaan mar walba garab taaganahay Dhalinyarada oo aanu ku baraarug sanahay kaalinta ay bulshada kaga jiraan, waxana aanu jecelnahay in aanu wax badan la qabano dhalinyarada.”

        Md. Dirir ayaa waxa kale oo uu intaasi ku daray “ ka urur ahaan Aad baanu ugu faraxsanahay in aanu noqono ururkii ugu horeeyey ee hir galiya barnaajim kani oo kale ah, waxa aanu rajaynaynaa inuu tartani u qabsoomo sida ugu haboon.” Ayuu yidhi Maxmed Xasan Dirir.
        Gabagabdii Munaasibadasina waxa ka hadlay Gudoomiyaha Gudida Isbootiga ee degmada Maxamuud Haybe Mr. Asad Ismaacil Aadan waxana uu yidhi “ waxaan aad ugu mahad naqayaa ururka Wadani oo higaliyey tartani oo ah mid ay ka soo qayb galayaan 16 kooxaad oo u qaybsan afar Group, waxa uu tartanka ciyaartiisuu ugu horaysay maanta ka dhacayaa Garoonkani Maxamuud Haybe, ururka Wadani waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee hir galina halw tani oo kale ah isala markaana ka dhalinyaro ahaan na garab istaaga, aad ayaan ugu mahadnayanaa ururka iyo madaxdiisaba .” Ayuu yidhi Mr. Asad.

         

        Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Caafimaadka Oo Xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeisa.

        Hargeisa January 27.01.2012(Gabileyonline)naxariitii janno ha ka waraabiyee waxa xalay magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ku geeryoodey Wasiirkii horre ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland Dr Idiris Ibraahim Cabdi.

        Marxuumka ayaa ku geeryoodey cusbitaalka Adna Ee Magaalada Hargeysa.

        Alle ha u naxriitee Idiris Ibraahim Cabdi ayaa wakhtigii uu dalka maamulayay Madaxweyne Rayaalle waxa uu ahaa Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland . sidoo kalena waxa uu ka mida ahaa xubin guddida fulinta oo xisbiga UDUB ah.

        Dr. Idiris Ibraahim Cabdi ayaa ifka kaga tegey 3 wiil, Gabadh iyo Hal xaas, oo Magaceedda la yidhaaddo Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo kamid ah Haweenka hal doorka u ah somaliland ee dhinaca samafalka kaalin weyn kaga jirta.

        Dhamaan hawl wadeenadda, shaqaalaha iyo maamulka Gabilayonline waxay Tacsi  u dirayaan Qoyskii, Ehelkii, Asxaabtii Iyo Dhamaanba Shacabiga Reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, waxayana ALLE uga Baryayaan in uu janaddii ka waraabiyo, qoyskii, qaraabaddii, qarankii, ehelkii iyo xaaska uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyto Aamiin Aamiin Aamiin.

        Dagaal Buuhoodle Ku Dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo Beeleed Ka Tirsan Degaanka Buuhoodle. 

        Hargeisa January.27.2012 (Gabileyonline) − Dagaal culus ayaa shalay galab ka dhacay Tuulladda Sool-joogto oo aan wax badan ka fogayn magaaladda Buuhoodle, dagaalkaasoo u dhexeeyey ciidamadda Milatariga Somaliland iyo Ciidamo beeleedka deegaanka Buuhoodle, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare badan.

        Dagaalkan ayaa ilaa hadda warar rasmi ah aan laga hayn, haseyeeshee, warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu geystay dagaalkaasi, waxaana la sheegaya in labadda dhinacba ay khasaare laxaadlihi ka soo gaadhay dagaalkaasi.

         

        Wararka aanu ka helayno Aagaasi ayaa sheegaya in dagaalkani dhacay ka dib markii wefti balaadhan oo ka yimid magaaladda Taleex ee lagu soo doortay maamulka Khaatumo State ay soo gaadheen degmadda Buuhoodle, taasina ay keentay in labadda dhinac mudaafiic hawadda isku waydaarsadaan, ka dibna uu sidaas ku bilaabmay, waxaanu si iskii ah u joogsaday xalay makhribkii markii ay cadceeddu dhacday, haseyeeshee uu mar kasta dagaalku iman karo oo ciidamadii halkaasi ku dagaalamay is hor fadhiyaan.

        Wararka aanu ka helayno khasaaraha dagaalkaasi ayaa sheegaya in ciidamadda Somaliland ilaa shan askari ka dhimatay, halka ilaa Tobaneeye ku dhaawacmay, inkasto aan war rasmi ah laga helin, halka ciidamadda Buuhoodlena aan si rasmi ah aan loo ogaan khasaaraha dhabta ah ee jira, inkastoo la sheegayo ilaa tobaneeye qof oo dhaawac ah in loo qaaday cisbitaalka Buuhoodle, iyadoo dhimashaduna aan wali la xaqiijin.

        Telefoonadda deegaanadaasi ayaa hawadda ka baxay dagaalka awgeed, taasina waxay keentay in la ogaado siday wax u dhaceen.

        Wararku waxay sheegayaan in gaadhi saad u siday ciidamadda Somaliland ay ciidamada deegaanka Buuhoodle dhexda u galeen, halkaasna ay ku qabsadeen. Halka ciidamadda Somalilandna sheegeen in maxaabiis ay ka soo qabteen dagaalkaasi, isla markaana loo soo gudbiyey dhinaca magaalada Burco.

        Si kastaba ha ahaatee, khadadka isgaadhsiinta oo xun ayaan si dhaba loo ogaan karin khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay, iyadoo wali ciidamaddu is horfadhiyaan, goorkastana la filan karo dagaal.

         

        Wefti Uu Hogaaminayo Dr Gaboose oo La Filayo Inay Gaadhaan Magaalada Gabiley.

         

        Hargeisa January.27.2012 (Gabileyonline) Wafti balaadhan oo uu horkacayo Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ku soo jeedda Magaaladda Gabiley, ka dib markii ay soo mareen isla markaana khudbaddo kala duwan u soo jeediyeen degoomiynka hoos yimaadda Gobolka Awdal.

        Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley ayaa isu diyaarinaya soo dhaweynta gudoomiyaha urur siyaasadeedka UMADA Maxamed Cabdi Gaboose, dadkan ayaa sita calleemo qoyan iyo calanka urur siyaasadeedka UMADDA, waxana ay ku dhawaaqayaan haddalo muujinaya taageeridda ay u haayan ururkan, siddoo kale waxa ay dadkani sitaan Boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo muujinayo taageeridda urur siyaasadeedkan.

        Soo dhoweynta Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waxa si xawli ah looga dareemayaa gabi ahaanba magaaladda gudaheedda, waxana wakhtigan ku sugan duleedka magaaladda Gabiley dad weyne iyo gaddiid aad u tira baddan, kuwaas oo sugaya waftigan.

        Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo Kulamo Layeeshay WaxGaradka Degmada XiinGalool

         

        Hargeysa 26.01.2012 (Gabileyonline) - Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami iyo wefti uu Hoggaaminayay oo maalhaman u dambeeyey safarka shaqo ku joogay gobolka Sanaag ayaa shalay socdaal ku tagay degmada Xiin-galool ee Bariga Sanaag, isla markaana dhagax dhigay dhismaha Saldhig Booliis oo laga dhisayo Xiingalool iyo Sariibad cusub oo iyana laga hirgelinayo Tuuladda Damala-xagare oo hoos timaada degmadaasi, mashaariicdaasi oo ay maalgelinayso xukuumada Somaliland.

        Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga iyo weftigiisu waxay shalay kulan balaadhan kula yeesheen degmada Xiin-galool cuqaasha iyo waxgaradka deegaankaasi, kuwaasi oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira degmadaasi iyo sidii loo xoojin lahaa amaanka.

        Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa cuqaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ku booriyay inay awooda saaraan ilaalinta nabadgelyada, waxaanu tilmaamay in horumarka ay u baahan yihiin lagu gaadhi karo nabad-gelyo.

        Wasiirku waxa uu u balan qaaday waxgaradka deegaanka inuu baahiyahooda kala duwan u gudbin doono xukuumada Somaliland.

        Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maayarka degmada Xiin-galool Maxamuud Xasan Maxamed, waxaanu uga waramay xaalada nabadgelyo eec deegaankaasi waxaanu sheegay in ay deegaankaasi u baahan yahay horumarin weyn oo dhinacyada kor u qaadista goobaha Caafimaadka, Waxbarashada, Sariibadaha iyo Rugaha Booliska oo uu tilmaamay inay gabaabsi ku yihiin degmada.

        Maayarku wuxuu weftigan uga mahad celiyay socdaalkooda waxaanu tilmaamay inay indhahooda ku arkaan xaalada Xiingalool.

        Waxa kale oo halkaasi ka hadlay cuqaal iyo waxgaradka deegaanka oo xukuumada uga mahad celiyay Sariibada iyo Saldhiga laga kala dhisayo Xiingalool iyo damala-xagare.

        Weftigan waxa xubno ka ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo ka soo jeeda deegaankaasi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland.

         

         

        Madaxweyne Siilaanyo oo Ka hadlay Shirka London Lagu Qaban Doono+ Dagaaladii Buuhoodle Ka Dhacay+ Shirkii Taleex.

         

        Hargeisa 26.01.2012 (Gabileyonline) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay markii u horaysay Shirka dawlada Ingiriisku ay ugu qabanayso bisha February ee socota London kooxaha Soomaalida, kaas oo sheegay inay ku gudo-jiraan wada tashiyo ay kaga arrinsanayaan mawqifka ay ka qaadanayaan Shirkaasi Dawlada Britain ku casuuntay Somaliland inay ka soo qayb gasho.

        Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay dagaalkii Buuhoodle ku dhex maray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyo deegaankaasi ka soo jeeda oo uu ku tilmaamay in kooxo hubaysan oo khalkhal galinaya ummada ay ciidamadu dagaal ku qaadeen, balse aanu ahayn dagaal shacabka Buhoodle lagu qaaday.

        Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidaasi ku sheegay mar uu xalay Idaacada BB-C-da u waramay, waraysigaas oo arrimo doora uu kaga hadlay ugu horayna waxa uu yidhi “Shirkan Ingiriisku ugu yeedhay inay Somaliland ka soo qeyb gasho marti-qaadkiisii masuuliyiinta Ingiriisku way na soo gaadh siiyeen shirkaa arrintiisa. Somaliland waa dal madaxbanaan inkasta oo aanu ictiraaf haysan, haddana waa dal madax-banaanidiisa haysta oo sababo taariikheed oo dheer ay keentay madax-banaanidiisa oo dadkuna ay ku tashadeen. Inkasta oo aanay ictiraaf haysan Somaliland haddana dunidu way la shaqeysaa iyana way la macaamishaa dunida. Anagu shirkaa wixii aanu u aragno inay waxyeelayaan Madax-banaanida Somaliland dabcan kuma jirno. Shirkaas taladiisii iyo arrimihiisii ayaanu ku jirnaa oo waxaanu ka tashanaynaa wixii laga yeeli lahaa, waxaanu la tashanaynaa haddii Alle Idmo qaybo badan oo bulshada ka tirsan oo ay Axsaabta Siyaasaddu ka mid tahay”.
        Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaasi ku daray mar uu ka hadlayey dagaalkii Buhoodle iyo Shirkii Taleex ka dhacay ayaa waxa uu dagaalkaasi ku tilmaamay mid ayaan darao ah, balse koox hubaysan oo ummadda khalkhal galinaysa ay ciidama qaranku talaabo ka qaadeen waxaanu yidhi “Horta marka hore Dagaalka ka dhacay Buuhoodle waa ayaan daro oo aad iyo aad ayaanu uga xun nahay dagaalku maaha dagaal aanu shacbi ku qaadnay ma aha, waxa jiray dagaal ciidamo hubaysan oo dadka khalkhal gelinayay ay Ciidamadu talaabo ka qaadeen ayaa jira, waanu ka xunahay haddii dad shacab ah dhibaato soo gaadhay ma rabno kumana talo jirno inaanu dad shicib ah waxyeelo. Ta labaad arrimaha ka soo baxay shirkaasi Taleex ee dhibaatooyinka kicinaya marka hore beeluhu way shiri jireen oo deegaanada dalka waynu ka warqabnay oo beelo badan ayaa shirayay laakiin waxay u shirayeen danahooda iyo deegaanadooda in wixii horumar ah ee dhinacyada Tacliinta, Biyaha iyo Caafimaadka ay ka qabtaan. Shirkaasi markiisii hore manaan diidin waayo markii hore la noogama dhigin shir goosi la imanaya, laakiin waanuse ka dignay oo waxaanu nidhi inta shirkaasi ahaanayo shir uu dadku aayihiisa kaga tashanayo waxqabadkiisa iyo horumarkiisa waxba kama qabno, laakiin Madaxbanaanida Somaliland waa ta halkaa ku taala ee Ducment-kaa ka muuqata ee ay way wada saxeexeen beelaha Somaliland shirkii Burco ee 1991-kii ee la isugu wada yimid.


        Safar Deg-Deg ah oo Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdilahi Cumar iyo Wasiirka Arimaha Guduha Maxamed Nuur Caraale Ay Ugu Kici Timeen Dalka Ethiopia.

         

        Hargeysa 26.01.2012 (Gabileyonline)Wasiirka Arimaha Dibadda Dr Maxamed C.laahi Cumar oo uu weheliyo wasiirka Arimaha Guduhu Maxamed Nuur Caraalle Duur, ayaa goor dhoweyd ka ambaxabay magaaladda Hargeysa, waftigan ayaa u kici timay dalka Ethopia.

        Waftigan ayaa sheegay in ay dalkaas u tagayaan siddii ay ugala hadli lahaayeen dhanka amaanka ee labadda Dal, iyo sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka labadda dawladood, balse wax tafaasiil intaas ka badan may bixin, waxanay hadalkaa kooban bixiyeen mar la waydiiyey u jeedada safarkooda iyagoo markaa ku sugan Magaalada Gabiley.


         

        U Qaybsana Arrimaha Somalida ee Dawlada Ingiriiska oo Sheegay In Somaliland lagu casuumay Shirka London ka dhacaya bisha February

        Mike Boo u Qaybsanaha Dawlada Ingiriiska ee Arrimaha Somalida ayaa sheegay in Somaliland lagu casuumay Shirka Ay Dawlada Ingiriisku Qabanayso Bisha February , Se Muu xaqiijin in ay Somaliland ka qayb Galayso Shirka.Mike Boo wuxuu kale oo sheegay in Shirka Lagaga Hadlaayo ayna Biritain Doonayso in ay wax ka qabato Arrimo Badan oo Somalia Khuseeya wuxuuna sheegay in ay dawlada Uk Doonayso sidii ay Culays u saari lahayd Xalinta Colaada Somalia ka socota Mudada 20 Sano ah Qadiyada Somalia na indhaha lagu Soo jeediyo. Sidaana wuxuu ku sheegay Waraysi uu maanta BBC siiyey.

        UQaybsanaha ayaa sheegay in shirka looga hadli Doono Arrimaha Gargaarka , Soomalida Qaxaysa iyo Budhcad badeeda .

        Isku Soo Wada Duuboo Shirkan ayaa Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ka dhex dhaliyey Doodo Badan , Dad badani ka soo horjeedaan in ay Somaliland ka qayb gasho shirka Shirkuna Somaliland ku Yahay Laf Jab ,Halka qaarna ay leeyihiin Somaliland ha ka qayb gasho Shirka si ay Badheedhaheeda uga dhiibto shirkuna uu yahay Chance ay Somaliland ugu Gudbin karto Caalamka Qadiyadeed.

        Ugu Danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Shirka London ka dhacaya Bisha February ay Somaliland ka yeelanayso Talo Qaran waxa ay ka yeelayso

         

         

        Taliyaha Booliska Arabsiyo oo Xabsiga loo Taxaabay iyo Sababaha Keenay Xadhiggiisa

        Hargeisa 25.01.2012 (Gabileyonline) Taliyaha Ciidanka Bilayska Degmada Arabsiyo Mr. Cabdi Cabdillaahi Xandule, ayaa gelinkii hore ee shalay xabsiga loo taxaabay, kadib markii amarka xadhiggiisa bixiyey Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Gabilay.

        Taliyaha booliska Arabsiyo ee xabsiga loo taxaabay oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula hadlay isagoo xidhan gelinkii dambe ee shalay, ayaa xaqiijiyey inuu xidhan yahay, waxaannu sheegay in sifo sharci-darro ah loo xidhay.

        “Waxay ahayd tobankii subaxnimo iyo dheeraad ee saaka (shalay) waxa ii yimi Taliyaha Qaybta Booliska ee Gabilay, waxaannu igu yidhi ina mari, waxaanuna isu raacnay dhinaca magaalada Gabiley, kadibna wuxuu igu sameeyey shirqool sharci-darro ah, isagoo markii aannu Gabilay nimi i xidhay. Markii aan weydiiyey waxa uu igu xidhayna wuxuu ii sheegay inaan sii daayey gaadhi xukun ku dhacay oo xabsi Arabsiyo yaallay. Waxaan ku idhi; gaadhigaas aad sheegayso dadkii lahaa baa meesha ka kaxaystay, anigana wax caddayn ah iyo wax la igu wareejiyey may jirin, markaa waxaan u arkaa xadhiggayga mid uu isagu ujeeddo gaar ah ka leeyahay.

        Taas wuu ku afgoobaadsanayaa, xadhigga iyo dacwadduna waxay leedahay nidaam sharci oo loo maro,” ayuu yidhi taliyaha la xidhay Mr. Cabdi Cabdillaahi Xandule.

        Mar la weydiiyey gaadhiga xadhiggiisa sababay iyo qaabka xukunkiisu ugu dhacay, waxa uu tilmaamay in aannu gaadhigaas iyo xukunkiisa waxba kala socon, taliyaha qaybta Gabilayna uu caddayn waayey sida loogu wareejiyey.

        Dhanka kale, Taliyaha Qaybta Booliska Gabiley oo Jamhuuriya isku dayey inuu kala xidhiidho arrintan ayaanay noo suurtogelin aannu helo, kadib markii qaban waaweyey telefoonkiisa gacanta.

        Haseyeeshee, ilo-wareedyo xogogaal ah ayaa  xaqiijiyey in uu maalmihii u dambeeyey jiray khilaaf qarsoon oo u dhexeeyey labada taliye, kaas oo la sheegay inuu sabab u yahay xadhigga taliyaha booliska magaalada Arabsiyo oo ka tirsan Gobolka Gabiley.

         

         

         

        Guddida Caddaaladda oo Lagu Tilmaamay Inay Saldhig u Yihiin Caddaalad-daradda ka Jirta Somaliland

         

        Sifo qalloocan oo la sheegay in guddidu u xushaan garsoorayaasha iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha + Jawaabta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

        Hargeysa 25.01.2012 (gabileyonline) Guddida Caddalaadda Qaranka Somaliland, ayaa lagu tilmaamay inay saldhig u yihiin caddaalad-darrooyinka baahsan ee ka jira dalka, kuwaas oo la rumaysan yahay inay sifo qalloocan u soo xushaan garsoorayaasha iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha dalka.

        Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo weriye ka tirsan Jamhuuriya xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku booqday shalay si wax looga waxa ka jira sifooyinka qalloocan ee la sheegay in guddigiisu u xushaan garsoorayaasha iyo guddoomiyeyasha maxkamadaha dalka, waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin arrimahaas, isagoo xusay in garsoorayaasha iyo guddoomiyeyaasha maxkaadaha lagu soo xulo aqoon iyo waayo-aragnimadooda.

        “Waxaannu ku soo xulanaa aqoon iyo waayo-aragnimo oo ninkii aqoon leh iyo kii aqoon iyo waayo-aragnimo lehba waannu qaadanaa. Way jiraan shaqaale dedaalay oo waxbartay oo waayo-aragnimadoodii aqoon ku darsaday iyo qaar waddamada jaarka ah wax ku soo bartay. Waxa kale oo aannu qaadanay ardayda jaamacadaha dalka ka baxay.”

        Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanyd waxa ka jira in qaar ka mid ah xubnaha Guddida Caddaaladda Qaranku ay wateen xubno ka mid ah garsoorayaasha la magacaabay, waxa uu ku yidhi; “Annagu guddi ahaan guddi baannu wada nahay oo cod qudha ayaanan wada leenahay, go’aankayaguna waa mid oo isku mid ah.”

        Mar la weydiiyey in cabashooyin ka yimaaddeen qaar ka mid ah garsoorayaasha la magacaabay oo ay ku jiraan xukaam hore oo dib loogu celiyey goobo markii hore laga beddelay, waxa uu ku jawaabay; “Annagu cid cabanaysa maannu arag, meel laga cawdana maanu gaadhin oo dhawaan baababa la magacaabay, cid na bogaadinaysa mooyaane wax cabasho ahi nama soo gaadhin. Cabashadu waxay soo bixi kartaa ama la ogaan karayaa marka sannad iyo laba sanno ay shaqeeyaan.”

        Sida ku qeexan dastuurka Somaliland, Guddida Caddaaladdu waa waaxda awoodda u leh

        Shaqo-siinta, xil-ka-qaadista, dallacaadda, hoos-u-dhigidda, beddelaadda iyo anshax-marinta garsoorayaasha maxkamadaha hoose (maxkamadaha racfaanka, gobollada iyo degmooyinka} iyo Ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud. Shaqaalaha kalee ka shaqeeya Garsoorka waxay hoos imanayaan xeerarka shaqaalaha dawladda, balse sida tibaaxuhu sheegayaan waxaad mooddaa in awooddaas guddida caddaaladdu si khaldan ugu tagrifalaan, taas oo sabab u noqota in markasta caddaaladda dalku dhutiso.

        Haddaba, weriye Siciid Yuusuf Xuseen oo ka tirsan bahda Jamhuuriya oo u kuurgalay qaabka ay shaqadooda u gutaan guddida caddaaladda Somaliland, ayaa ka diyaariyey warbixintan:

        “Guddida Caddaaladdu waxay u xilsaaran tahay dhisidda iyo tayaynta garsoorka, iyadoo uga masuul ah waaxda garsoorka dallacsiinta, kor-qaadista, eryidda maxkamadaha hoose ee dalka, sida Maxkamadda Racfaanka, Gobolka, iyo degmada iyo ku-xigeenadda xeer-ilaaliyaha guud, ayaa markii ugu horreysay la sheegay inay noqotay xarunta cadaalad-darrada ugu weyn ee dalku ka bilaabanto, iyada oo dhinaca kalena guddida caddaaladu caqabad ku tahay madaxbannaanida garsoorka dalka, maadaama xubnaha guddidan ka tirsan badankoodu yihiin qaar ku yimi degreeto madaxweyne. Waxa kale oo la sheegay in xubin kasta oo ka mid ah guddida cadaalada uu damcay inuu shaadhka gudinimo ee uu hayo uga faa’iidaysto siyaabo kale, isla markaana ay ku heshiiyaan gudidaasi loo xilsaaray cadaaladii qaranku inay iyagu ku soo xulaan xunnaha garsoorka qaab qabiilaysan, taasi oo fashilisay xilgudasho la’aanta ka soo ifbaxday garsoorkii ay magacaabeen oo ku dhisan hab qabiil oo ay guddidu taratan u galeen siduu midkastaa u keeni lahaa xubin uu isagu wato. Waxay taasi keentay in garsoorku madaxbannaani waayo, isla markaana caddaalad-darradii halkii ka sii socoto, iyada oo arrintana muujinayso qaabka ay uga faa’iidaysteen guddidii caddaaladdu xilkii loo igmaday.

        Sida ku cad qodobka 108 ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamayaa awoodaha shaqada guddida caddaaladdu uga masuulka tahay waaxda garsoorka dalka, shaqada guddida caddaaladduna waxay tahay;

        1. Guddida Caddaaladdu waxay u xilsaaran tahay: shaqo-siinta, xil-ka-qaadista, dallacaadda, hoos-u-dhigidda, beddellaadda iyo anshax-marinta garsoorayaasha maxkamadaha hoose (maxkamadaha racfaanka, gobollada iyo degmooyinka} iyo Ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud. Shaqaalaha kalee ka shaqeeya garsoorka waxay hoos imanayaan xeerarka shaqaalaha dawladda.

        2. Lama xidhi karo garsoore ama ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud haddii aanay Guddida Caddaaladdu oggolaan, haseyeeshee looma baahna oggolaanshaha guddida haddii garsooraha ama Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud la qabto isagoo faraha kula jira dembi ciqaabtiisa ugu yar tahay (3) saddex sannadood oo xadhig ah.

        3. Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa guddida ka hor oogaya eedda ka xayuubinta dhawrsanaanta, anshax-marinta garsoorayaasha iyo Ku-xigeennada Xeer-­ilaaliyaha Guud.

        Iyadoo laga wada warqabo helista guddida caddaaladda iyo dastuurka Somalilandba ku yahay helida garsoor madax-bannaan oo isku dheeli tiran, ayaa haddana waxa soo ifbaxay in qaar ka mid ah xubnaha guddida caddaaladdu shaqadooda u gutaan sifo aan ku qurux badnayn xilka ay hayaan, iyadoo bulshaduna baahi weyn u qabto sidii loo heli lahaa caddaalad loo wada siman yahay oo si madaxbannaan u shaqaysa.

         

        Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Sheegay In Uu Ku Baaqayo In Shirka Dawlada Ingiriisku Ku Martiqaaday Somaliland Laga Yeesho Talo Qaran.
        Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax layska weydiiyo faa’iidda ku jirta tagitaanka Shirka London, waxana uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay...


        Hargeysa 25.01.2012(Gabileyonline)Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland mudane C/raxman Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa sheegay in uu ku baaqayo in shirka dawlada Ingiriisku ku martiqaaday Somaliland laga yeesho Talo qaran.

        Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax layska weydiiyo faa’iidda ku jirta tagitaanka Shirka London, waxana uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in laga wadda tashaddo arimaha uu ku saasan yahay Shirka London iyo danta ugu muhiimsan ee ugu jirta Somaliland.

        Gudoomiye Cirro waxa uu sidaas ku sheegay mar uu manta u warmayay Shabakaddaha Gabiley News iyo Xoriyo news, isaga oo ku sugan xafiiskiisa.
        Gudoomioyaha Goloha Wakiiladda Somaliland waxa uu tilmaamay in Xukuumadda Somaliland Wali wax shir ah ka yeelan arintan London, Gudoomiyaha oo la weydiiyay Su’aal ahayd in ilaa hada ay iska arkeen xukuumadda sidii looga tashan lahaa tegista shirka London, ayaa waxa uu ku jawaabay “Weli iskamaanaan arag balse waanu ka wada hadlidoona insha Allah”

        Dhanka kale Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland waxa uu ka Hadley Shaqaaqadii dhowaan ka dhacdey Deegaanadda Buuhoodle iyo Mudahaaradkii ka dhacay Laascaanood, waxana uu shacabka Gobolka Sool u soo jeediyay in ay la shaqeeyaan Ciidamadda Qaranka Somaliland isla markaana iska ilaaliyaan wax kasta oo dhaawici kara qaranimadda iyo madaxbaananidda Somaliland “dadweynaha reer Sool waxaa u soo jeedin lahaa inay la shaqeeyaa ciidanka qaranka Somaliland” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

        Ugu danbeyntii Mudane C/raxmaan Maxamed C/lahi waxa kale oo uu ka hadlay ururka WADANI oo uu sheegay in hada Xafiisyadisii ka wada furan yihiin dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ,islamarkaana hawlihiisu si fiican u socdaan.

        “Xukuumadu Way Hagratay Bariga Sanaag Oo Waxa Ka Jira Badhasaab Iyo Maayar Magac U Yaal Ah, Hadaanay Xuquuqdooda Helina Khaatumo Iyo Wax Ka Daran Baa Ka Soo Bixi Doona”

        Hargeisa 25.01.2012(Gabileyonline)Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo kamid ah xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee golaha wakiilada, isla markaana ka mid ah waftiga xukuumada ee uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami ee doraad socdaalka ku tagay degmada Badhan ee bariga Sanaag ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan deegaankaasi ay usoo bandhigeen tabashooyin badan oo ay xukuumada Somaliland ka tirsanayaan, sheegayna haddii aan si dhakhso ah wax looga qabanin tabashooyinkoodaasi in ay tashan doonaan, isla markaana deegaanada bariga Sanaag aan dib loo arki doonin, waxaanu tilmaamay inay jiraan dad u dhashay deegaankaasi oo dalka dibadiisa iyo gudihiisaba ka wada qorshe ay ku dhaqdhaqaajinayaan in maamul ka madaxbanaan Somaliland lagaga dhawaaqo deegaanada bariga Sanaag
        Waxaanu intaa ku daray in degmada Badhan aanu ka jirin maamul dawladeed oo shaqaynaya, isla markaana uu dayac badan oo dhinacyada horumarka ah aanay xukuumadu ka samaynin, cadeeyayna in badhasaab iyo maayar magac u yaal ahi ay ka jiraan degmada Badhan.
        Xildhibaan Bulqaas oo ka mid ah waftiga xukuumada ee socdaalka ku jooga Badhan oo uu ka mid yahay wasiirka gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo madaxdhaqameedyo beeshaasi ka soo jeeda oo maalintii doraad gaadhay deegaankaasi oo shalay Haatuf u waramay isagoo jooga Badhan,ayaa sidoo kale sheegay in waftigoodu ay halkaasi gaadhsiiyeen mashaariic faro-guudkood ah oo looga cayimay cashuurtii 2% ahayd, waxaanu tilmaamay in ciidamo ka soo jeeda deegaanadaasi oo taageersan maamulka Puntland aanay wax dagaal iyo jidgoyn ah u gaysan waftigooda, uu tilmaamay in shacbiga ku dhaqan deegaankaasi ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen.
        Md Bulqaas isaga oo arrimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii shacbiga ku dhaqan deegaanada bariga Sanaag iyo degmada Badhan ee aanu socdaalka ku joogno waxay noo soo dhaweeyeen si wanaagsan, waxaananu kulamo xogwaraysiya la yeelanay madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka deegaanka oo aanu uga waranay ujeedada socdaalkayaga oo aanu u sheegnay inay la xidhiidho sidii aanu ugala dardaarmi lahayn adkaynta nabadgalyada iyo xaaladaha amaan daro ee ka taagan mandaqada aanu uga wacyigalin lahayn, waxaanu gaadhsiinay mashaariic faro-guudkood ah oo cashuurtii 2% ka ahayd looga qoondeeyay, wax horumar ah oo laga sameeyay iyo hay’ado dawladeed oo ka shaqanaya ma jirto, saldhig Boliis ma laha, Badhasaabku waxa uu ku jiraa guri kiro ah, Mch ma laha, sariibado lagama dhisin, maamulka gobolka iyo degmaduna waa kuwo magac u yaal ah, saaka waxaanu dhagax dhignay Cusbitaal cusub oo laga hirgalinayo Badhan, Jaamacadii Maakhir, Ceelkii Riigga lagu rakibayay ee biyaha, tashooyin badan oo aan la soo koobi Karin ayay dadweynuhu noos oo bandhigeen, haddii aan xaqa kaga maqan Somaliland si degdeg ah loo keenin bariga Sanaag Khaatumo iyo wax ka daran baa ka soo bixi doona, laakiinse anagu wakhtigan xaadirka ah waxaanu gaadhsiinay mashaariicda horumarka ah oo aanu muddo dheer anigoo kamid ah xildhibaanadii laga soo doortay deegaanka aanu ku qaylinaynay in wax laga qabto”
        Md Bulqaas oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Gogoshan wada tashi ee Madaxweynuhu ku baaqayna xaga beesha Warsangeli laguma darin ee beesha Dhulbahante ayuun baa loo dhigay”
        Xildhibaanka oo aanu waydiinay wararka sheegaya in bariga Sanaag laga wado qorshe lagu samaynayo maamul ka madaxbanaan Somaliland oo la yidhaahdo Maakhir State waxa arrinkaasi ka jira, waxa uu yidhi “Arrinkaa maamulka aad sheegayso waa la wad-wadaa oo dibada iyo dalka gudihiisaba waa laga dhaqdhaqaajinayaa, hadaan xuquuqda iyo saamiga dawlada Somaliland kaga maqan aan si dhakhso ah wax looga qabana bulshada bariga Sanaag way tashan doonaan”
        Xildhibaan Bulqaas oo aanu waydiinay ciidanka Puntland eek u sugan deegaanada Badhan ee kasoo jeeda deegaankooda ee la sheegay in jidgoyn ay u galeen waftigooda waaxa ka jira arrinkaasi, waxa uu yidhi “Inamadayadii ayay ahaayeen wax dhibaato ah iyo jidgoyn ay nagu sameeyeena ma jirto oo anagu sida Dhulbahante ma nihin oo gudahayaga isma dilno, sidaa darteed wax dhibaato ah oo na dhexmaray wiilashayada ciidanka ah ma jirto”
        Dhinaca kale waftiga ayaa xalay soo gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaa, iyagoo sidoo kalena waftigii wasiirka horumarinta reer miyiga Maxamuud Siciid Gacamay ee socdaalka ku tagay degmada Dhahar ee bariga Sanaag la sheegay in kulamo is xogwaraysiya ay la yeesheen waxgaradka iyo odayaasha deegaankaasi.

         

         

         

        Hargeysa 21.01.20012 (Gabileyonline)- Jen. Ivan Koreta oo ka mid ah saraakiisha dalka Uganda ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay isku dayayso wax walba oo ay awooddo si ay weerar aargudasho ah uga geysato dalka Uganda, isagoo ku taliyay in ammaanka la adkeeyo.

        Sarkaalkan wuxuu sheegay in guushii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ka gaareen dagaalkii Jimihii shalay dhacay oo looga adkaaday Al-shabaab uu sabab u noqon karo inay beegsato shacabka dalkooda.

        "Waxaan la soconnaa inaan bartilmaameedsannay Al-shabaab, iyaguna ay sameyn karaan wixii ay awoodaan si ay waxyeello ugu geystaan shacabkeena," ayuu Jen. Koreta taliye ku xigeenka ciidamada lugta ee dalka Uganda oo u warramayay Reuters.

        "Inta ay socdaan dagaallada ay ciidamadeennu ka wadaan Muqdisho iyo goobo kale oo Soomaaliya ka tirsan, waxaa dhici karta in la bartilmaameedsado shacabkeenna oo ku jira howlahooda caadiga ah lana dhibaateeyo," ayuu hadalkiisa ku daray.

        Jen. Koreta ayaa hoosta ka xariiqay inay weerarka aargudashada ah la socdaan ayna eegayaan mar walba. Isagoo sheegay inaan lagu fikirin inay sameyn karaan balse la ogaado inay sameynayaan, balse ay iyagu yareynayaan khasaaraha haddii uu xitaa weerar dhaco.

        Xarakada Al-shabaab ayaa waxay horay u sheegatay weerarro isqarxin ah oo lagu dilay 79-qof oo ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda bishii July ee sannadkii 2010. Iyadoo afhayeenka Al-shabaab uu xilligaas sheegay inay ahayd mid ay uga aargudanayaan dhibaatooyinka ay ciidamada Uganda ka wadaan dalka Soomaaliya.

        Dowladda Uganda ayaa waxay Soomaaliya u soo dirtay kumannaan askateeda ka mid ah si ay gacan ugu siiyaan dowladda KMG ah sidii ay uga adkaan lahayn Al-shabaab oo ka talisa inta badan gobollada iyo degmooyinka Soomaaliya.

         

         

         

         

         

         

         

         

         

        Dadwaynaha Oo Dareen Ka Muujiyey Hadal Abwaan Hadraawi Ku Baahiyey Radio Muqdisho, Kaas Oo Uu Ku Sheegay Inuu Adduunka Ugu Jecel Yahay Midnimada Soomaliya.

        01-Oct-2011

         
        Hargeysa(Gabileyonline) Dadwaynaha Magaaladda Hargeysa aragtiyo kala duwan ka bixiyay hadal warbaahinta maxaliga ahi ka baahiyeen Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi), kaas oo ahaa inuu Abwaanku sheegay inuu adduunka ugu jecelahay midnimada Soomaliya.
        Dadwaynuhu waxa ay sheegeen in aanay filayn in Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah hal-abuurada waaweyn ee reer Somaliland inuu ku dhawaaqo sida uu u jecel yahay midnimada Soomaliya, iyadda oo qaarkood tilmaameen inay ka naxeen kalmadahaasi ka soo yeedhay Abwaan Hadraawi, isla-markaana waxa ay sheegeen inay hoos u dhacday jaceylkii ay u hayeen Abwaan Maxamed Warsame (Hadraawi)
        Dadkan oo fariimo u soo diray shabakada wararka ee RAMAASNEWS.COM ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in Abwaanku idaacad ajaanib ah u sheego wax shacabka reer Somaliland dhibaya.

         

        Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Ansixiyay Xeerka Furashada Ururada Iyo Mudanayaal Ka Biyo Diiday Ansixinta Xeerka,

        13 August 2011

        Gabileyonline.com Mudanyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa saaka meelmariyay xeerka furashada ururada siyaasada iyo nidaamka axsaabta Qaranka oo ay hore u ansixiyeen

        Mudanyaasha Golaha Guurtida Somalilandayaa saaka meelmariyay xeerka furashada ururada siyaasada iyo nidaamka axsaabta Qaranka oo ay hore uansixiyeen Golaha Wakiilada.

        Fadhigii maanta ee GolahaGuurtida oo uu shir-guddoominayayku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golahaas Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, waxaana madasha ku sugnaa 51 xildhibaan oo ka mida 82 -ka mudane uu Goluhu ka kooban yahay,iyada oo ay xildhibaanadu gudagaleen cod u qaadida xeerka furashada ururada siyaasada,ka dib markii uu shir-guddoonku uu sidaas ku wargeliyay Golaha.

        Waxa xeerkaas cod gacan taag ah ku meelmariyay 33 mudane,waxa diiday 15 xildhibaan, waxa ka aamusay4 mudane guddoomiyuhuna muu codayn, waxaana sidaas ku ansaxay xeerka furshada ururada siyaasada oodhaqangal noqon doono marka uu Madaxweynuhu qalinka ku duugo,iyada oo la filyay in uu Madaxweynuhu uu sida uga dhakhsaha badan,maadaamaoo ay Madaxtooyadu si xood ugu ololaynayso in xeerkaas.

        Dhinaca kale waxa iyana saluug ba´an ka muujiyay xeerkaas qaar ka mida mudanayaasha Guurtida oo sheegay in loo maamulay si fool xun,iyaga oo shir-guddoonka ku eedeeyay in afduubeen doodii ay aqlabiyada Goluhu ku soo jeedisay in wax ka badel iyo kaabis xeerka lagu sameeyo, waxaana ay ka digeen mushkilada ka dhaln karta arrintaas marka la dhaqangaliyo.

        Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin( Dheeg) oo ka mid ahaa mudanayaashii ka biyo diiday ansixinta xeerka furshada ururada siyaasada ayaa yidhi"xeerkani waxa uu ahaa mid afduuba oo aad wada arkayseen waaxa mid lagag faa’iidaysano fursada gudoomiyihii golahan oo maqan”

         

         

         

        Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka Iyo Gobolka Maroodi-jeex Oo Maanta Xilalkii La Wareegay.

        Hargeysa (Gabileyonline.com) Dec 14. 2011-

        Guddoomiyayaasha cusub ee maxkamadaha racfaanka iyo gobolka Maroodi-jeex Cabdirashiid Duraan iyo Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilalkii dhawaan loo magacaabay.

        Munaasibada xil wareejinta oo maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka ahaayeen guddoomiyaha maxkamada sare, wasiirka cadaaladda iyo garsoorayaasha maxkamadaha Magaalada Hargeysa.

        Guddoomiyihii hore ee maxkamada racfaanka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo la badelay guddoomiyaha maxkamada gobolka , ayaa xilka ku wareejiyay, guddoomiyaha cusub Cabdirashiid Duraan,

        halka uu Cabdiraxmaan Hayaan isna xilka kala wareegay ku simihii guddoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi-jeex Barkhad Isaaq Barre oo xilkaas u hayay si ku meel gaadhka ah.

        Guddoomiyaha maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali iyo wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo hadalo ka jeediyay munaasibadaas, ayaa masuuliyiintan cusub ugu baaqay in ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana ay shacabka si cadaaladda ugu garsooraan,iyaga oo fulinaya dastuurka iyo qawaaniin wadanka u taalla.


        Xaaladda Gobolka Gabiley Dhacdadii Seemaalka Dabadeed

        (Gabileyonline.com)06-Dec-2011.wararka guud ahaan naga soo gaadhaya Gobolka Gabiley

        ee la xidhiidha dhacdadii foosha xumayd ee sadex qof oo rayid ah lagu dilay

        goobta Seemaalka waxaa xalay loo xidhay sh.maxamuud sh.muxumed raage,faarax miigane,daahir-yare,aw-yuusuf magan,caaqil gaydh.

        Waxaa xabsiga loo taxaabay La-taliyaha Arimaha Siyaasada ee m/ne siilaanyo mr,Abiib Diiriye Nuur Seemaal oo lagu sababeeyay xadhigiisa dhacdada dilka 3qof ee goobta seemaal 05.Dec,2011.

        Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog-ogaal ah waxaa lagu daba jiraa madax xilal sar-sare ka haysa qaranka s/land iyada oo tuhun xoogani ku hareeraysan yahay.

        Weli xukuumadu kumay guulaysan inay soo qabato dhagar-qabayaasha dilka gaystay

        xaalada degmada wajaale oo halbawle u ah ganacsiga s/land iyo Ethiopia ayaa shaki badan kala galay bulshadii ganacsiga ku wada lahayd wajaale

        iyada oo habeenkii nin waliba baradiisa si feejigan u dhex fadhiyo gabal dhaca waxaana dadwaynaha wajaale rajadoodu ku xidhan tahay hadba guusha xukuumadu ka soo hayso dhagarqabayaasha qaranimada ku soo duulay.

        Waxaana gobolka gabiley guud ahaan laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq iyo hawlgallo xoogan oo ciidamadu ku baadi goobayaan gacan ku dhiiglayaashii dilalka gaystay isla markaan ay nabadgelyada ku sugayaan


        Hargaysa(Gabileyonline):-Guddida diiwaangelinta Ururrada siyaasadda ayaa maanta Kulan ay isugu yimaadeen ku shaaciyey inay si rasmiya u diiwaangelinayaan Furashada ururrada Siyaasada, waxaanay ka dhawaajiyeen laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 12/11/2011ay furan tahay diiiwaangelintu.

        Afhayeenka Guddida diiwaangelinta ururrada siyaasada Xasan Macalin ayaa oo Munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay inay furayaan liiska ururrada diiwaangelinta, isla markaana waxa ay caddeeyeen in diiwaangelintu ay joogsan doono 11/1/2012, hase yeeshee waxa ay Ururrada cusub ee Siyaasada ugu baaqeen inay soo buuxiyaan dhammaan shuruudaha lagu diiwaangelinaya, iyagoo soo waafajinaya Distoorka jamhuuriyada somaliland iyo Xeerka Doorashooyinka ee Xeer 14.

        Afhayeenka Guddida diiwaangelinta ururrada Siyaasada Xasan Macalin ayaa madashaas ka akhriyey Qoraal kooban, kaasoo u dhignaa sidan "Guddida diiwaangelinta ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta qaranka jamhuuriyada Somaliland, iyagoo ka duulaya Distoorka qaranka iyo Nidaamka hanaanka Xisbiyada badan ee dalkani qaatay, iyagoo ku dhaqmaya Xeerka nidaamka Ururrada siyaasada ee Xeer No 14/201, qodobkiisa 4aad farqadaha 1aad, 2aad iyo 3aad, iyadoo la tixgelinayo in hore loo qabto Doorashooyinka, ayaa waxay Go´aansadeen.

        1.In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 12/11/2011 ay furan tahay diiwaangelinta Ururrada siyaasada lana qabanayo araajida codsashada.

        2.In xidhmayso kuna eeg tahay diwaan gelintu iyo qabashada araajida ururada siyaasada markay taariikhdu tahay 11/01/2012 mudadaaas oo ah laba bilood (60 cidsho)

        3.Ururrada waxay codsiyadooda ku soo hagaajin karaan xafiiska xarunta dhexe ee gudida ee hargeysa ku taala

        SHURUUDAHA LAGA RABO CIDA RABTA INAY IS DIWAAN GELISO

        1. Inuu soo qorto arji foomka loogu tala galay

        2. Goortii iyo goobtii uu ku qabtay shirka Aas-Aaska ee ugu horeeyey

        3. Liiska magacyada hogaanka gudiga fulinta iyo golaha dhexe

        4. Liiska magacyada Aas- Aasayaasha iyo habkii loo doortay

        5. Qaab dhismeedka ururka

        6. Magaca ururka oo dhamaystiran iyo qaabka uu u qormayo marka la soo gaabiyo

        7. Cadaynta bixin cashuur dhan 150,000,000

        Guddoomiyaha Guddida diiwaangelinta Ururrada Siyaasada Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), oo ugu dambayntii munaasibadaas ay kaga dhawaaqayeen inay furan tahay diiwaangelinta ururrada siyaasada, ayaa u mahad-celiyey Xubnaha Komishanka doorashooyinka,, Goleyaasha qaranka iyo Ururrada siyaasada oo Madashaas qaar ka mid ahi ay fadhiyeen, waxaanu sheegay inaanay diiwaangelin doonin Urur siyaasada aan buuxin shuruudaha looga badan yahay.

         

         

         

         

         

         

         

        12/08/11

        Beesha Caalamka ayaa Goojineysa  

         

         

         

         

         

         

        Kadib markii sannad ka soo wareegey xilligii baarqabkii Kulmiye       

        loo tu'iyey 

        Somaliland ayaa Dabadhoonada jira nin waliba meesigiisii loo diray                            

         ka warbixiyey waxqabadkii iyo halkuu xaal marayo.                                  

        Warbixinahaa waxaa wada dhegeystey oo qoraal ahaana u akhriyey

         weriye ku sugan Laanta curdinka oo la yidhaa  Agoon.

        Kadib markuu wada dhegeystey wuxuu bilaabay in uu

        waraysto dabadhoonada warbixinaha soo gudbiyey qaarkood.

        Wuxuu ka bilaabay dabadhoonka qaabilsan meesiga ictirraaf raadinta.
         
        Agoon: Marraa waaxid warbixin caaqiiba leh oo

        ididiila leh oo lagu diirsaday ayaad  soo gudbisey.

        Waxay ahayd warbixin heer Kacaan ah. Waxaad

        i xusuusisey khudbadihii Golihii Sare ee Kacaanka

        iyo guulwadayaashoodii ee wax qabadka 21 Oktoobar,

        ku nuuxnuuxsan jireen iyada oo aan maandheeri xaab ka qaadin.

         Adeer miyaad la soo shaqaysay Kacaankii?
         
        Dabadhoon: Geel laba jir soo wada mar.

        Laakiin anigu waxaan ahaa kuwii heesihiisa lagu anqariyey

        ee khudbadihiisa lagu barbaariyey.

         

        Agoon: Caqliga ha waayin weliba idinku waxaad dheer tihiin

        kuwii la shaqeeyey teknoolajiyada casriga ah iyo baraha internetka.

        Waxaan ku weydiiyey, Ilaahay baan kugu  dheeriye, 

        warbixinta ballaadhan ee subugu da'yo, ma wada dhabaa

        mise waad yara xawaasheysey,

        oo waad yara buubbuunisay?
         
        Dabadhoon:Siyaasadu xawaash, hayl iyo

        turufatoorayn kama maaranto.

        Waa la isku dhex mijiijinaa no, maxaa ka macno ah.

         

        Agoon: Adeer, ma laga yaaba in aad

        laanta curdinka beryahan soo booqato?

         

        Dabadhoon: Laanta curdinka. Adeer xagay ku taalaa?

         

        Agoon: Haddaanad garaneyn  Google it.

         

        Dabadhoon: Adba ii sheeg.

         

        Agoon: Ma ku tala jirtaa in aad garoonka soo booqato?

         

        Dabadhoon: Maalin walba sooniga ka dhoofa.

         

        Agoon: Maad garan. Google it

         

         

         

        Dabadhoon: adba ii sheeg.

         

        Agoon: Maad garan ee google it.

         

         Agoon: Waayahay ee ogow Laanta curdinka,

        Tog wajaale iyo Garoonku waa isku mid.

        Iska jir ayaan muwaadinimadu muran geline,

        awrka dabar la'aan dhacana waxa cuna dugaaga.

         

        Dabadhoon: Adeer meeli iigama banaan.

        Rag bay u xidhan tahay, fooda aniga iyo

         dhalinyaradu ma gelin karno gobolkaa.

         


        Agoon: Miyaan xil kaa saarayn?

         

        Dabadhoon: Aniga waa la i magacaabay, iyagu imay magacaabin.  Baarqabkaa i magacaabay.

         

        Agoon: Markii ololaha doorashada lagu jirey, wadigii booqday. Waad u dano sheegatay waanay kuu hiiliyeen.

        Waxay doonayaan in ay iyaguna markooda kuu dano sheegtaan. Ma ceebaa?

         

        Dabadhoon: Waar anigu dabadhoon baan ahay, meesi gaar ah ayaa la ii  diray, mudanayaashii ay doorteen,

        xildhibanadoodii iyo dawladooda Gobolka iyo degmooyinka ha u dana sheegtaan.

         

        Agoon: Waxaasi waa waxa inanta yari ka dhalaynayso ee kabaha jaangariga loola soo baxay. Sidaa ma u ogsoon tahay?

         

        Dabadhoon:  Markay gudahooda xalaan,  ayay gudaha guriga baarqabkana  xali karaan, oo ka hadli karaan.

         

        Agoon:  Aan meesigaaga ku soo laabtee, hadda halkuu  xaalmarayaa, markaad xawaashka iyo haylka, iga akal reebto?
         
        Dabadhoon: Way fool qaaday, sidaan warbixinta ku cadeeyey.
         
        Agoon: Maashaa allaa. Oo adeer baarqabyo badan ayaa hortiin loo soo tu'iyey,candhadeed go'aday soo tii  xiitaa abasixi weydey. Kaaga darane markuu meesha ka  tagan waxaa la yidhaa waxba iskama hagran oo baarqab fiican buu ahaayee, way qabeysey iyo way dhicisay, Maxaa haatan idinka idiin fududeeyey? Ma hawlihii hore loo qabtay ayaa isa soo taraya?

         

        Dabadhoon: Waa runtood. Sedexdii horaba waa loo bogey abaahadoodii. Nabad dhal bay lahaayeen, laakiin Ictiraaf dhal may lahayn.  Waxaana ugu wacnaa  dabadhoonadoodii meesiga ictiraafka u qaabilsanaa ayaan dad ahayn oo la hadhay. Markay u quminayaan faraha ayay isticmaalayeen iyaga oo aan faraxalan sidii berigii hore. Maanta anigaa jooga meeeeeeesigiiiiiii ictiraaaaaaf raaaaaaaadinta.  Aaaaaaaaalado casriya iyo Remote Control ayaan adeegsanayaa. Faraha lama galo ee sheeda ayaan ugu qumanayaa. Sidee waayi adiga! That's the difference. Waan ka wada  faro dhuudhuubnahay kuwii hore ee soo maray.

         

        Agoon: Cajiib. Maashaa allaaa. Fariid waar ninkaagan oo kale ayaa la doonayaa.  Laakiin haddana, adiga oo waxaa soo qalaba adeegsadey oo fara dhuudhuuban, maba goojineysey, siday wax u jiraan?

         

        Dabadhoon:  Hadalkaygu xagguu kaa dhaafay way fool qaaday baan ku idhi no. Sidee weeyi adiga. Somaliland  in ay goojiso looma baahna. Beesha Caalamka ayaa goojineysa, gaar ahaan markay aniga i  aragto ee aan kiiska hor dhigo.

         

        Agoon: Oo adeer hasha dabadeedu  ma  London bay ku taal? teeda kale mabay rimin siday u foolataa? In ay foolato soo in ay rintaa kama horayso?

         

        Dabadhoon: Hasha dabadeedu London bay ku taal, caloosha ictiraafka sidaana Maraykanka ayay ku taal. Beesha  caalamka ayaa goojineysa, beesha caalamka  rimaysa. Hanna wareerinina.

         

        Agoon: Ilaahayo aanay fool halaabin, sidka geelu ku dhallana  aanay shinkiisa dhaafin. Aan soo gabagabeeyee, Maxaan Laanta curdinka kaa gaadhsiiyaa?

         

        Dabadhoon: Hadalka oo gaaban ha i haybsanina. Maalintii hashaan raacaa, habeenkiina waan seexda. Xasarada ma aqaan. xurgufaha dhexdiinana xaashee ma galo. Idinkaa waxna isyeeli kara, waxna is tari kara. Wixiina idinku maamusha oo wax ku qabsada. Allaybaday waa hore ayaa go'aday, Togwajaale waa la mid, kuwa kalana waa la mid. Midba meel ayuu waraabey ku cunayaa. Maamulkiina dawlada hoose waad midayn kariweydeen.

         

        Waxaa ka sii daran  baarqabka wax loo doontay ee jaabkiinii idinka Casuumey ee dawladiinii hoose ammar ku bixiyey in ay idin siiso qadar lacaga oo dhan 10, 000 oo laba kabood gooya. Waxaad tihiin waraabihii kudmada doontay ee isagii la kudey.
         

        Weliba waxaad ugu faanteen sidii dawladii dhexe xaqiinii ka soo dhacsateen. Waar haddaan guulwadeeyo waayo! waxaa soo miidhan baan arkayaaye, maxaa aniguun i kiin daba dhigay. Lacagtu waa lacagtiinii, dawladda hoose waa dawladiinii, cid idiinku mana sheegan kartaa ma jirto, ku idiin dhaw iyo ku idinka dheerba.

        Dadweyne waxoodii cid kale uga martiya oo gobolkoodii basaasay Gebiley ayuun baa jirta.

         

        Agoon: Ma waxaad leedahay,  Gebiley dhan loo dayaba waa  dameer malab sida oo barwaaqada lagu kantaa tiro iyo tayaba dhafoorkooda kama muuqato.

         

        Dabadhoon:  Nacam. Haa. Dhibaatada haysataa waa mid dhaqan. Wax walba way kala qoqobayaan oo weli maankoodu wuxuu ku shaqaynayaa madihii beerta. Maamulkii ayay kala qoqobayaan, dadweynihii ayay kala qoqobayaan, tuulooyinkii ayay kala qoqobayaan, oo madaxdoodii ayaa isqoqobeysa oo isa sii kala qoqobeysa. Dhallin yarta danbe Looma sheegin in danta guud loo guuso, ammadkana la wada tunto.
         
         Markay asqoobaana xaalkoodu waa Ilaahayoow ka yar iga daayow ka weyn igu soo daa. Waxaan ku soo gabagabeynayaa: "Waar soo gebilayee Boorama iyo saaxil  xaalna kama raacdid, waar soo dabkuba waa xurmeen xaabo lama saaro."
         

        Agoon: Toloo yaa u sheegay!  waar Ilayn goblan geeri uun ma aha.

         

        Qalinkii Hamud duale

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

         

        Contact us:gabiley44@mail.com or newgabiley@gmail.com

        Copyright ® 2003 gabileyonline.com